Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Dalka Soomaaliya oo lagu wado isbuucyada inagu soo aadan in ay ka dhacaan isbedelo xoogan oo dhinaca siyaasada ah siiba isbedel muuqda oo ku dhici doona xukumada iyo bankiga dhexe oo ay beesha caalamku siweyn uga sugayaan madaxweynaha Soomaaliya inuu u soo magacaabo gudoomiye cusub ayaa hadane wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno siyaasada guud ee Soomaaliya iyo isbedelada cusub ee dalka ka soo muuqdo ayaa hadii laga abaaro nuxurka iyo qodobada miiska saaran hada waxey iskugu soo biyo shubteen 3 qodob oo kaliya.

1-In uu wadanku yeesho mudo cayiman gudahood r/wasaare iyo xukumad cusub mudadaas oo loo badinayo in aysan ka badneyn 40 ilaa 45 cisho tani waxey kow ka tahay isbedelada wadanka ku soo fool leh.

2-Kulamo isbuucyadii ugu danbeeyey u dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladahii dalka Soomaaliya dhawaan ugu deeqay dhaqaalaha faraha badan ee dib loogu dhisayo dalka ayaa shirkoodii ugu danbeeyey waxey isla meel dhigeen in si deg deg ah hogaankii bankiga dhexe loo helo kaasi oo ay wararka qaarkood sheegayaan inuuba diyaar yahay aqoonyahan Soomaaliyeed oo dhawaan loo magacaabi doono xilka gudoomiyenimada bankiga dhexe.waa isbedelka labaad ee wadanka ku soo fool leh dhawaan.

3-qodobka ugu danbeeya waa midka ugu muhiimsan waana wax ka qabashada amaanka iyo in ay joogto u helaan mushaarkooda shaqaalaha dowlada amaba hayadaha kala duwan ee dowlada noockasta oo ay iskugu jiraan iyadoo mudnaanka koowaad la siinayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya,

Ugu danbeyn marka la eego sidey wax u socdaan iyo sida ay uga go'an tahay in ay kaalmo muuqata oo iskugu jirta dib u dhiska iyo sidii ay dalka Soomaaliya 2016 ka ugu dhici laheyd
doorasho xor ah taasi oo ah hadafka ugu weyn ee ay beesha caalamku kala shaqeyneyso dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed waayo beesha caalamka siiba reer galbeedka waxaa ku soo baxay wadanka Ruushka oo runta u sheegay in ay siyaasadooda bariga dhexe iyo africa bedelaan waxaana arimaha qaarkood hadii Soomaaliyada si fiican loogu iftiimiyo isbedelada caalamka ka socdo waa labo nooc oo kala ah mid quseeya qaarada africa iyo mid u gaar ah bariga dhexe.

1-Dowlada Ruushka markii ay is hortaaga ku sameysay in ay Mareykanka iyo xulufadiisu weeraraan dalka Siriya waxaa socday dadaalo iyo siyaasado hoose oo ay siqoto dheer arimo badan u falanqeeyeen Ruushka iyo reer galbeedka kuna saabsaneyd arinta bariga dhexe oo Mareykanka looga digay in uu hal wadan u baabiyo dhawr wadan oo bariga dhexe ku yaala taasi oo ay ula jeedeen dowlada Israel mirahii ka soo baxyne waxey noqotay in dowlada Iiraan heshiis deg deg ah lala galo si ay reer galbeedku meesha uga saaraan wararka sheegaya in ay isku baheysteen sidii ay bur burin lahaayeen dalalka Islaamka.

2-Reer galbeedka waxaa kale oo lagu dhaliilaa iyaga iyo QM in aysan gaarsiin dhaqaalaha loogu deeqo wadamada saboolka ah amaba ay ragaadiyeen colaadaha,sidaasi daraadeed si ay meesha uga saaraan arintaas waxey hada xooga saarayaan in ay siweyn ula shaqeeyaan dowlada hada jirta iyagoo madaxweynaha Soomaaliya aad ugu dhiiragelinayo in uu bankiga dhexe dhaqso ugu magacaabo gudoomiye si loo kobciyo dhaqaalaha Soomaaliya wadankana dib u dhis xoogan loogu sameeyo.

