Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

M/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa oo u jiheystay dhinacaas iyo Africa.

Wararka MaantaArbaco 23, Feb 2011 (HSOL)-Ninka lagu wado inuu la wareegayo hogaanka dalka Somaliya bisha inagu soo adan ee Augost Prof Ahmed M Warfaa ayaa aqirka bishani aynu ku jirno ku sii jeeda wadamada Somaliya iyo Kenya, kedib isbedelo rasmi ah oo wadanka ka dhacayo sanadkani aynu ku jirno 2011.

Ololaha Prof Warfaa iyo teamka ay wada shaqeeyaan ayaa ku socda si xowli ah waxaana lagu soo waramayaa in magaalada Nairobi laga hirgaliyey xarun ku meel gaar ah oo laga wado ololaha ilaa inta laga gaarayoo waqtiga rasmiga ah oo ku beegan bisha May ee inagu soo aadan. warku waxuu intaasi ku darayaa in guri weyn Prof -ka looga diyaariyey caasimada Kenya halkaas oo noqon doonto xarunta ugu weyn ee laga hagayo doorashada iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee madaxweynaha mustaqbalka Somaliya iyo aqoonyahanada ku fikirka ah ee la wareegi doona hoganka dalka.

Inta badan shacabka Somaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga war bixiyey musharaxa m/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa. qaar Somalida ka mid ah siiba shacabka ka soo jeeda Puntland Galmugud, Galgaduud waxey leeyahiin muhiim ma ahan in lagu mashquulo Prof Warfaa iyo reerka uu Somali ka yahay ee waxaa muhiim ah ma yahay nin wadanka iyo shacabka samata bixin kara iyo wax la mid ah. halka qaarne ay leeyahiin mar hore ayey aheyd inuuba yimaado waayo waa nin ay Somalidu u siman tahay oo ay inta badan shacabka Somaliyeed ka dhawaajiyeen inuu cadaalada ugu dhaw yahay shaqsiyaad badan oo dalka hore u soo maray iyo kuwo maanta jooga.

Inta badan xukumada R/wasaare Farmaajo iyo xildhibaanada baarlamaanka waxey isku aragti ka yahiin fikirka ay inta badan shacabka Somaliyeed qabaan oo ah in Prof Warfaa yahay shaqsi wadani ah oo dalka iyo dadka uga faa'ideyn doona waaya aragnimadiisa. qaar kale waxey leeyahiin waa nin si wanaagsan u yaqaana shacabka Somaliyeed maadaama uu inta badan socod ku mari jiray dhulka miyiga ah xiligii uu buugaagta ka qori jiray dhirta, waana nin si wanaagsan u yaqaana qaabka loola macaamilo umada Somaliyeed.

Magaalada Mogdishu oo ah magaalo ay hada dagaalo qaraar ka socdaan hadane markaad booqato meelaha ay dowladu gacanta ku heyso waa musharaxa kaliya ee la hadal hayo maadama uu isagu yahay shaqsiga hada si rasmiah banaanka u yimid oo aysan waxiisu aheyn aashuun ku adan.

Prof Warfaa ayaa la saadaalinayaa inuu si wanaagsan u mideyn doono shacabka Somaliyeed oo aan ilaa hada la aqoon waxa ka dhaxeeya oo ay isku dilayaan maadama wadankuba iyaga ka badan yahay qeyraadkiisa. Prof Warfaa ayaa laga soo xigtay isagoo leh hadanba inta baabuur ka qaato Kismaayo aan ilaa Laawyo cade ku taki karin wal wal la,aan amaba muwadin kasta uusan si xor ah ku tagi karin meelkasta oo dalka ka mid ah, waxuu sheegay isaga iyo shacabka Somaliyeedba iney qiyaali ku jiraan isagoo ku dheraatay inuu abuuri doono jawi ka duwan midka hada lagu jiro oo ah system shaqeynaya oo muwaadinkasta u ogolaanaya inuu si cad u helo xuquuqda uu dalka ku leeyahay halka muwaadinka naftiisa laga doonayo inuu ka soo baxo xaquuqda uu dalku ku leeyahay oo ah inuu ka nabad galo umada isagane laga nabad galo.

Dalka Somaliya ayaa shacabkooda lagu qiyaasaa iney yahiin dad hadii ay helaan hogaan cadaalad ah si sahlan ku dhisaya dalkooda si sahlana u heshiinaya. waxaanu sugnaaba waa bisha May iyo halka ay ku danbeyso doorashada madaxweynenimada iyo gudoomiyahay baarlamaanka oo waqti isku dhaw kala dhici doonta.

Dhinacaas iyo Shacabka ku nool Somaliland iyo inta badan koofurta Somaliya ayaa iyaguna soo dhaweynayo musharaxa madaxweynenimada Somaliya Prof Warfaa oo hada soo gabo gabeeyey howlo inta badan ku saabsanaa arimaha Somaliya oo uu dhawaantan ka waday waqooyiga America. halka uu hada ololahiisa u wareejiyey Kenya iyo Somaliya. Prof Warfaa ayaa lagu soo waramayaa in ay magaalada Mogdisho iyo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah iney u joogaan dad iyagu is xilqaamay oo u arka in Somaliya ay si sahlan iskugu imaan karto hadii uu talada guud la warego Prof Warfaa iyo aqoonyahano kale oo Somaliyeed oo arintaan hada ku guda jira.

