Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Kedib markii ay dhawaan qalab caafimaad gaarsiiyeen isbitaalka guud ee magaalada Belet Weyne gebdhaha qurbajoogta Hiiraan ee beesha Xawaadle oo isbitaalka ka saaciday qeybta hooyada iyo dhalaanka ayaa waxaa maanta gurmad deg deg ah soo gaarsiiyey dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti kedib markii ay soo foodsaartay bukaanka daawo yari baahsan.

Saraakiisha ciidamada dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti oo ka hadlay madasha ay dhaqaatiirka isbitaalku kula wareegeen dawada ayaa sheegay in ay si dhaqso ah uga jawaabeen kedib markii ay maqleen daawo yari isbitaalka guud ee magaalada Belet Weyne soo food saartay sidaasina ay codsi ugu direen madaxda qaranka Jabouti jawaab deg deg ahne ka heleen.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn xiliga laga baahi beeli doono dhaqaalahii dhawaan loogu yaboohay Soomaaliya dalka Belgium amaba ay Soomaalida iyagu is bari lahaayeen sidii ay ugu yaraan xarumaha caafimaadka u hormarin lahaayeen siiba ganacsatada ay maalinkasta xaasaskooda ay ku dhalaan isbitaalka ee hadana isha uun ka daawanaya, bal waxaad qiyaastaa maalintii inta gawaari oo xamuul ah ee Hiiraan ka baxa oo ganacsi ah iyo beeraha hadane Jabouti oo aan dhulkeeda ognahay ayaa kaalmo u soodireysa Soomaaliya intey waliba ka yaabeen dadku sida ay u dhiban yahiin iyo sida uu dhulka Hiiraan barwaaqo u yahay.

Waliba ganacsatada gudaha waxaaba ka damiir fiican qaarkood qurbajoogta wadamada waxootigaa ku nool oo mararka qaarkood intii karaankood ah daboola hadba baahidii jirta amaba soo baxda waxeysa su,aal ka taagan tahay goormee ayey gacan hoorsiga Soomaalida maanta nool joojin doonaan oo ay isbari doonaan in ay iyagu wax qabsadaan iskuna tashadaan?

Sikastaba waxaan la dafari karin taageera joogtada ah ee ay cawa iyo maalin bulshada Soomaaliyeed la dabajoogaan walaalaha Jabouti laga soo bilaabo Madaxweynaha, Xukumada iyo dhamaan shacabka Jabouti oo ay ugu horeeyaan ciidamada qalabka sida oo iskugu jira kuwo naftooda u huraya sidii ay Soomaalidu u noqon lahaayeen dal jira iyo kuwo dalkooda nabadeynaya si ay afrikada kale ula jaanqaadaan.

Isku soo duuboo ma ahan markii ugu horeysay ee ay walaalaha Jabouti kaalmo iyo dhaqaalo gaarsiiyaan Soomaaliya siiba Hiiraan waxeyna tani qeyb ka tagay dadaalo fara badan oo ay horey u qabteen sida gurmadkii ay la gaareen shacabkii ay dhibatada ka soo gaartay biyahii wabiga Shabelle gurmadkaas oo si toos ah uga yimidey madaxweynaha dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti H.E. Ismacil Cumar Gelle kaasi oo waqti yar kadib markii laga soo kabtay dhibaatadii biyaha mar kale dhalinyarada Hiiraan oo aan heysayn wax shaqo ah mar kale dib ugu soo nooleeyey ciyaarahii kubada cagta si ay ugu mashquulaan iyadoona ugu danbeyn lagu qabtay magaalada Belet Weyne tartan loogu magac daray President Gelle Cup.

Sidoo kale mudadii ay joogeen walaalaha Jabouti oo aad ula dhacay aqlaaqda ciidamada Hiiraan oo intooda badan u badnaa dhalinyaro aan xitaa heysan qalabka ciidanka mudo aad u dheerna dagaalo ba'an kula jiray kooxda Shabaab ayaa markii danbe ugu deeqay taageero iskugu jirtay qalab militeri iyo tababaro aan kala go laheyn taasi oo maanta ka dhigtay magaalada Belet Weyne marka ay booqdaan masuuliyiinta dowlada iyo waftiyada ka socda Qaramada Midoobay in ay qiraan in uu Hiiraan ka jiro hanaan dowladnimo dhab ah.sidoo kale waxaa xusid mudan in ciidamada walaalaha Jabouti ee ku sugan gudaha Hiiraan ay dhawaan iska aruuriyeen dhaqaalo ay ka jareen mushaarkooda oo ay ku dayac dirayaan xeradii ciidamada lamagalaay.

Sikastaba waxaan maalin iyo habeen lagu soo koobi karin dadaalka wax ku oolka ah ee ay walaalaha Jabouti markasta la gaaraan shacabka Soomaaliyeed.daawada ay maanta gaarsiiyeen isbitaalka guud ee magaalada Belet Weyne ayaa wax badan ka tari doonta ugu ayraan dhawr isbuuc baahida muuqata ee daawo la'aaneed ka jirtay halkaas waayadii danbe.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,613,790 unique visits