Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Magaalada Belet Weyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan ayna ka howlgalayeen 6dii bilood ee ugu danbeysay maamul kumeel gaar ahaa kaasi oo uu hogaaminayey gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.

Waxii ka danbeeyey markii ay shacabka Soomaaliyeed bilaabeen in ay ka baxaan dowladaha kumeel gaarka ah ee labadii sanoba mar umada loo dhisi jiray taasi oo ugu danbeyn ay bulshadu heleen dowlad rasmi ah ayaa waxaa sidoo kale dalka intiisa kale ka socda qorshe lagu soo afjarayo maamulada badanaa degaano ay ugu horeyso Hiiraan laga hirgalin jiray kuwaasi oo bulshada dusha sare looga keeni jiray hayeeshee iyadoo la ilaalinayo jiritaanka dowladnimo iyo qaranimada guud ee umada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu wadaa in ay degaano badan oo dalka ka mid ah ka dhacdo doorasho kuwaasi oo sida lagu soo waramayo ka kala dhici doona Puntland oo ay aqoonyahano ay qaarkood Soomaalinimada ku weyn tahay doonayana waxii uu qalday Faroole iney saxaan isku soo taageen iyo Hiiraan oo mudo 23 sano kedib markii ugu horeysay laga hirgalinayo maamul gunta hoose laga soo dhisay ayna hormuud u yahiin cuqaasha Hiiraan iyo qeybaha bulshada si loo helo maamul xalaal ah oo gebedha/wiilka hogaaminaya uu maro tartan doorasho.

Hiiiraan oo sida ay rumeysan yahiin malaayiin Soomaaliyeed ah hooyadii qaranimada kama dhalan doono maamul sida meelaha qaarkood xasaasiyad ka qaba madaxda qaranka waxuuna maamulkaan wax badan ka duwan yahay qaabkii loo soo dhisi jiray maamuladii ka horeeyey waana nidaam aan marnaba dhaawaceyn jiritaanka umada Soomaaliyeed maslaxada reer Hiiraana ay ku jirto.

Qaabshismeedka maamulka wajigiisa 1aad.

Waxaa xooga la saari doonaa dhamaan waxgaradka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, culimada,ciidamada iyo ururada bulshada oo ay dhalinyarada ugu horeeyaan sidii bal marka hore inta aan lagu deg degin ku dhawaaqida maamulka iyo qaabka ay doorashadu u dhaceyso in bal marka hore la eego dib u dhaca guud ee Hiiraan ku dhacay.Mustaqbalka caruurta Hiiraan si taasi u dhacdane lagama fursan doono in bulshada loo qabto shirar guud iyo kuwo gaar gaar ah.

Kaalinta cuqaasha Hiiraan siiba nabadoonada rasmiga ah.

Kaalinta cuqaasha Hiiraan waxaan u kala qaadeynaa labo. 1-Nabadoono sax ah oo la aqoonsan yahay kuwaasi oo meel fagaaro ah lagu doortay beelahuna ogyahiin iyo odoyaal loogu yeero samadoono oo ka hoos shaqeeyo nabadoonada rasmiga ah maadaama beelaha qaarkood jifo hoosaadyadoodu ay mudo u baahan tahay in ay sameystaan nabadoono sax ah badanaana beelahu amaba jifo hoosaadyadu waxey sameysashada nabadoonada saxda ah la sugaan waqti barwaaqo ah iyo mudo dadka lagu wargeliyo si aysan arintu ugu ekaan nabadoono ay koox iska sameysatay.

2- Odoyaal loogu yeero golaha dhaqanka iyo midnimada gobolka Hiiraan oo iyagu aan si fiican u howl galin badankoodna laga dhigay wax la dilay iyo wax cabsi iskaka aamusay oo ilaa maanta magac ahaan u jiro laakinse u baahan maadaama mudadii ay jireen rag badan maxaad Hiiraan ugu hadleysaan loo dilay waa muhiim intii iyagaas ka nool in raadis loo galo ayna noqdaan cuqaal talada wax ku leh oo dhulkooda ku sharfan muhiim maahan in ay wax noqdaan iyo in aysan wax noqon cidna calafkiisa waxuu ilaah u qoray kama hor istaageyso oo madaxweynaha Sooomaaliyaba 40 ruux ayuu xilka uu maanta ku fadhiyo ka dhex qaaday marka waa muhiim in si fiican loo tashado ayey leeyahiin dadka ehelka u ah nabada iyo horumarka Hiiraan iyo Soomaaliweyn.


Qaabdhismeedka maamulka Golaha cusub ee baarlamaanka amaba golaha degaanka Hiiraan.

1-Golaha deegaanka inta aan la dhisin waxaa marka hore la soo dhisi doonaa xubnahii degmooyinka gobolka metelayey 5ta degmo maadaama ay nidaamkaan dowlada Soomaaliya ugu talo gashay nidaam u sii gogol xaarayo heer ay shacabku min tuulo ilaa State qofka hogaaminaya lagu doorto oneman one Vote si meesha looga saaro kuturi kuteenka iyo anagoo reer hebel ah ayaa degaan hebel u badan iyo waxaan degnaa ilaa koofur africa oo uu geeleena daaqaa iyo wax la mid ah kuwaasi oo ay soo xuli doonaan cuqaasha Hiiraan.

