Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
willardvd2

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Kedib markii ay maanta inta basan mudanayaadha baarlamaanku ay kalsoonidii kala laabteen xukumadii r /wasaare Saacid hadane waxaa muhiim ah in dulmar guud lagu sameeyo siyaasadahii maalmahan ka jiray caasimada Soomaaliya.

Inkasta oo ay aad u adkeyd in uu ka bad badaado r/wasaare Saacid mooshin ay soo gudbiyeeb in ka badan 170 mudane oo aad u diyaarsanaa wax cabsiyana aan ka qabin in xitaa magacyadooda lagu soo qoro public walow ay tiro yar oo aan galsoonidaas la imaan ay maanta u codeeyeen in ay xukumadu meesha ka baxdo kedib markii ay daqiiqadii ugu danbeysay arkeen meedha xasl marayo hadane waxasn shacabka Soomaaliyeed ku cubneyn in ay meeshs ka bixi doonto xukumada R/wssaare Saacid.

Marka laga soo tago mudanayaasha mooshinja ka keenay xukumada waxaa iyaduna xusid mudan in ay shacabka Soomaaliyeed markii ugu horeysay mudo 13 sano lafa soo bilaabo baarlamaankii Carte 2000-kii lagu soo dhisay ilaa maanta ay gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisu ay noqdaan masuuliyiintii ugu horeysay ee xakameeya fowdadii micno darada aheyd ee baarlamaanka ka dhex sameyn jireen koox markasta iska indha tiri jirtay maslaxasa caamka ah ee umada Soomaaliyeed waana guul bilaaw u ah umada Soomaaliyeed hadii uu Prof Jawaari sidan u xakameyn karo mustaqbalka shirarka danbe ee lagu ansixin doonoxukumada iyogolaha cusub ee wasiirada si dalka iyo dadka loo bad baadiyo.

Laakinse waxaa durbaba soo baxayo talooyin bsdan oo durbaba inooga imasnayo shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo intooda badan ku socda madaxweynaha Soomaaliya waxaana ka mid ah talooyinka hadaan soo koobno inta ugu muhiimsan.

1-Madaxweynow inta laga helayo dastuur ay shacabka Soomaaliyeed u codeeynayasn 2016 ka r/wasaaraha aad keeneyso meeshaad doonto ka keen ilaahow xitaa ururkaada mid ja tirsan ha noqdo si mar kale looga bad baado isqabqabsi wsxaad bulshada u keentaa shaqdi hadii aad berito isqabataan aadan qof kale ku eedeyn.

2-Dadka Soomaaliyeed dan kama leh xitaa hadii aad golaha cusub ee wasiirada ay 90 boqolkiiba ay noqdaan saaxiibadaa amaba dib loo soo celiyo kuwa hada xilka ku magacaabanbadankood waxaase muhiim ah in dalka iyo dadka looga faa'deeyo fursadaha muuqda.

3-Si fowdo iyo qas fara badan looga bad baado aad ayey u qurxanaan laheyd hadii mudanayaasha mooshinka ka keenay xukumada iyo kuwa ka soo horjeedayba ay wadankooda u naxaan sidii daganeyd ee ay xaalada u maareeyeen ugana hogaansameen gudoonka sare laga helo mustaqbalka.

Isku soo duuboo talooyinka madaxweynaha ku wajahan ma yara waxaan sidoo kale guul u rajeybeynaa mustaqbalka R/wasaare Saacid oo ah muwaadin Soomaaliyeed calafkiisuna intaas ku ekaa walow uu gudbad wanaagsan ku sagootin doono shaxabkii uu mudada Ahalka sano iyo ka badan uu R/wasaaraha u ahaa.

Ugu danbeyn war hada na soo gaarayana waxuu sheegayaa in ay cuntadii ka soomeen Cali Maxamed Geedi iyo Ahmed Cabdi Salaan oo iyagu ka mid ah Soomaalida siyaasada qaldka ja fahmay dagaal xoogana waligood kula jiray amaba ay dhibeysay horumarka uu dalku ku talaabsaday, inkasta oo uusan Cali Geedi wax xil ah xukumada ka heyn ina Cabdisalaan waxasn ka soo diyaarineynaa howlahii isagoo safiir ah uu faraha kula jiray kedibna isweydii in uu dowlada Soomaaliya safiir magaca umada Soomaaliyeed meteli kara u fadhiyo iyo in kale.

La soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiran State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.54 seconds
14,589,349 unique visits