Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Mohamed Shiikh Cismaan Jawaari oo mudo sanad iyo dhawr sitimaan ku magacaaban xilka gudoonka baarlamaanka waxaa guydaha Soomaaliya siiba caasimada Soomaaliya ku hesta siyaasado u badan borobagaando hadiisa qaabka loo dhigay aad dhuuxdo kuula muuqaal ekaanaya run hadii aadan wax badan kala socon siyaasada Soomaaliya.

Prof Jawaari inta aanan soo bandhigin siyaasadaha cusub ee lala damacsan yahay una badan mid saxada siyaasada Soomaaliya waqti gaaban ka saari doonta ayaa hadana waxaa xusid mudan in ay jireen maalmahan siyaasado u muuqda kuwo u daacad ka yahay laakinse ay bulsahdu isla dhaxmareyso koleyto Soomaalida waxey ku maah maahdaa nin weyn xantiisa ma mooga laga yaabee inuu waxoogaa hada dareemay laakinse waaya aragnimadiis isku celinayo.

Bal aan dul mar yar ku sameyno dagaalka siyaasadeed ee lagu la jiro gudoomiyaha baarlamanka tan iyo markii uu xilkaan ku guuleystay.

Prof Jawaari inkasta oo uusan seegi doonin waxii uu ilaah u qoro hadane tan iyo markii uu xilkaan gudoomiyanimada baarlamaanka ku guuleystay waxaa dagaal siyaasadeed oo marba marka ka danbeeysa soo xoogeysanayey kula jiray siyaasiyiin ka soo jeedo beesha Digil iyo Mirifle kuwaasi oo iskugu jira qaar horey xilal muhiim ah uga soo qabtay dowladahii kumeel gaarka ahaa iyo waliba xildhibaano hore iyo kuwa hada jira qaarkood oo hada siyaasada gudoomiyaha baarlamaanka sidii looga taqalusin lahaa ku saaxiibay laakinse uusan muuqan jaceyl gooyni ah oo ay isku qabaan.

Prof Jawaari sida ay Soomaalida kale u arkaan iyo sida ay beelaha Digil iyo Mirifle qaarkood kuwooda aaminsan siyaasada Shariif Hasan ma ahan wax isku dhaw. Shariif Hasan waxuu beelaha Digil iyo Mirifle ka dhaadhiciyaa in uu Prof Jawaari yahay shaqsigii Digil iyo Mirifle oo rajo ka qaba iney isku soo sharaxaan xilka ugu sareeya ee madaxweynaha uu isagu ka door biday gudoomiye baarlamaan iyo waxii la mid ah.

Laakinse waa tii horey loo yiri daacadi ma hingoobee Shariif Hasan Shiikh Aden iyo siyaasiyiin badan oo Digil iyo Mirifle ah waqti dheer ayey ku qaatatay iney ka taqalusiyaan Prof Jawaari markaadse eegto siyaasadaha isbuucyadii ugu danbeeyey loo diyaariyey waxey u muuqdaan kuwo looga taqalusin doono hadii aysan wax badan iska bedelin qaabka uu hada ku shaqeeyo.

1- Prof Jawaari oo ku hadlaya masuulna ka ah Soomaaliweyn oo dhan gudoomiye baarlamaan oo ah xil culusna u hayo shir dhawaan lagu qabtay magaalada Baydhabo u jeedadii laga lahaa waxey aheyd in siyaasad ahaan la baabiyo oo gudoomiyaha laga dhigo nin qabiil taasina sidii la rabay uma shaqeyn wali.

2- Tan iyo markii ay soo baxday in lala xisaabtamayo xukumada R/wasaare Saacid waxaa magalada Mogdishu lagu soo deeyey dhalinyaro meeshii ay labo qofood oo Soomaali ah fadhisaba leh R/wasaare Saacid iyo xukumadiisa ma maqli doontaan iyadoo lala xisaabtamayo waxey xildhibaanadii baarlamanka badankood gacanta ugu jiraan Xaaska R/waasaaraha iyo koox uu hogaaminayo Shariif Hasan oo siyaasad ahaan ku kacsan Prof Jawaari labadaas kooxoodna waa isku dan hada.

Iyadoo la sii qeexayo ayaa waxaa waliba borobagaantadooda ka mid ah in Prof Jawaari loo balan qaaday Hal Million oo Dolar si uu waxkasta ooba keeni kara in xukumada hada jirta ee ku fashilantay amaanka caasimada meel kaleba iska daaye aan lala xisaabtamin.

