Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Sida lagu wado waxaa gudaha Hiiraan ka socda qaban qaabo loogu diyaar garoobayo sidii ay degaankaas uga dhici laheyd doorasho taasi oo ay cuqaasha Hiiraan iyo dhamaan qeybaha kale sida siyaasiyiinta, culimada, dhalinyarada oo maskaxdooda kaashanayo si dhulweynaha Hiiraan oo ka haray qeyrkiis markii ugu horeysayna dadku ay iyagu soo dooranayaan maamulkii ay ku faraxsan yahiin.

Hadaba maamulka lagu wado in uu dhawaan ka hana qaado dhulweynaha Hiiraan ee la doonayo inuu dalka intiise kale tusaale u noqdo waa mid ceynkee ah?

Sida xaqiiqada ah dalka waxuu leeyahay hal madaxweyne sidaasi daraadeed iyadoo la eegayo meeshii ay mareen 7dii gobolka ee Hiiraan la midka ahaa ma dhici doonto inta cuqaasha Hiiraan iyo inta uu ku danbeeyo damiirka ay meel fagaaro ah soo fadhiistaan in ay yiraahdaan waxaa la dooranayaa gudoomiye gobol. hadii ay taas dhacdo waxaan jiilka soo koraa u balan qaadeynaa in aan taariikhdooda oo rasmi ah soo bandhigno cidii arintaas ku dhiirato hadey yahiin nabadoono, siyaasiyiin, amaba dad dhaqaalo lagu soo siiyey sidii Hiiraan dagaal siyaasadeed loola gali lahaa.

Maamulka Hiiraan ka curan doono ma noqon doono maamul ilaa heer gobol ah waxuu noqon doonaa maamul goboleed shaqsiga hogaaminayo loogu yeeri doono Hiiraan State Governor maadaama uu wadanku leeyahay hal madaxweyne waa maamul goboleedka Hiiraan lama joogo waqtigii lala mid dhigayey Hiiraan dhulkii banaanaa ee Sanaag ee ay dowladii Kacaanka ka dhigtay gobol iyo Bakool oo laga jaray gobolka Bay, waxaanse arimo badan oo xasaasi ah soo bandhigi doonaa marka dadaalada socda cuqaasha Hiiraan amaba kooxda sheegatay in ay ka socdaan wasaarada arimaha gudaha oo sida muuqata xawaaro aan loo baahneyn ku socota Hadii ay rabitaanka shacabka ka weeciyaan doorashada Hiiraan in ay ka dhacdo lagu wado iyagoo waliba iska indha tirayo mustaqbalka caruurta Hiiraan.

Shaqada kooxda sheegatay in ay ka socdaan wasaarada arimaha gudaha.

Ilaa hada waxaad moodaa in ay kooxdaasi isku arkaan kuwii doorashada isku dabaridi lahaa codadkana tirin lahaa iney yahiin waxaadna moodaa in ay si dadban iyo si toos ah shaqadii odoyaasha Hiiraan oo ay nabadoonada ugu horeeyaan in ay faraha kula jiraan umana muuqdaan rag dowlada dhexe ka socda oo dadaalada socda kaliya goob joog ka noqon doona waxaana dowladan loo qaatay inta ay goori goor tahay in ay ragaan dib ugu celiso meeshii ay ka yimaadeen hadii aysan arimaha socda marti kaliya ka ahaan karin maadaama dadku iyagaa isa soo dooranaya lagu cel celiyey dhawr jeer ayuu yiri oday ka mid ah cuqaasha Hiiraan oo siweyn isha ugu hayo howlaha ay faraha kula jiraan kooxdaan.

Howsha nabadoonada saxda ah iyo odoyaasha kaabaya.

Iyadoo labadii boqol oo sano ee ugu danbeysay bulshada Hiiraan siyaabo kala duwan dagaal siyaasadeed loogu hayey maanta oo taladii ay iyaga gacantooda ku jirto hadii ay ku taliyaan in ay Hiiraan ka dhacdo maamul ilaa heer gobolka ah oo magaalada Belet Weyne lagu doorto gudoomiye gobol 100-ka sano ee soo socota dib u dhacii Hiiraan ku dhaco iyaga ayaa masuuliyadeeda qaadi doono mid mid ayaana loo xusi doonaan ayuu yiri oday kale oo isaguna naga codsaday in aanan magaciisa xusin inta doorashadan waqtigeeda laga gaarayo.

Inkasta oo aysan wali si rasmi ah doorashadan iskugu soo taagin aqoonyahano badan sida muuqatana ay sugayaan inta laga soo dhisayo golaha baarlamaanka amaba degaanka in ay yahiin dad xilkas ah iyo in ay yahiin shaqsiyaad meelaha laga soo aruuriyey oo kaliya ku shaqeyn doono laaluush hadane maamulka cusub tayadiisa waxey ku xirnaan doontaa hadba sida loo soo xulo mudanayaasha baarlamaan Hiiraan ka mid noqon doono.

Isku soo duuboo markaad howlaha socda dhinackasta ka eegto shacabka Hiiraan kuwooda damiirka leh waxey sugayaan in ay halkaasi ka dhacdo doorasho xor ah oo loo siman yahay ayna garwadeen ka yahiin amaba maamulayaan gudi dhax dhaxaad ah ama Hiiraan ha laga soo xulo amaba dowlada dad nadiif ah ha soo dirtee.

Waxaan bulshada Hiiraan kuwooda ku tixan bogan hiranstate.com u balan qaadeynaa hadii maamulka cusub ee dhawaan Hiiraan laga hirgalinayo uu noqdo mid ilaa heer gobol ah in aanan wax warbixin ah ka soo gudbin doonin waxaana taasi bedelkeeda soo bandhigi doonaa dadkii ka danbeeyey amaba hor istaagay in uu Hiiraan noqodo State ay dadkiisa isku tashadaan kuwaasi oo horey u mucaaraday iskudayo badan oo wax ku ool ahaa kaliyana u baahnaa toos toosin.

Isha Warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,919 unique visits