Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya oo mudo ku soo jiray jahwareer siyaasadeed una badnaa dano qabiil iyo mid shaqsiyadeed ayaa waxaa horey u soo maray labo dowladood oo ay miduna shibil aheyd midna militeri ugu danbeyntiina waxii maalinba meel la soo joogo waxii ka danbeeyey 1988 waxuu dalkii noqday mid ay shacabkiisu noqdaan kuwo aan tiigsaneyn mustaqbal muuqda waxaana lumay hanaankii dowladnimo.

Hadaba mar hadii lagu guuldareystay in lagu bad baado nidaam shibil ah iyo mid militeri waxaa hadane soo baxay bal in la tijaabiyo markaan nidaam federali ah oo halkii ay awooda dowlada ku goobneyd caasimada la baahiyo oo dalka laga hirgaliyo nidaamyo maamul goboleedyo ah waxaana nasiib u yeeshay in ay ku dhawaaqaan maamul goboleedkii ugu horeyey siyaasiyiin reer Puntland ah marka aan meel iska dhigno Soomaaliland oo ah nidaam ka duwan Puntland ahne dad wax gocanaya si hadalkooda loo maqlena sheegay in ay dalka intiisa kale ka go'ayaan.

Hadaba marka laga hadlayo nidaam federal ah amaba maamul goboleedyo waxaad moodaa in ay reer Puntland qalad ka fahmeen micnaha federalism, hadaad maqasho nidaam federal ah amaba aad dooneyso in aad dalka intiisa kale tusaale u noqoto Puntland ma ahan maamulkii arintaas looga dayan lahaa arimo badan oo isbiirsaday awadeed iskaba daa Soomaalida dhexdeedee xitaa QM ayaa la yaaban waxa Puntland ka socda iyo waxa aduunyada loo sheego sida aysan marnaba isku waafaqeyn.

Tusaale Federalka rasmigaa ee dal looga hirgalinayo nidaam ka duwan kii ay shacabku yaqiineen waxuu u baahan yahay turxaan bixin badan iyo waqti waana inuu ahaadaa mid ka dhaqan gala hal mar dalka oo dhan amaba hadii taasi la waayo la helo qeyb dalka ka mid ah oo wanaag muuqda iyo sabar la timaada oo looga dayan karo wax wanaagsan arintaasne ma muuqato.

Wadamada qaata federalka nidaamka ay ku shaqeeyaan waa nidaam muuqda waxaana jira 3 dowladood oo ay midkasta awoodeeda shaqso uusan saameyn ku yeelaneyn kuwa kale.

1- Dowlad dhexe oo ilaalisa qaranimada dalkaas looguna yeero dowlada federalka taasi oo gacanta ku heysa dhamaan awooda dalka ilaalineysana xuduudaha bad iyo beri iyo maareynta iyo xiriirada caalamiga ah ee dalkaas kala dhaxeeya aduunka intiisa kale iyadoo ku dadaaleysa in si siman loo qeybsado qeyraadka guud ee dalka canshuurna qaadeyso si loo sugo amaanka guud ee dalka iyo arimo kale oo badan oo aysan hada noo suuroobeyn in aan halkaan ku soo koobno.

2- Maamul goboleed amaba States waa dowlad ay leeyahiin degaan ka mid ah dalka shacabkooda oo doonaya in ay iskood isku maamulaan iyagoo qeyb ka ah dowlada dhexe lana cadeynayo maamulkaas baaxada dhulka iyo xuduudahiisa una hogaansamo nidaamka federalka ah uuna aaminsan yahay in uu dalkaan yahay wadanweyn uuna kala dhaxeeyo umad aan aheyn kuwa markaas maamul goboleedka gooynida ah ku dhawaaqay sidaasi daraadeedna ay nidaamkaas qaataan marka uu dalka oo dhan ka hirgalo iyadoo maamulkasta u madax banan yahay arimahiisa hoose.

3 Dowlada hoose. hayadan hadeysan jirin labada kale ma Jiri karaan waayo waa mida u xilsaaran arimaha ugu muhiimsan ee wadankasta xooga saaro howlaha ay qabtaane halkaan laguma soo koobi karo.

