Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
marknz3

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Dalka Soomaaliya oo u muuqda mid ka soo kabanaya colaadii ay shacabku ku soo jireen mudada waxaa dhawaan loogu deeqay dhaqaalo lagu qiyaasay 2billion dolar inkasta oo ay jaamacada Carabtuna doonayaan in ay dalka Soomaaliya u qabtaan shir la mid ah kii dhawaan ku soo dhamaaday dalka Belgium, hadane marka la eego qaabka madaxweynaha Soomaaliya loogu soo dhaweeyey dalka Taliyaaniga ma ahan mid ay horey uga barteen Soomaalida maanta nool waxii ka danbeeyey bur burkii ku habsaday dalka Soomaaliya mudo haatan laga joogo 23 sano.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Soomaalida ku nool dalka Taliyaaniga ayaa sheegaya in ay dowlada Taliyaaniga oo uu waayadii danbe sii yaraanayey xiriirka kala dhaxeeya dalka Soomaaliya ay markasta doonayeen inay arkaan hogaamiye rasmi ah oo dalka Soomaaliya madax ka ah iyo safiirkii dhawaan laga qaaday xilka Nuur Cade oo ay sheegeen inuu sabab u ahaa isku xirid la'aanta dowladahii kumeel gaarka ahaa iyo dowlada Taliyaaniga iyagoo sheegay hadii safiirka aad wadan u magacaabato adigoo hogaaminaya dalka Soomaaliya uusan ka shaqeyn xiriirka dalka uu joogo iyo wadankiisa wey adkaaneysaa in siyaasada xiligaas taagan ay dowladu ku guuleysato.

Marka laga soo tago safiirkii hore iyo waabka uu u shaqeyn jiray hadane waxey jaaliyada Soomaaliyeed ee Roma leeyahiin waxaanu hada dareemeynaa in aanu nahay dal leh dowlad rasmi ah waayo ayey yiraahdeen xili uu dalka Taliyaaniga soo booqday r/wasaarahii dowladii kumeel gaarka aheyd Cabfiwali Gaas waxaanu kala garan weynay bey yiraahdeen in uu yahay hogaamiye ka socda Puntland amaba r/wasaare Soomaaliyeed iyadoo xiligaas qaar ka mid jaaliyada lagala dhuumanayey goobta uu joogo hadase wax badan ayey xaaladu ka duwan tagay.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ku nool Talyaaniga oo ay qaarkood mar hore wadanka ugu danbeysay ayaa aad ugu farxay markii ay arkeen madaxweynaha Soomaaliya oo loo saaray astaanta calanka Soomaaliya meelkasta uu madaxda Dowlada Taliyaaniga kula kulmayeyna uu aad uga muuqday calankeena oo mudo ka maqnaa wadamo badan oo caalamka ka mid ah.

Sikastaba walow uusan dalka Soomaaliya walito gaarin 1dolar oo ka mid ah dhaqaalahii loogu yaboohay Soomaaliya dalka Belgium hadane wey adag tagay in lagu deg dego farxada dhaqaalahaas inta uu wadankeena ka gaareyso oo si rasmi ah loogu dhisi doono adeega bulshada.

Wararkii ugu danbeeeyey ee naga soo gaaraya safarka madaxweynaha Soomaaliya iyo waftigiisane waxey sheegayaan in siweyn ay ugu diyaar garoobeen jaaliyada Ohio oo marka la eego baaxada qaban qaabada shirka lagu soo dhaweynayo madaxweynaha iyo waftigiisa uu aad uga balaaran yahay shirkii horey loogu soo dhaweeyey madaxweynaha magaalada Minneapols xiligii ay dowlada Soomaaliya sida rasmigaa u aqoonsatay dowlada Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waxaa ka soo muuqda yididiilo aad u wanaagsan kaliya hadii dhaqaalaha dhawaan loogu yaboohay dalka Soomaaliya ay gaarto shacabka kaliya boqokiiba 30 ilaahow maa hal gobol oo dalka Soomaaliya ka mid ah lagu dhiso kor iyo hoos waa guul u soo hoyatay Soomaali oo dhan hadii dhaqaalahaas uu wadankeenu gaaro.

Madaxweynaha Soomaaliya lama dhihi karo siyaasadiisu waa ok boqolkiiba boqol laakinse marka la eego meesha laga yimid iyo meesha ay maanta wax marayaan aad ayey u kala qurux badan tahay waxaana kaliya ka dhiman dib u eekid dhinaca xukumada ah.dib u dhiska maamulada gobolada dalka iyadoo la ixtiraamayo rabitaanka shacabka.dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo ay colaad rasmi dhax taalo oo hadaan si dhab ah loo heshiisiin ay adkaan doono in leys aamino oo si sahlan loo helo Soomaalinimo dhab ah iyo umad ilaalisa danaha dalkooda oo hal meel wax iskula wada maadaama ay waayadan danbe aad u yaraatay dantii guud.

Tusaale hadaan sida ay wax u jiraan kaliya bulshada u soo bandhigno waxaa mararka qaarkood loo arkaa in dad gaar ah lagu xumeynayo maadaama aysan Soomaalidu runta jecleyn bal isweydii caasimada Soomaaliya ee Mogdishu mararka qaarkood dhaqanada ka jira oo ay ku dhaqmaan beelaha qaarkood sida qabiilka uga xoog badan yahay in la helo qaran Soomaaliyeed, kaliya waxaad baaritaan ku sameysaa ninkii shaleyto la xiray ee ku hadlayey magaca garab ka mid ah ururka Shabaab Maxamed Macalin waxa uu ku muteystay In la sii daayo kaliya wasiirka arimaha gudaha ayaa amray in la siidaayo Xasan Daahirna telefishin, computer iyo telefon xabsiga loogu geeyo si uu howlahii argagixisada iyo danahii qabiilka meeshiisa uga sii wado sidee ayaad ula yaabi kartaa Faroole iyo Ahmed Madoobe hadii ay magaca Daarood isku walaashadaan amaba magac Ogaadeen iyo Majeerteen xili kuwii dalka bur buriyey ee argagixisada ahaa Mogdishu lagu naas nuujinayo, mise arinku waa baqtiga ma cuno ee fuudkiisa ayaan cabaa?.

Mise dadka dhan waxaa la moodaa reer Hiiraan oo ay kaka dhagtay qaran Soomaaliyeed oo waxkasta lagu tijaabiyo xumaan iyo samaan? Isku soo duuboo howlaha madaxweynaha horyaalo ee wax ka qabashada u baahan ma yara waxii uu hada qaldane koleyto gursiga uu ku fadhiyo hadii uu nasiibka u diido inuu mar labaad doorashada soo socota ku guuleysto siyaasada Soomaaliya hogaankeeda waxuu gacanta u galidoonaa mid ka mid ah beelaha aan waligood wadanka madaxweyne ka noqon waxeyna r/wasaare u magacaabi doonaan beel ka mid ah beelaha aan waligood xilka r/wasaaraha qabanin kama hor dhaceyno qaabka ay siyaasada Soomaaliya isku bedeli doonto doorashada soo socota waxeyna waxkasta ku xiran tahay sida uu madaxweynaha Soomaaliya u saxo siyaasadiisa arimaha gudaha ku wajahan maadaama guulo la taaban karo laga gaaray arimaha dibada.

Isha Warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.11 seconds
14,667,445 unique visits