Dadaalada ay wadaan Prof Warfaa iyo aqoonyahanada kale ee Somaliyeed ayaa waxaa dhinac socda shacabka Somaliyeed oo iyagu koox koox iyo reer reer ula soo xariirayo iyagoo weydiinayo waxa uu dalka iyo dadka ka damacsan yahay intii la soo xariirtayne si weyn ayey ugu qanceen hadafkiisa siyaasadeed oo si weyn ugu daneynayo dan yarta iyo guud haan shacabka Somaliyeed. nidaamka uu hada hor boodayo Prof Warfaa waxuu si sahlan u baabinayaa dhaqano badan oo ay ugu horeyso qabiil qabiilka oo shaqsigu intii uu ku mashquuli lahaa shaqsi kale oo Somaliyeed waxuu xooga saarayaa inuu la tartamo shacbaka aduunka iyo kuwa deriska la ah.

Hadaba la soco safarka Prof Warfaa oo maalmaha inagu soo adan qudbad ka jeedin doona mid ka mid ah jaamacadaha Minnesota halkaas oo uu kula hadli doono ardey fara badan oo ay ku jiraan Somali. waxaa kale oo uu ku sii hakan doonaa dhawr saac Dalka Holland oo u mudo cayiman amab dhawr saac joogi doono, halka uu ugu danbeyn caga dhigan doono dalkaasi Kenya oo guri weyn oo uu ololahiisa ka wato loogu diyaariyey ka hor inta uusan u gudbin Somaliya.

Dalka Somaliya oo 20 sano ka badan ay ka taagnaayeen dhibaatooyin kala duwan shacabkiisuna ay noqdeen wax dhintay, wax qaxay oo qaxooti ku ah dalkooda iyo kuwo ay hada xaaladu kamareyso rajo beel ayaa sugayo Prof ka iyo aqoonyahanada Somaliyeed ee howshaan kula jira.Guul kasta oo uu dal Somaliya oo kale ah gaaro waxaa sabab u ah in yar kedibna waxaa mahadiya inta badan shacabka waxkastana waxey ku xiran tahay sidii shacabka runta loogu sheego oo daacad loogu shaqeeyo.

Dhinaca kale shacabka Hiiraan oo ah degaanka uu ka soo jeedo Prof Warfaa ayaa si weyn looga soo dhaweyey arintaani marba hadii hogaanka dalka ugu sareeya uu qabanayo muwaadin Somaliyeed oo ka soo jeeda Hiiraan State. inta badan masuuliyiinta dowlad goboleedka Hiiraan State iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Soamliya ayaa aad u soo dhaweeyey madaxweynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa iyo inta ka mid noqoneysa xukumadiisa . waxaa kale oo si weyn ula soo xariiray uguna hambalyey musharaxa waxgarad Somaliyeed iyo siyaasiyiin hore u soo maray hogaanka dalka Somaliya oo ay ku jiraan madaxweyneyaal.

Waxaanu sugnaaba waa sida uu ugu dhabeeyo Madaxweynaha mustaqbalka cadaalada lagu tuhmayo oo ay sheegeen inta badan shacabka Somaliyeed ee isaga hore u yaqiinay amaba qireen.

Ish warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net



Comments

#1 | idil cilmi caali on February 24 2011 08:41:43
a.s.c dhamaan walaalaha somaliyeed mel walibey jogan waxan aad igu farxsanahay musharaxa somaliyeed oo aan daremi karo waxa qabadkisa iyo aqontisa wanagsan wafa waxan u raajeyna inu noqdo madaxweynaha soomaliya waayo waa nin muhiim ah kana so jeedo beel sharaf iyo karamo ku leh umada somaliyed insha allh noqo midki nohagage noqo lo hanweyn yahay
#2 | yusuf olow ahmed on February 24 2011 14:27:04
waan idin salamay hiiraan state weebka waxan u mahad celinayaa profoor ahmed muumin warafa waxan lenahay shaqsi kaka haboon ma garanayo isusoo taga musharax nimadaada madxweyne nimadaada weli ma arag runtii shaqsi ku yaqaan oon shegeyn dacad nimadaada iyo sida umadu isugu ka midahay shaqsi kastaba waxa uu leyahay ma profassoor warfaa ayaa isioo sharaxey aleylehe mar hore ayaa larabey marka hambayo illahey haku garab gao aamiin aamiin
#3 | nike air max on June 02 2011 03:13:57
Thank you for sharing. Great day nicely carried out blogging.nike air max Desire to get cash for blogging? Nice to see you blogging about this very good topic.Did you generate this yourself or did you outsource it? Imp looking for a blog design thats comparable so thats the only reason Im asking.nike air max 2009 Either way maintain up the nice work I was impressed with your content truly...

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,633,060 unique visits