Hadaba maamul goboleedkii ugu horeyey ee la magac baxay Puntland wadanka Soomaaliyana ka hana qaada ilaa manta ma muuqato wax haba yaraatee lagu amaani karo marka la eego siyaasadaha qabiilka ku dhisan iyo sida ay hada marba marka ka danbeysa aduunyadu ugu rajo dhigeyso siiba qaramada Midoobay.

Dhibaatooyinka muuqda ee shacabka Puntland heysta aysana waxbo ka qaban Karin waxaa ka mid ah.

1- Taariikhda aduunka lama sheegin qeyb dal madax banan ka mid ah oo inta maamul gooyni ah ku dhawaaqda amaba sheega in ay doonayaan federal oo hadane dowladii dhexe leh kalsoonida ayaanu kala laabanay oo maba aqoonsanin waa siyaasadaha Faroolaha Puntland laga dhaxlay qaramada midoobay oo horey u heysatay warbixino badan oo hubin u baahan oo uu xiligii lagu guda jiray kumeel gaarka Wakiilkii Qaramada Midoobay Mahiga kudbiyey isagoo aan wax badan hubsan Soomaalidana aan aqoon fiican u laheyn, ayaa hada u muuqdo mid ay qaramada midoobay ka fiirsaneyso arinta ugu weyna waa midaan.

Qaramada Midoobay waxaa loo sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay doonayaan in ay qaataan nidaamka federalka maamulka Puntlande uu horseed u yahay, laakinse hada waxaa soo baxaya arimo badan oo laga bad badiyey kedib markii si hoose baaritaan ay dad yar ka warqabaan lagu sameeyey qaabka uu u shaqeeyo maamulka Puntland ayaa waxaa la ogaaday in shacabkaas mudadii uu joogay madaxweynaha hada talada haya in laga suuliyey qadiyada Soomaaliweyn iyo inba la helo qaran Soomaaliyeed iyadoo ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland la baray oo kaliya labo qodob.

1- In ay yahiin Majeerteen 2- reer Puntland. marka lala hadlayo Daaroodka kalena degaanka looga dhigo deegaan ay leeyahiin Daarood lana dhiiregeliyo sidii ay beesha Daarood dalka Soomaaliya ugu yeelan lahaayeen ugu yaraan 3 maamul goboleed.

Laakinse Qaramada midoobay oo hada xaalada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya la socda waxey awoodooda iskugu geeyeen siiba wakiilka cusub sidii looga hortagi lahaa si loo bad baadiyo nidaamka federalka uguna dhaqan galo dalka oo dhan in ay Qaramada Midoobay iyo dowlad dhexe iska gaashadaan sidii looga hortagi lahaa in ay ku soo baxaan doorashooyinka ka dhici doono deegaano badan oo dalka ka mid ah oo ay Puntland ugu horeyso in uusan ku soo bixin shaqsi caqabad ku noqon doona dowlada dhexe.

Xitaa qaramada Midobay waxey ogaatay in marka madaxweynaha Puntland mediyaha ka yiraahdo kalsoonidii waan kala laabanay dowlada dhexe in aysan wax jawaab ah arintaas ka bxiin xildhibaanada iyo wasiirada dowlada dhexe ugu jira shacabka Puntland maadaama nidaamka hada ka jira Soomaaliya lagu qeybsaday hab beeleed ayna dowlada dhexe xilal muhiim ah ka hayaan meeshasina waxaa ka yimid shaki xoogan oo sida ay reer Puntland u yaqaanaan nidaamka fedraalka iyo sida caalamka amaba qaramada midoobay oo isticmaaleysa waaya aragtinimadeeda ay u leetahay wadamo badan oo sidan oo kale soo ahaan jiray maantana ay ka jirto hanaan nabdoon.

Arinta ugu xiisaha badan ee hada miiska saaran waa in maamulkii ay dowlada dhexe sheegto inuu caqabad ku yahay dowlada dhexe laga joojinayo dhaqaalaha la doonayo in dalka dib loogu dhiso ee lala sugayo dowlada cusub, si meesha looga saaro in uusan hogaamiye maamul ilaa heer gobol ah tartan ula galin madaxweyne Soomaaliyeed iyo xukumad umada ka wada dhaxeysa.

La soco qeybteena labaad

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.62 seconds
14,569,262 unique visits