2- Marka la soo xulo golaha degaanka ee ilaa heer degmo waxaa ku xigi doona xubnahii rasmiga ahaa ee baarlamaanka Hiiraan amaba golaha degaanka heer State kediba iyagaas ayaa iska dhax dooran doona gudoomiyahii hogaamin lahaa.

3-Markii meel la saaro qodobada kor ku xusan waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa xiliga ay rasmiyan dhaceyso doorashada guud ee hogaanka ugu sareeya Hiiraan taasi oo sida muuqata ay isku soo taagi doonaan hadba intii daneyneysa iyadoo aysan jirin cid la caburinayo doorashadaas oo loogu magac daray bulshadu maku rabtaa siyaasad ay kugu jeclaan karto oo aad ku kasban karto ma heysaa welcome, waayo shacabku xitaa yeysan wax dooran waxey bedeli karaan fikirka xildhibaanada wax dooranaya oo waxey xildhibaanada badanaa codka ku bixiyaan meesha uu u badan yahay rabitaanka shacabka iyo hadba ololaha musharaxiinta sida uu bulshada uu doonayo inuu hogaamiyo ugu xoogan yahay hadal heyntiisa.

Jeclaaw ama ha jeclaan Soomaaliyana meeshaad doonto kaka noolaaw ma dhici doonto hada kedib hana sugin inaysan Hiiraan mar danbe ka dhici doonin qodobada hoos ku qoran.

1- Siyaasiyiinta Hiiraan hadeysan cawaan aheyn mar danbe dad kale dantooda kama shaqeyn doonaan iyadoo dagaal siyaasadeed muuqda Hiiraan lagula jiro xili goboladii qeyrkeed ahaa ee ay mar wada curteen iyada maahane 7dii kale iyadoo hogaamiyashii dalka soo maray ku naas nuujinaya beelahooda Hiiraan madax kaka fadhiistaan.

2- Dhawr boqol oo sano ayaa Hiiraan dagaal iyo colaad ku socday kuwaasi oo wajiya badan lahaa sida qaar la doonayey in dhulka Hiiraan lagu xalaaleysto rag baa go'aan ku gaaray iney u dhintaan ifkaana uga tagay ilaa maantana u taagan dhulne ninkii u dhinta ayaa u doodi kara wanaagiisa iyo xumaantiisana yaqaano waxey hada arintu mareysaa magaca Hiiraan wax ka hooseeya wax haku raadin si aan Soomaalida kale wanaaga ugu horseedno hadaad reer Hiiraan tahay oo ay run kaa tahay,Soomaali federal ayey ku socotaa nina tuulo amaba degmo uusan deganeyn waa xaqiiqo in uusan kursi ka heleyn ama reer Hiiraan ahaaaw ama ha ahaane arinta waxey hada kedib noqon doontaa ninba ceesaantii ceel geysay iyo tuuladee degtaa iyo degmo hebel meeqa qoys ayaa kaa degan iyo wax la mid ah, wadankuna waxuu yeelan doonaa Somali Central Statistical Agency.(SCSA) iyadaas ayaana kooxo badan oo waayadan danbe ay kalsoonidii beelnimo ka luntay xaqooda siin doono amaba wey iska aamusi doonaan.

Waayo hadaan maalin jubooyinka anigoo ka hadlaa maamulkooda soo istaago mediyaha oo aanan ciidamada Jubooyinka heysta ku laheyn hal askari dhawrka kun ee ciidan ee magaaladaas heysta maxey tareysaa idaacad laga qeyliyo ninbaaba waalada kacsadaye oo meeshuu heysto dhiig u daadiyaye degaanada kalena waa uun la mid.

Ma ahan in aanu warbixintaan iska sameynay waa xaqiiqada Hiiraan taalo qofkuna markuu anigoo reer Hiiraan ah leeyahay ayuu shacabiyad helaa laakinse waayadan danbe waxaa dhaqanka Soomaalida ku soo batay 10 kii qof ee meel iskugu timaado hadiiba laga heli karo hal qof oo sagaalka kale qadadooda bixiya waxey sameeyaan hadba waxii ay markaas istusiyaan kediba iyagoo magac beeleed ku hadlaya shaashada soo fadhiista maalinta danbana waxaad ka arkeysaa iyagoo dhart qurxan xiran oo Yurub dhinac kaka nool maba ahan kuwii shaleyto mediyaha ka qeylinayey oo iska dhigayey shaqsiyaad ay wax u diyaarsan yahiin oo waxa uu ku hadlayo ficil ahaan u bedeli kara.

Isku soo duuboo waxaan dhawrkii maalmoodba idiin soo gudbin doonaa siyaasada Hiiraan iyo hadba meeshey wax marayaan marka doorashada la gaarane musharaxiinta waxaan uga hadli doonaa taariikhdooda si siman ilaa ugu danbeyn aan ruuxa ag dhigi doono hadba midka aan is leenahay qaabka uu maamulkiisa u shaqeyn doono una soo dhisi doono masuuliyiinta kale shacabka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliweyn dan ayaa ugu jirta hogaankiisa.

Sida aan warar sugan ku heleyno gudoomiyaha hada xilka gobolka ku magacaaban mr Laqanyo xitaa hadii uu doorashada ku guuleysto oo uu ilaah u qoro been been xilkaas kuma qaban doono oo rag badan ayaa kula tartami doona.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com





Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,612,344 unique visits