Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Dib uguma laabaneyno dhibaatooyinkii siyaasadeed iyo hagardaamadii faraha badneyd ee shacabka Hiiraan oo iyagu markasta wanaag doon ahaa ay kula dhaqmi jireen hadba dowladii dalkaan ka dhalata.

Sidoo kale dib uguma laabaneyno shaqsiyaadkii reer Hiiraan qeyrkood ka reebay ee iyagoo meel ka baxsan Hiiraan laga hagayo magacyo ururo iyo kooxeed iyagoo watana waxii ka danbeeyey 1990 loo adeegsan jiray bur burka iyo barakicinta dadkooda iyo degaankooda ugu danbeyn waxkasta oo taariikh xumo ah oo la soo maray iyo sadbursigii xad dhaafka ahaa iyo eexdii siyaasadeed ee dalka ka dhacday reer Hiiraan ilaa maanta wax dalkaan u dhaamo la waa maadaama ay markasta tusaale fiican u noqdaan waxkasta oo wanaag iyo horumar lagu gaari karo oo guud ahaan dalka lagu hormarin karo.

Bulshada Hiiraan marka la eego kacdoonadii dalka ka dhacay waxey intooda badan u ahaayeen hormuud hayeeshee markasta waxaa mindida daabkeeda heyn jiray kuwo aan xilkas lagu tilaami karin oo ugu danbeyn dhagarta iyo waxii xunba iyaga ku tijaabin jiray ileen dadku markey daacad yahiin dhagarta horey kana dareemaane.

Hadaba sidaan horey ugu balan qaadnay shacabka si aan markasta ugu soo bandhigno xaqiiqada maadaama waxkasta oo ay shaqsiyaad horey ugu dhiiradeen mustaqbalka soo socdana ay shaqsiyaad ku dhiiran doonaan ay taariikh isku bedeli doonto in aan bulshada u soo bandhigno hadba meesha ay xaalada mareyso xitaa hadii ay dacaar ka qaraar tahay.

Aragtida guud ee bulshada iyo qaab dhismeedka maamulka cusub.

Maadaama aanu horey u sheegnay in aanan dib ugu laabaneyn waxii la soo maray hadaan xaalada ka abaarno meeshey maanta joogto iyo aragtida inta caafimaadka qabto ee dooneysa in ay Hiiraan noqoto halka siyaasada guud ee dalka laga hogaamiyo meesha waayadii danbe la maamuli jiray iyagoo waxkasta u maraya wado sax ah oo nadiif ah si ay tusaale fiican ugu noqoto dalka intiisa kale.

Hadaba mar hadii sii toos ah iyo si dadbanba siyaasiyan Hiiraan loola dagaalamay ma in ay shacabku markasta ka hadlaan waxii la soo maraybaa mise waa in xalka laga abaaro meesha uu joogo? muhiimadu waa in laga abaaro meesha uu joogo lana eego mustaqbalka caruurta Hiiraan taasi oo lagu gaari karo kaliya qodobadan hoos ku qoran oo aanu ku soo koobnay kedib markii aanu siyaabo kala duwan ugu guur galnay rabitaanka shacabka iyo sida uu noqonayo maamulka cusub ee dhawaan shaqsigii hogaamin lahaa meel fagaaro ah sanaadiiq la dhigay lagu soo dooranayo.

1-Hiiraan kama dhalan doono maamul aysan garwadeen ka aheyn cuqaasha Hiiraan oo ay kaabayaan aqoonyahanada, culimada, dhalinyarada iyo intii ay ka go,an tahay in ay Hiiraan noqoto meel loo soo shaqo tago tusaalena u ah dalka intiisa kale iyadoo aad looga fogaanayo shaqsiyaadka bulshada markasta ku hor carara iyagoo wax badan u sameeya kolba jaanis heli meyside waxii aad doonto ku dheel.