3-Dowlado uu hada horboodayo Mareykanka waxey doonayaan in ay meesha ka saaraan tuhunka ah in siyaadadooda ku wajahan qaarada Africa ay ku saleysan tahay sidii loo xoojin lahaa awooda dowladaha masiixiga ah halka kuwa ay shacabkoodu diinta Islaamka heystaan dhinaca horumarka lagala dagaalayo sida ka dhacday wadamada bariga Africa oo uu Mareykanku waayadii danbe dowlada Ethiopia u isticmaali jiray bur burka dalka Soomaaliya isagoo ka saacidaya dhinaca dhaqaalaha iyo hubka maadaama ay dowladaasi tahay mid masiixi ah.

Waxeysa hada u muuqataa in talooyinka muuqda ee ka imaanayo Ruushka ay wax badan ka bedeli doonaan siyaasadahii ay horey ugula dhaqmi jireen dowladaha bariga dhexe iyo Africa.

Hadaba maxaa dhici kara hadii ay Soomaalida maanta nool ka faaideysan waayaan fursadaha ka soo muuqda caalamka ee iskugu jira horumarka iyo dib u dhiska guud?Mise waxey uun ku jiri doonaan siyaasadaha qabiilka ku dhisan ee ay inta badan ku muujiyaan aragtidooda kuna kooban inteeda badan mid ku kooban maalmahaas la joogo.

Isku soo duuboo waa muhiim in ay Soomaalidu la jaanqaadaan isbedelka siyaasadeed ee caalamka ka socda waliba dadka ay arintaan siweyn u taabaneyso waxaa kow ka ah madaxweynaha iyo golaha shacabka labadaas midkood hadii ow meesha ka baxo ma jiri doonto fursad danbe oo Soomaali ugu dhiman beesha caalamka oo mida maanta muuqata ka danbeysa.

Waliba mudanayaasha baarlamaanka qaarkood siyaasada wey ku cusub yahiin badankood umana muuqdaan in ay yahiin mudane baarlamaan markaad meelaha wax laga cuno kula kulnto qaarkood markey hadlayaan waxaad dareemeysaa in uu wadanka dhiban yahay, waayo bulshada markaas ka akdhaw waxaa u sawirmaya in ay qaabka ay marka shacabka dhex joogaan u hadlaan in ay marka ay xurunta golaha shacabka joogaane si ka xun u dhaqmaan, kedib markii dhawaan xildhibaan ka mid kuwii difaacayey r/wasaare Saacid ay shacabku arkeen isagoo ku faanayo in uu General Ethiopian ah oo lagu magacaabo Gabre uu joogo guriga uu r/wasaare Saacid Mogdishu ka degan yahay. Waayaabe hadiiba ay runtahay mudanahaas ku faanayo iyo midka r/wasaaraha sheeganayo ma la dhihi karaa damiir Soomaalinimo ayaa ku danbeeya?

Isku soo duuboo qaabdarada siyaasadeed ee dalka taalo ma yara ka hadalkeeduna wax badan Sooma kordhineyso laakinse waxuusan shaki ku jirin in baarlamaanka hada jiro uu gabalkiisa dhici doono wax ka yar 2 ilaa 3 bilood gudahood hadii ay hormuud u noqon waayaan isbedelka ilaa heer caalami ah ee dalka ku soo fool leh.

Waxuuse fashilka baarlamaanka soo deg degayaa marka si dhab ah u gudageli waayaan mooshinka horyaalo ee kalsoonida lagala laabtay r/wasaare Saacid iyo xukumadiisa mar hadii ay meesha ka baxday wadashaqeyntii kala dhaxeysay madaxweynahii isaga soo magacaabay, hadii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed xal u hayaan iyo hadii ay fowdo u joogaane maalinta sabtida ayaa la kala arki doonaa in ay leeyahiin r/wasaare Saacid iyo xukumadiisa waxaas iyo waxaas ayey qabatay mudo sanad ah oo ay jirtay.

Xaalka Soomaaliya iyo burburka baarlamaanka hada jiro waxuu si la yaab leh u soo deg degi doonaa hadii kaliya mudanayaashu maalinta mooshinka la qaadayo fowdo la yimaadaan kedibna ay bulshadu aragto baarlamaanka hada jiro midabkiisa rasmiga ah.
La soco isbedelada wadanka ku soo fool leh oo ilaa heer caalami ah.

Isha warka Hiran State
webmaster@hiranstate.com






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,612,243 unique visits