3-Kooxda ay horboodeyso haweeneyda u dhaxday r/wasaaraha Soomaaliya waxey leeyahiin baa la leeyahay si aanba r/waaraha loola xisaabtamin xukumadiisa fowdo joogta ah gudaha baarlamaanka ha laga abuuro maadaama aan lagu dhiiran karin fikirka ay wataan kooxda Shariif Hasan Shiikh Aden oo ah inba la keeno mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka siyaasad ahaane xiriir dhaw lala yeesho madaxweynaha si loo godoomiyo siyaasad ahaan Prof Jawaari taasi oo aan u cuntameyn kooxda kale.

Hadiise aanu faalo yar ka bixino siyaasada Soomaaliya amaba mustaqbalka siyaasadeed ee R/wasaare Saacid waa arin soo jireen ah in ay haweeney seeygeeda la jeclaato xukun iyo wax badan oo muhiim ah laakinse waxey u muuqataa dadaalka haweeneydaan marka la eego waqtiga lagu jiro siyaasad ahaan wey uga sii dareysaa xaalka r/wasaaraha oo xaqiiqadii ah shaqsi nadiif ah oo ay aad u wanaagsan tahay Soomaalinimadiisa.

Sikastaba gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay hada ixtiraam xoogan u hayaan malaayiin Soomaaliyeed hadii uu baarlamaanka uu hogaanka u hayo ku hagi waayo sharciga dalka u yaalo oo uu xakameyn waayo mudanayaasha badanaa dalka Soomaaliya looga yaqaano ujeedo badan uu xukumada aan midabkeeda aragnona iyadoo aan shaqsiyadooda iyo karaamadooda meel looga dhaceyn uusan la xisaabtamin waxaa la arki doonaa koox xildhibaano ah oo dalka Kenya saldhig ka sameysta oo aanba shirarka baarlamaanka soo xaadireyn ileen hadii uu gudoomiyaha ilaalin waayo sharkiga mudane ma ilaalin doonee.

Dalka Soomaaliya hada ma jirto dowlada duulaan ku ah oo xabad la hor fadhisa amaba ku soo duuleyso laakinse waxaa socdo qorshe ay wadaan midawga Africa oo la doonayo in ciidamada xooga dalka Soomaaliya looga dhigayo in aysan aheyn ciidamo dalkooda ka difaacan karo kooxaha argagixisada ah sidaasi daraadeedna loo baahan yahay ciidamo african ah taasina waxaa ka marqaati kacayo safarada ay dibadaha kula yeelanayaan madax ka socota midowga africa iyo Amisom jaaliyadaha Soomaalida dibada oo aan badankooda xog ogaal u aheyn dalkooda qaarkoodna waqti hore ugu danbeysay kaliya tira yar oo mediyaha Soomaalida oo iyag qudhoodu sidey jecel yahiin badanaa wax u qora xaalada kala socda.

Inkasta oo uu dhawaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya uu niyada u dhisay madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku amaanay dadaalkooda hadane waxkasta oo ay ahaan lahaayeenba dalkaan iyagaa u dhashay cid u dhaantona ma jirto laakinse ciidan dagaal ayaa loogu talo galay ee ma jiraa amaba dalka Soomaaliya ma joogaan maanta baarlamaan wax yaabaha qaarkood ka danqanaya mise meesha mansab siyaasadeed ayaa loo joogaa kaliya?.

Xaqiiqadii nagama ahan in aanu madaxweynaha Soomaaliya u tusineyno bulshada inuu ka aqli badan yahay madaxda kale ee qaranka laakinse waxaad moodaa inuu si dhab ah siyaasada arimaha dibada ula jaanqaadayo hadba sidey isku bedesho isagoo kala qabsada meesha ay dabeysha u socoto. bal taariikhda dib u raac qoraaladii aanu ka diyaarinay prof Jawaari xiligii uu doorashada gudoomiyenimada isku soo taagay isagoo aanan xitaa gudoomiye baarlamaan noqonin ayaanu sii saadaalinay inuu noqon doono gudoomiye baarlamaan waxaana xiligaas u aragnay shaqsigii ugu waaya aragnimada badnaa ragii xilkaas isku soo taagay maadaama uu aad uga aqoon badnaa gudoomiyahii isaga ka horeeyey Shariif Hasan oo hada faraqa siweyn ugu dhagan. sidoo kale Prof Jawaari waa sharci yaqaan waxeyna Soomaali badan u arkeen waqtigaas inuu dalka dayacan yahay loona baahan yahay shaqsi isagoo kale ah.

Warbixinta aanu ka heyno siyaasada gudoomiyaha baarlamanka iyo qorshooyinka lagu fashilinayo dhawaan iyo qaabka loo fashilin rabo siyaasadaha uu ku shaqeeyo Prof Mohamed Shiikh Cismaan Jawaari naga filo isbuucyada soo socda hadii aysan wax badan isbedelin walow uu daacad yahay wali.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,581,258 unique visits