Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Markaad maqasho magaca Soomaali waxaa loogu yeeraa amaba loo yaqaanaa inta ku hadasha luqada Soomaaliga kuwaasi oo ku nool dhulweynahii loogu yeeri jiray Greater Somalia oo ku yaala geeska arfica.

Soomaalida oo ah dad isku dhaqan dhiig iyo dhalyo waxaa ka dhaxeeya wada noolaanshaha iyo derisnimada dhulna kalama leh xiliyada ay shacabku heystaan nabad iyo nolol tayo leh hayeeshee waxey shacabka Soomaaliyeed ka kooban yahiin beelo amaba qabiilo kuwaasi oo iskugu jira kuwo guur guura iyo kuwo si fiican u dhistay una camiray gobolada dalka siiba magaalooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya.

Waxii ka danbeeyey bur burkii ku habsaday wadanka waxaa soo baxay dhaqano badan oo ku faafay meelo badan oo dalka ka mid ah siiba koofurta Soomaaliya waxaana jiray beelo kaliya waqtiyadaas meelkasta oo maamul loo sameynayo u arkey in ay qeyli wax ku heli karaan, waxaadse moodaa in ay arimahaasi hada gabaabsi ka yahiin dalka Soomaaliya.hadaba waxaanu beelahaas aanu ka hadleyno ka mid ah beesha Gaaljecel.

Bal aan dulmarno sida dalka Soomaaliya ugu noolaan jireen waayadii hore iyo waxii ka danbeeyey burburkii dalka ku habsaday beesha Gaaljecel.

Beesha Gaaljecel marka laga hadlayo beelaha Soomaaliyeed waa beel nabadeed ahna xoolo dhaqato waxii ka horeeyey dagaaladii sokeeye ee ka curtay dalka Soomaaliya waxey ahaayeen dad xoolo dhaqato ah kuwaasi oo 100 sano ka hor shir ay iskugu yimaadeen ku duceystay Ilaahey duurka nagama saaro waxaadna moodaa in uu ilaah u aqbalay ducadaas oo waxii ka danbeeyey boqortooyadii Ujuuraan waa qabiilka kaliya ee xoolahoodu u kala kooshi jireen dhawr wadan oo qaarada africa ah.marka laga hadlayo dad magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed waxaa ka dhashay halyeeykii Soomaaliyeed Shiikh Hasan Barsame.

Marka la eego tirada beesha oo inta badan la sheego in ay yahiin beelweyn laakinse hubin badan iyo tirakoob sax ah u baahan hadane marka la eego waxii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye dalka ka dhacay waxey qaar badan oo beesha ka mid ah ku soo aruureen sheegashada degaano badan oo dalka ka mid ah iyagoona degaanada ay sheegtaan in ay degaan ay ka mid yahiin Shabelaha Dhexe, Jubooyinka iyo Hiiraan.

Jubooyinka iyo sida ay shacabka halkaas ku nool u kala degaan.

Jubooyinka waa dhulka ugu barwaaqada badan dalka Soomaaliya beelaha Soomaaliyeed ee degena waxey iskugu jiraan qaar xininyahooda ku degan oo meel eber ah ka soo bilaabay waxaana beelahaas ka mid ah beesha Ogaadeen walow aan la ogeyn inta ay gacantooda ku sii jiri doonto marka la eego isbed bedelkii dhinaca maamulka ee degaanaas ka curanayey waayadii danbe.laakinse waxaa jira dad amaba beelo si rasmi ah loogu yaqiinay Jubooyinka ilaa maantana loo yaqaano kuwaasi oo ah dadka degaanka u badan, marka aan lenahay degaanka u badan kama hadleyno guryaha ka dhisan Kismaayo kaliya ee waxaan ka hadleynaa Kismaayo magaca degmo in loogu yeeroTuulooyinkii u sahlay dadka degan.

Mar aan u guur galnay gobolka J/hoose kaliya dadka kaka nool beesha Gaaljecel tiro ahaan kama yara Ogaadeenka hada heysta meesha laakinse waxaa lagu dhaafayaa marka maamulka lagu qeybsanayo qaab degaan Ogaadeen waxey heystaan tuulooyin dhan oo dhisan oo ka mid ah J/hoose oo caan ah loona yaqaano iney degaan beesha Ogaadeen,laakinse Gaaljecel ma jirto tuulo la yaqaano oo ay xilal muhiim ah kaka heli karaan Jubooyinka waqti xaadirkaan hadey jiraane waa uun ceel biyood ma dhisna. sidoo kale kacdoonkasta oo ka curta Jubooyinka kama mid aha marka wax la qeybsanayo ayey idaacadaha kaliya ka qeyliyaan ileen waa tii horey loo yiri waxa raga qaarkiis agtooda ceeb ka ah ayaa rag kale faankiis ah.

Hadaan u soo labanayo gobolak Shabelaha dhexe oo ay beeshu marar badan sheegeen iney degaan ahaan ka soo jeedaan.

Markaan baaritaan qabyo ah iyo degaankoon aad u kala aqoon waqti badana nooga baahan in aan ku soo qiimeyno meelaha ay degaan beesha Gaaljecel, hadane marka laga reebo hal iyo labo tuulo magaalada Jowhar, Balcad,Mahadaay intaba degaankoodu waa ku yar yahay waana soo waaynay degaan muuqda amaba tuulooyin muhiim ah oo muuqda sida degaanka looga dareemayo beelaha kale sida Shiidlaha, Abgaal, Jareerweyn, Xawaadlaha,Wadalaanka iyo waxii la mid ah oo ah dad magaaladiina degan tuulooyin muuqadana leh oo marka ay timaado tirakoob iyo in degaan wax lagu qeybsado uu qabiilkasta uusan heleyn wax ka badan inta uu degan yahay min tuulo ilaa degmo, marka maamul la dhisayona ma jirto beel aan aheyn Gaaljecel oo mediyaha ka qeylisay waqtigii lagu guda jiray dhismaha maamulka hada jira.

