Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inkasta oo aanu dhawr maalmood qoraal ku muujinay xaalada siyaasadeed iyo degaan ee dalka Soomaaliya iyo in ay beeshu waayadan danbe ku soo aruurtay af kaliya oo ay shaqsiyaad beeshaasi ka soo jeeda mediyaha leyska arko ku waasheen hadane waxaa xusid mudan in ay hada ka mareyso meel xasaasi ah walow waliyo laga qarinayo bulshada Soomaaliyeed.

Beesha oo marka ay mediyaha soo fadhiistaan dadka isku tusinayey in ay yahiin kuwo mideysan oo dalka intiisa kale maamulada ka jira laga qeybgalin waayey sidaasi daraadeedna gudaha Hiiraan ka bilaabay siyaasado u muuqda ku tijaabi amaba waxa ay Soomaalidu waayadii danbe ugu yeeri jirtay ku qabso ku qadi meyside.

Waa macquul marka ay qaar badan oo beeshaani aan ka hadleyno ka mid ah arkaan warbixintaan in ay iyagoo madax ciida ka qarsanayo ay u arkaan dacaayad laakinse dhawaan ayey si lama filaan ah u imaan doontaa wali dad la yaqaano oo beeshaasi ka mid ah ayaa si lama filaan ah cuqaasha Hiiraan ula kulmi dpona iyagoo sheegi doona in ay diyaar u yahiin in ay reer Hiiraan wax la qeybsadaan ayna iyaga beesha masuul ka yahiin, taasi oo aad uga careysiin doonta koox kale oo isla beesha ah.

Hadaan wax yar iftiimino qilaafka hada jira meesha uu salka ku hayo waxaana keenay kedib markii jifo ka mid ah beesha Gaaljecel oo la yiraahdo Abtisame oo ka soo haajiray amaba laga soo ceyriyey Jubooyinka waayadii danbena Hiiraan ku soo qulqulayey ay kuwii Hiiraan horey u deganaa ee lagu yaqiiney u arkeen in ay kooxdaani Hiiraan xal u imaan ee ay u yimaadeen in ay colaad u abuuraan kuwii Hiiraan degenaa doonayaane in ay dadkii ay waligood deriska ahaayeen ka hor keenaan.

Shirar hoose oo maalmahan ku socday kopxdii reer Hiiraanka aheyd ayaa wax yaabahii leysku soo qaatay waxaa ka mid ahaa dhawr jeer oo hore oo la qalday iyadoo si gooyni ah afka loogu dhufanayey odoyaal iyo dad wadaado ah oo beesha ka mid ah.

Wax yaabaha laga hadlay ayaa waxaa ugu horeeyey hadafka iyo ujeedada ka danbeysa colaada joogtada ah oo ay markasta Hiiraan ka hurinayaan iyo sida horey beesha loo qatalay iyagoo tusaale u soo qaatay dhawr qodob.

1-Waxey qaar beesha ka mid ah istusiyeen waxii ka danbeeyey gudoomiya kuxigeenkii gobolka Hiiraan waqyigii Marxuum Qalaad gobolka hogaaminayey in ay beesha Gaaljecel kuwooda ku nool Hiiraan oo iska dhaqnaa maalinba maalinta ka danbeysa mashruuc loola imaanayey markii ay diidaane isla koox kale oo Gaaljecel ah oo jubooyinka ka soo haajiray xabad ku ridayeen inagoo xaafada Howlwadaag laanta Hilaac dhawr jerr uu beeshu dagaal ku dhaxmaray ilaa kuwii Hiiraan horey u drgenaa la maquuniyey iyadoo loo adeegsaday diinta oo la soyaasadeeyey waqtigii maxkamadaha Islaamiga.

2-Gaaljecelka reer Hiiraanka ah ayaa shirarkooda hoose uga hadlay waxa ka soo baxay colaadii ay hormuudka u ahaayeen Xaaji Quuroow iuo Shiikh Hasan?.

Hadaan si kooban shacabka Soomaaliyeed ugu qeexno shaqsiyaadkaan amaba labadan nini.

