Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Xaalada dagaaladii ka dhacay Hiiraan iyo qaasarahii ka dhashay iyo halka la kala joogo.

Wararka MaantaJimco 25,Feb 2011 (HSOL)- Ururweynaha Al qacida qeybta kaka sugan Somaliya gaar ahaan dhulweynaha Hiiraan State ayaa halkaasi kala kulmay qasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. dagaalkii maalintii arbacada ka dhacay magaalada Belet weyne ee caasimada HS waxuu ahaa mid si fiican looga soo shaqeeyey kedib markii argagixisada lagu qasbay in magaalada dibada looga soo saaro kediba lagu laayo buurta Qowlad ee dhinaca waqooyi kaka beegan garoonka diyaaradaha magaalada Belet weyne, waxaana halkaas argagixisada Somaliya qeybta ku sugan HS ama Hiiraan State looga dilay tiro lagu qiyaasay 62 askari kedib markii lagu helay meel banaan ah oo ay waayeen meel ay ka galaan gumuca risaasata ciidamada Hiiraan ee dagaalka ba'an kula jira ajaanibta iyo dhalinyarada Somaliyeed oo ay qaldeen lana baxay Shabaab.

Dhinaca ciidanka geesiyaasha ka dagalamayo Hiirran State ee dhulkooda ka xoreysanayo qawaariijta ku soo duushay waxaa ka shahiiday 1 askari halka ay dagalkaas kaka dhaawacantay 2 ka mid ah ciidanka. dagaalkuna waxuu istaagay goor maqrib ah isla maalintii arbacada ee ina dhaaftay.kedibna sidii argagixisada lagu yaqiinay waxey bilaabeen iney dhamaan ciidamadii ka joogay inta badan degaano ka tirsan Hiiraan ay ka soo daad guureyaan halkaasina iskugu keenaan maalintii shaleyto aheyd ciidamo lagu qiyaasay ilaa 700 iyo 800 boqol inta u dhaxeysa kediba bilaabeen iney magaalada Belet weyne awoodooda iskugu geeyaan halka ay soo cidleeyeen magaalooyinka kale oo ay baraha kontaroolka dhigeen dhawr dhalinyaro oo kaliya.

War bixin dhab ah ayaa waxey sheegeysaa in ay halkaasi ka qodeen godad waaweyn oo ay kaka gaban karaan madaafiicda ay soo tuurayaan ciidamada Hiiraan taas oo ay maalintii hore ku dhamaadeen. waxey ilaa hada qodeen ilaa 7 god oo waayeyn oo midkiiba ay ku dhuuman karaan ilaa 40 ciidanka argagixisada ah halka ay god kasta u sameysteen jid yar oo isku xira iyaga oo ay maraan.

Awood ahaan marka leys bar bar dhigo waxaa xoog badan ciidamada Hiiraan laakinse waxaa in loo qiro argagixisada u baahan iney yahiin kuwa aad ugu habeysan ciidanka Hiiraan marka laga hadlayo sida ay amarada iskaka qaataan iyo sida uu hal qof ugu qaabilsan yahay dhinaca mediyaha.waxaanse la xaqiri karin sida ay ciidamada dhulkooda ka xoreysanayo ajaanibta ku soo duushay ugu go'an tahay iney dhulweynaha HS xoreystaan oo ay u dhintaan.

Ciidamada reer Hiiraan ayaa dhawr mar oo hore ku guuleystay iney xoog ku maquuniyaan Shabaab iyo ajaanibtooda horaantii sanadkii tagay ayaa waxaa ciidankii kala fur furay oo dhabarka ka toogtay nin dhalinyaro ah oo markaasi u shaqeynayey mid ka mid ah hogaanka sare ee TFG-da kedib markii dhaqaalo looga soo dhiibay Mogdishu isagoo soo maray Galkacyo kedibna ciidamadii oo inta badan magaalada Belet weyne gacanta ku dhigay inta lacag siiyey oo ka baxa difaaca yiri isla maalintii dib ugu soo laabtay Galkacyo halkaasne ilaa maanta ay kooxahan ku heystaan Shacabka Hiiraan iyo hantidooda. ninkaasi dhalinyarada ah ee qatarta ay maanta ku jiraan shacabka Hiiraan galiyey ayaa waxaa xiligaasi la xaqiijiyey in Aabahiisna uu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee ururka Shabaab kuwooda ku sugnaa degmada Halgan amaba looyaqaano (41) ninkaasi dhalinyarada ah oo aanu magaciisa iyo aabahiisba ku soo qaadan doono qoraaladeena danbe kedib markaanu soo gabo gabeyno war bixin hada qabyo inaga ah si hadii ay maalin maalmaha ka mid ah ay wadamo uu sharci ka jiro u yimaadan isaga amaba aabahiis ay shacabkii dadkooda lagu xasuuqay Hiiraan ula xisaabtamaan.

Hadaba la soco xaqiiqda ka jirta Hiiraan iyo dagaalada u muuqda kuwo dhawaantan lagu kala bixi doona heerka ay marayaan.

Isha warka Hiiraan state
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,605,880 unique visits