2-Hiiraan oo ka ka mid ahaa 8dii gobol ee ugu horeysay ee Soomaaliya xili 7dii gobol ee kale laga dhigay dhawr gobol iyadoo dano fog laga lahaa waqtigaas oo meeshii tuulo aheydna degmo laga dhigay meeshii degmo aheyna gobol laga dhigay meeshii gobol aheydna maanta loogu yeero State, maamulka cusub ee ay bulshadu sugayaan ma noqon doono mid ku yimaada wadatashi la,aan waxuuna noqon donaa mid waqtiguba ha dheeraado hadii loo baahdee si fiican looga baaraan degay iyadoo la qiimeynayo baaxada dhulka, dadka, dhibaatada muuqata ee guud ahaan dalka ka jirta waxa ay reer Hiiraan hogaamiyaashii dalka soo maray ee dagaalka siyaasadeed ee tooskaa la galay bulshadaan caana madaadiyayaasha ah ku kalifay.sikasta oo ay ahaataba jiilkii xiligaas joogay ayaa masuul ka ahaa in ayu waxaas dhacaan.

3-Bulshada Hiiraan marka aan dib u eegno xogta rasmiga ah ee aanu ka heleyno gudaha Hiiraan iyo shaqsiyaad wax badan waaya arag u ahaa ee aanu wareysiyo kala duwan la yeelanay waxey kuu sheegayaan.

a)In marka hore la abaabuli doono shirweyne ay ka soo qeybgalayaan dhamaan qeybaha bulshada oo ay horkacayaan cuqaasha Hiiraan, siyaasiyiinta ilaa heer dowlad dhexe, maamulka uu hada waqtigiisa dhamaaday sidaasina lagu iclaamin doono qaabka ugu haboon ee loo soo dooranayo maamulka cusub.

b)Masuuliyiinta maamulka uu hada waqtigooda dhamaaday waxey ka mid yahiin shacabka maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta gudoomiye Laqanyo sidaasi daraadeed iyaga iyo shaqsiyaadkii maamuladii ka horeeyey waxiiba uu wali ku jiro damac siyaasadeed waxey dhamaantood ku gowracan yahiin go,aanka ugu danbeeya ee ay cuqaashu ku soo xulayaan golahii degaanka amaba baarlamaanka maamulka cusub.

c) Shacabku waxey kuu sheegayaan in ay markasta la safan yahiin go,aanka nabadoonada, Ugaasyada, iyo indheergaradka Hiiraan ka qaataan mustaqbalka waxa uu noqon doono maamulka cusub oo ilaa heer State ah, wax yaabaha ay shacabku u aaminsan yahiin cuqaasha ayaa lagu sheegay iney ugu wacan tahay in aysan shacabku %100 aamini karin hadalka afkooda ka soo baxa siyaasiyiinta oo markey hadlayaan kaliya fikirkooda ku cabira sida ugu haboon ee ay gursi siyaasadeed ku heli karaan dan guud iyo mustaqbalka caruurta Hiiraan in ay ka shaqeynayaan badankood lagama amisano tiro yar oo ilaah waafajiyey maahane.

D) Cuqaasha Hiiraan dhib uma rabaan bulshada Hiiraan dalka Soomaaliya iyo waliba ciidamada Amisom ee ku sugan Hiiraan sidaasi daraadeed howlaha badankooda waxey iskugu biyo shuban doonaan dhawaan iyaga.

4)Qaabka baarlamaanka Hiiraan loo soo xulayo waxuu noqon doonaa qaabkii 1960 kii doorashadii guud ee wdanka ka dhacday loo soo xulayey amaba nidaamkii ay horaantii sagaashameeyadii u qaabeeyeen Unisom ee dhamaan degmooyinka 5ta ah laga soo xulayey gudiyada kuwaasi oo ay soo xulayaan cuqaasha Hiiraan sidaasina golahii baarlamaanka amaba golahii degaanka lagu soo dhiso iyaguna gudoomiyahii barlamaanka soo doortaan kedibna la gudo galo doorashadii guud ee madaxa maamulka Hiiraan oo marka ay dhaceyso si waadax ah bulshada loogu soo bandhigi doono taasi oo aan marnaba noqon doonin mid aashuun lagu adamayo oo si deg deg ah ku dhacda inta labo ilaa 3 qofood meel la soo istaajiyo, waxaana waqti ku filan la siin doonaa dhamaan musharaxiinta si ay bulshadu u helaan jaanis ay ku soo doortaan hogaamiye nadiif ah halka dhinaca kale loo saari doono aqoonyahano qaabeeya dastuurka amaba xeerarka lagu dhaqi doono bulshada Hiiraan ee uu ku shaqeyn doono maamulka cusub xeerarkaas oo kala saaraya hayadkasta shaqadeeda.

Dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Amisom iyo ciidamda Hiiraan ee ku sugan Hiiraan kaalintooda.

Dowlada Soomaaliya waa dowlad masuul ka ah dalka dhan oo ay Hiiraan qeyb ka tahay howsheedu waa kaliya fudueynta qarashka ku baxaya shirka iyo in ay goob joog ka ahaato habka ay bulshadu u soo dhisanayaan maamulka ay rabaan iyadoo looga fadhiyo iney dowladu dib isku saxdo maadaama ay wax badan horey ula timid dhaqano aan ka turjumeyn danta guud ee dalka oo qaar wasaaradaheeda ka mid ah shaqsiyaad xiliyadii colaadaha aan wadanka ka bixin oo wasiiro laga dhigay oo dhaqan mooryaaneedkii dalka ka jiray oo kale doonaya iney siyaasada dalka ku dabaqaan iyagoo qarankii ka door biday dano qabiil waa in wasiir kasta inta uusan ka hadlin degaan kale nabadeeyo degaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ileen Soomaalidu waa is taqaanaaye ayey tiri hooyo Timiro oo ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn ugu oloynayo maamulka cusub oo aaminsan in doorashada laga dhigo mid waadax ah oo loo qabto qaabkii lagu doortay madaxweynaha Soomaaliya ciidamda amisom ee walaalaha Jabouti iyo kuwa Hiiraana ay sugaan amaanka guud ahaan gaar ahaan madasha shirka.

Gudiga ka socda wasaarada arimaha gudaha ee ku sugan Hiiraan iyo howshooda.

Wax badan Soomaali badan bilahii la soo dhaafay maqlayeen gudi ka socda wasaarada arimaha gudaha iyo xildhibaano ayaa degaan hebel tagay, wali wey qoyan tahay hadaladii is burinayey ee ay magaalada Kismaayo la tageen xiligaasi oo ay malaayiin Soomaaliya aad ula yaabeen mid ka mid ah xildhibaanadii safarka ku tagay Kismaayo oo hada ku sugan Hiiraan.

Xildhibaankaas masuuliyada sheeganaya wax yaabahii ay shacabka Jubooyinka siiba kuwii ku sugnaa magaalada Kismaayo la yaabeen waxaa ka mid ahaa markii uu tagay Kismaayo hadal ayuu idaacadaha Mogdishu ka sheegay kedibna waxuu dib ugu soo laabtay Mogdishu isla isagoo hadalkiisa burinaya ayuu
Hadane isla idaacadii ka hadlay waa within 48 hrs markaas ayaa waxaa iscelin waayey maalmo kedib odoyaal qabiilkii uu ka dhashay ka soo jeeda oo ku sugan qurbaha gaar ahaan wadan ka mid ah wadamada qaarada Yurub iyagoo mediyaha ka hadlaya ayey yiraadeen hadii uu deg degta joogin waayo xilka ayaan kala noqoneynaa.Hadaba xildhibaankaas waxuu ka mid yahay waftiga la sheegay inuu ka socdo wasaarada arimaha gudaha hadafka waftigaan hadaan bulshada u qeexno.