Xaaji Quuraaw waxuu ahaa ninkii iska dhaadhiciyey waqtigii ay magaalada joogeen xizbil Islaam iyo Shabaab in ausan magaalada Belet Weune ku soo laaban doonin labo qabiil oo sida uuxiligaas sheegay in uu jaaniskaan oo kale u waayey kuwaasi oo uu ku sheegay Jajeele iyo Xawaadlaha xaafada Howlwadaag la degen ugu danbeyntiina xaaji Quuraaw markii ay ciidamada Hiiraan dhulka Buuraleyda ah ka soo degeen oo ay magaalada soo galeen wacuu ordayey 10 km waxaana laga soo qabtay burjada Ceynta buur layiraahdo waxaana gaarigiisa soo saartay wiol yar oo dhalinyaro ah oo dhawr iyo labaatan jir ah oo Xawaadle ah iyadoona sidii uu maalintaas u calaacaley laga sheegay goo ta ay ku shirayeen Gaaljecelkii reer Hiiraanka ahaa ee maalmahan sida hoose u shirayey.

Hadaan sidoo kale iftiimino Shiikh Hasanka ay ka hadlayaan waa nin isla beesha Gaaljecel ka soo jeeda waxuuna Hiiraan wakiil uva ahaa Hasan Daahir Aweys oo uu gebertiisa qabay ujeedadiisuna waxey aheyd in ay Habargidir soo degto xaafada Howlwadaag waxii ay ka dhistaane wakiil uga noqdo waxuina shiikhaan kaalin weyn ku lahaa dhibaato badan oo Hiiraan ka dhacday dad culimo ah oo reer Hiiraan ahne waqti ayey la sugayaan waxii uu sameeyey hadana wuu iskaka haajiray waxkasta uu sameeyey dhibtiina waxuu ku dhaafay kuwii Hiiraan degenaa.

Inkasta oo aanan dooneyn in aanu waqti badan gelino Gaaljecelka koofurta Soomaaliya laga soo ceyriyey qaab qaldana doonaya iney ula dhaqmaan bulshada Hiiraan maba leysls gaari doonee kuwii ay dad iskugu xigeenee ay ku spo degeen markii ay Hiiraan yimideen ee waxaa muhiim ah go, aanada hada miiska u saaran qaar beesha ka mid ah.

Sida aan aarar sugan ku heleyno waxey awoodooda iskugu geynayaan sidii kooxda aan Hiiraan u dhalan loofa ilaalin lahaa xubnaha ay beeshu ku yeelan doonto golaha degaanka oo hadii aysan reer Hiiraan wax la qeybsan ay waayi doonaanxubno muhiim ah sidaasina ay beesha Jajeele u heli doondo fursado aan waligeed soo marin maadaama sida ay iska dhaadhiciyeen Jajeele ka jaanis fiican yahay maadaama ay markasta ku dadaalan in ay reer Hiiraan iyagoo aan iska saarin cadkooda qaataan dhulkana intii karaankood ah difaacaan halka Gasljecelkii Hiiraan ku barbaaray uu yaab ka heysto kooxda kale.

Arinta ay si fiican uga hadleen ayaa waxaa kow ka ah in ay ogaadeen in aan cidna loo joojin doonin doorashada maamulka cusub qoladii gafuurka tuurtane xubnaha ay xaq u leeyahiin degaan ahaan hadii ay joogaan iyo hadii aysan joogin meel loo dhigayo.

Rumeyso ama ha rumeysan beesha Gaaljecel siweyn ayey arimaha Hiiraan ugu kala aragti duwan yahiin waxeyna u muuqataa in ay Hiiraan noqon doonto meeshii ugu danbeysay dalka Soomaaliya ay sheegtaanin ay ka soo jeedaan hadii la hareer amaba ay miro dgal noqonweyso qorshaha ay wataan kuwii reer Hiiraan horey u degenaa.

Waxaa kale oojira siyaasiyiin beesha ka soo jeeda ooheshiisyo hoose la galaya qaar musharaxiinta ka mid ah xili ay shacabkooda mediyaha ka qaldayaan.

La soco dhawaan shirar badankood meelaha lagu qabto iyo sgaqsiyaadka horboodayo kedibna waxaad isweydiisaa in qaar badan oo beeshaa ka mid ah farahooda wax ku jiraan iyo in kale.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.45 seconds
14,612,266 unique visits