Hiiraan iyo shirarka dhinaca mediyaha u badan ay maalmahan ku qabtaan Mogdishu iyo Belet Weyne iyo walwalka joogtada ah ee ay beeshaani ka qabto maamulka cusub ee ay bulshada Hiiraan yeelanayaan dhawaan.

Waqti badan kuma lumineyno ka hadalka Hiiraan iyo beesha Gaaljecel waxeysa u muuqdaan in ay Hiiraan noqondoonto degaankii ugu danbeyey ee ay sheegtaan beeshaani hadii aysan helin dad aqliga u saaxiib ah ama dad jiritaankooda guud bad baadiya,marka la eego sida ay wax u socdaan hada oo wax badan ka duwan qaabkii ay horey ugu noolaan jireen Hiiraan.

1-Beesha Gaaljecel waxaa Hiiraan ku soo maray waqti aad qaali u ah iyo nolol aysan ku heysan dalka intiisa kale waayo waxey wali xasuustaan in dhibaato kasta oo la soo gudboonaato bulshada Hiiraan iyo colaad kasta ay iyagu noqdaan kuwa ugu horeeya ee qaxa ee aan dhulka u dhiman iyadoona la xasuusto sanadahii ugu danbeyey dhagarta iyo dacadiga muuqda oo iyagoo argagixisada garabsiinaya gantaalo ka soo tuulayey xaafada Howlwadaag xiligaasi oo ay ku jireen sida muuqatay riyo maalmeed (Day Dream).

Beesha Gaaljecel qeylida ay hada qeylinayaan gar ayey u leeyahiin waayo waxey ogyahiin in ay Hiiraan oo dhan ka degan yahiin labo tuulo kuwaasi oo kala ah Ceel Cali iyo Buqaqable. magaalada Belet Weyne waxey ka degaan xaafada Hawlwadaag qeyb ka mid ah oo la yiraahdo laanta Hilaac inta kale waxaa degan oo dhismaha iyo guryaha iska leh Jajeele iyo Xawaadle.Bulo Burde, Matabaan, Jalalaqsi, Maxaasne warkeeda daay.

Waliba dhawaan hadii ay qeylida siiwadaan oo ay reer Hiiraan wax la qeybsan waayaan qorshahu waa in ay Soomaaliweyn iyo ciidmada Amisom ee goob joog ka noqon doona doorashada tusiyaan meesha ay caasimad Belet Weyne amaba Hiiraan ka degaan ileen dad waaweyn oo qeylinaa oo warkooda meel laga soo qaadiwaayo waa ayaan daree.

Mise arintoodu waxey ku danbeyn doontaa sheegadii dhax martay cunug yar oo waraabe ah oo hooyadii nuugaa Libaax weydiiyey cunugii hooyadii nuugayey "Waraaboow hadii ay hooyadaa dhimato yaad nuugeysaa" inta la yiri ku jawaabay intey nooshahay iyadaan nuugayaa markey dhimatane iyadaan cunayaa.

Hadaba inagoo ka duuleyno xogta aan Hiiraan ka heyno beeshii gobolkaan u dhiman jirtay ee marka wax la qeybsanayo naga dhaafa waa reer Hiiraane dhihi jirtay ee deegaanka wax badan kuma socdaane maxaa beeshaan hada qeylineyso la gudboon?

1- Ma in aysan raadin wax reer Hiiraanimo ka sokeysaa oo ay habdhaqankooda bedelaanaa dhinacoodana ka raadiyaan xaquuqda Hiiraan ka maqan maadaama ay ka danbeysay 8dii gobol ee ugu horeyey oo ah waxa ay hada ka qeylinayaan maadaama Tuulada Buq aqable ay ka weyn tahay degaano badan oo maanta caasimad u ah gobolo laga jaray goboladii Hiiraan la mid ka ahaa.

2-Mise xal kale uma muuqdee argagixisadii awalba xoolahooda iyo dumarkooda isku darsadeen ee ay Hiiraan u soo horkici jireen ayey dabada la galayaan?.

Ugu danbeyn beeshaas waxaa loo qaatay in ay xigmad isticmaalaan Hiiraan kama dhalan doono maamul aan aheyn mid degaan si bulshada loo gaarsiiyo oneman one Vote doorashada soo socota xaquuqda reer Hiiraan uga maqan Soomaaliweyna inta anigoo reer hebel ah meel leyska dhigo la wada raadiyo iyadoo la eegayo mustaqbalka caruurta Hiiraan.

Ma ahan warbixintaan mid aan inagu maskaxdeena ka keenay waa xaqiiqada Hiiraan taalo cidii jeclaan laheyd iyo cidii kaleba.cidii wax tabaneysa ayadoon qeylin si sharaf leh hadii aad wax tabaneyso amaba aad Hiiraan degaan muuqda oo laguugu yaqaano ku leetahay tusi ciidamada Amisom ee Hiiraan jooga iyo Soomaaliweyn ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah waxgaradka Hiiraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com





Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,579,528 unique visits