Waftigaan ma ahan wafti ay inta badan ka warqabeen bulshada Hiiraan waana wafti si toos ah ay u soo dirsaday wasaarada arimaha gudaha hadalada ay mediyaha ku maceysanayaan ee dadka lagu beer laxawsanayo in aysan waxbo ka jirin dhawaan ayaan wax la taaban karo bulshada u soo bandhigeynaa qaabka ay u hadlayaan marka ay mediyaha joogaan iyo sida ay tiro yar oo bulshada ka mid ah ugu sir warameen markii xaqiiqada ay Hiiraan u joogaan la ogaadayna shacabka Hiiraan oo maslaxadooda ilaashanaya waxey yiraahdeen haladaayo inta ay joogaan dhaqaalo ayey magaalada Belet Weyne soo galinayaane.

Arintii ugu qosolka badneyd ee gudigaan iyo maamulka waqtigiisa dhamaaday qaarkood dhex martay dhawaan filo kedibna isweydii in ay dowlada hada curdunka ah ka yimaadeen dad xilkas ah malaha sida dowlad looga yaqaano Hiiraan iyo sida raga badanaa Mogdishu ka yimaada oo aadba mararka qaarkood is leetahay Hiiraan waxaa loo tagaa in kaliya maadaama la maqlay siyaasiyiin badan ayaa ka yimid adigana ku soo shaac bax.Ogoow inta shaqsi ee Hiiraan booqatay oo inta mediya qaarkood magaca Hiiraan wata laga xayeysiiyey markii ay meeshii ay ka yimaadeen dib ugu laabtaana caaytama marka waftigaan xogtooda oo rasmi ah dhawaan filo kedibna isweydii in ay u yimaadeen in ay goob joog ka noqdaan dhismaha maamulka cusub iyo in ay fowdo u yimaadeen si ay iskaka horkeenaan shacabka Hiiraan iyo ciidamada Amisom kedibna si waliba deg deg ah ayey gobolka uga bixi doonaan markii ay wax badan ku ciyaaraan.

Waliba waxey la mid yahiin ruux qaawan oo cowradiisa loo jeedo waxkasta oo ay habeenkii dad yar ku qarsadaan amaba telefonada ay Mogdishu u diraan ku sheegaan maalintii gees ka gees Hiiraan oo dhan xitaa degaaanada ay Shabaab heysato waa leys gaarsiiyaa marka waxaa loo qaatay inta aysan magaca dowlada ceebeyn in aysan ka hor dhicin dadaalka cuqaasha Hiiraan ee ay talada ka godo sida xaqiiqada ah waxii ka danbeeyey shirweynahii Samadoon ee dhawaan lagu soo gabo gabeeyey qeybtiisa dhaqanka magaalada Belet Weyne shacabku sidii hore maahan waliba qaarkood hadalka wey kaa keenayaan iyagoo iska dhigayo iney siyaasad ahaan kula jiraan xog kastana cuqaasha ayey kula laabtaan waana waxa hada Hiiraan ku heysta ragii hogaaminayey maamulkii uu hada waqtigiisa dhamaaday iyo waftigii ka socda wasiirka arimaha gudaha.

Si joogta ah ula soco xaalaada Hiiraan iyo doorashada cusub oo aan noqon doonin sida ay qorsheynayaan ragaan wasaarada arimaha gudaha ka socda ee sida muuqata gabo ka waaweyn loo soo galiyey meel ma wada gasho reer Hiiraan iyagaa maamulkooda soo dooranaya iyo waxaanu soo gabo gabeynay kulamadii xili aysan xitaa hal maalin meel fagaaro ah kula kulmin cuqaasha Hiiraan arimahaas oo dhan filo goor dhaw.

Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya maanta kama shaqeyneyso hanaa iri iyo koox hebel ayaanu nahay ee waxaa ka shaqeynaya walaalow i dooro aan ku hogaamiyee.Walaaloow ila shaqeey hadii ley doorto waxaas ayaan qaban doonaa. walaalow walaaley iyo wax la mid ah, waayo shacabku 23 sano ayaa maalina waxaa u soo hanjabayey hogaamiye kooxeed,kooxo magacyo diin howan oo aaqirkii Shabaan iyo Alqaacida dhalay waxaana maanta kasban kara qof degan oo jabtar cusub iyo hadal wanaagsan kula dhaqma.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,613,423 unique visits