Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Guud ahaan beeraleyda Hiiraan badankood marka aanu leenahay beeraleyda Hiiraan dhamaan halkaan kuma soo koobi karno inta ay dhan yahiin laakinse waxaanu ka hadleynaa beeraleyda wax soo saarka Hiiraan ugu badan amaba beeraha ugu waaweyn leh badankood ayaa si ay uga gaashaantaan sidii ay hantidooda uga bad baadsan lahaayeen burcad ka mid ah kooxaha wadanka ku haya xaalufinta oo inta badan warshado lacagta false-da ah ku sameeyaan qeybo ka mid ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii ay qeyraadka amaba qudaarta noocyadeeda kala duwan ee ay beeraan ugu dhoofsan lahaayeen dibada halkaasne uga soo iibsan lahaayeen hadba waxii ay u baahan yahiin.


Beeraleyda Hiiraan waxey iskugu jiraan dhawr nooc, qaarkood waa kuwo awood u leh in ay dibada ka soo xirtaan ganacsi baaxadweyn maadaama ay soo saaraan qudaar aad u badan kuwaasi oo aan ku xirneyn xiliga roobka oo iyagu sanadkii 4 jeer beerahooda abuura walow ay ugu danbeyn waxii ay soo saaraan looga bedelan jiray lacago false-ah inta badan.

Sidoo kale qaar badan oo beeraleyda Hiiraan ka mid ah waa beeraley aan wali tabareysan wax soo saarkooduna ma dhaafsiisna inta ay cunaan iyo qeyb ay u iibgeeyaan magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan maadaama aysan badankood awoodin waraabka beeraha oo qarash badan u baahan sidaasi daraadeed iyagu ma dhaafsiisna wax soo saarkooda local-ka amaba gudaha Hiiraan.

Hadaba warbixino kala duwan oo aanu ka heleyno qaar badan oo beeraleyda Hiiraan ka mid ah ayaa qorsheynaya in ay waxii beerahooda ka soo baxa si toos ah ugu iibgeystaan iyagoona hada si hoose iskugu xirmaya inta badan beeraleyda waaweyn ee heystaan hantida muuqata ee soo saara dalaga ugu badan ee Hiiraan ka soo baxa waayadii danbe.

Arintaan ayaa ka danbeysay kedib markii ay waayadii danbe ay ku soo bateen gudaha Soomaaliya siiba koofurta iyo bartamaha Soomaaliya warshado lagu daabaco lacagaha False-da ah ee shilin Soomaaliga taasi oo xal loo waayey lagu xakameeyo shaqsiyaadka gudaha wadanka ka sameystay warshadaha lagu dhacayo bulshada.

Sikastaba dadaalka ay beeraleydu wadaan oo hada u muuqda mid bilaaw ah ayaa laga yabaa inuu soo afjaro mudo 23 sano oo ay ganacsiga Hiiraan maamulayeen shaqsiyaad ka soo jeeda degaano ka baxsan Hiiraan oo beeraleyda qiimo jaban uga iibsan jiray waxii ay soo saaraan tiiyoo ay u dheereyd shilin Soomaali false-ah.




Isha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 2.42 seconds
14,568,529 unique visits