Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Maamulka Puntlnad oo xiligii lagu guda jiray kumeel gaarka ahaa amaba u muuqday maamul u muuqaal ekaa inuu horey u socdo waxaa horey madax uga soo noqday dhawr qofood kuwaasi oo ugu danbeyn xilka siyaabo kala duwan uga tagay, hayeeshee maamulkaan oo markiisii hore ahaa qorey isku dhiib u dhaxeeyey Ilmo Maxamuud Saleemaan waxaa bilaawkii madax ka noqday

Madaxweynahii geeriyooday Cabdulaahi Yusuf Ahmed oo ka soo jeeday jufada Cumar Maxamud , waxaana uga danbeeyey General Cade Muuse Xersi oo isaguna ka soo jeeday jufada Cismaan Maxamud waxaana ugu danbeyn masuuliyadaas la wareegay dhawrkii sano ee ugu danbeysay Cabdiraxmaan Faroole oo ka soo jeeda jufada Ciise Maxamud oo degaanada Puntland looga yaqaano jufadiisa Ciise Arile.

Faroole oo sida muuqata mudadii uu joogay shacabka Puntland ka weeciyey wadadii horumarka waxey siyaasadiisa ku soo aruurtay ka cararka magaca Soomaaliya waxuuna degaanada Puntland ka mabnuucay in xitaa laga xuso maalamaha taariikhda ku leh ciidamada xooga dalka Soomaaliya amaba Police-ka oo xiliyadii ay Puntland hogaaminayeen ragii isaga ka horeyey meelkasta lagu arki jiray calanka Soomaaliya una dabaal degi jireen ciidamada Soomaaliya munaasibadaha lagu weyneyo.

Marka la eego labadii sano ee ugu danbeysay Cabdiraxmaan Faroole waxuu warqadkasta oo xafiiskiisa ka soo baxda ku saxiixi jiray magaca dowlada Puntland sida in ay Puntland ka go'eyso dalka intiisa kale. waxuu horey si iskiis ah ugu darsaday mudo kordhin waxeyna hada u muuqataa in ay xaalada Puntland mareyso heerkii ugu danbeeyey.

Inkasta oo uusan Faroole u arkin musharaxiintaan la tartameysa waxweyn hadane warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya in uu qarka u saaran yahay inuu gacantiisa ku soo xusho 40 ka mid ah 66-da mudane ee ka imaanaya golaha degaanka Puntland taasi oo muujineysa inuu si sahlan ugu soo laaban doono xukunka mar kale si uu meeshiisa uga sii wado fowdadii uu ku hayey dowlada dhexe.

Laakinse marka xaalada dhinaca kale laga eego ma sahlana inuu Faroole mar kale reer Puntland hogaamiyo marka la eego arimo badan oo aan banaanka imaan oo miiska u saaran qaar ka mid ah Isimada Puntland, warku waxuu intaas ku darayaa in ay Puntland noqon doonto labo maamul oo miduna ay caasimad u tahay magaalada Qardho midna ay caasimad u tahay magaalada Garoowe ayna maamul goboleed ku dhawaaqi doonaan shacabka ku nool gobolada Bari iyo Sanaag waa hadii Faroole xukunka dib ugu soo laabto sida laga soo xigtay dad ka agdhaw Isimada Puntland qaarkood oo hada ku sugan magaalada Garoowe.

Sidoo kale Warar xaqiiqda u dhaw ayaa sheegaya in ay qorsheynayaan dhawr musharax hadii ay xilka Puntland ku guuleystaan in ciidamada Puntland madax looga dhigi doono General Cade Muuse taasi oo aad u adkeyn doonta intaba uu General Cade Muuse ololaha hada socda qeyb ka yahay inuu
Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Puntland si sahlan ugu soo laabto xukunka, walow uu xooga saaray sidii uu boqolkiina 80 u soo xuli lahaa xubnaha golaha degaanka Puntland oo hada meel fiican u maraya taasi oo u muuqata in uu gacantiisa ku soo xulan doono dhamaan mudanayaasha qabaailka marka laga reebo kuwa ka ikmaanaya Cumar Maxamud iyo Cismaan Maxamud oo ay ku adkaatay inuu dad isaga taageersan kala yimaado.

Sikasta oo ay ahaataba lama saadaalin karo isbedelada dhinaca maamulka ah ee ka imaan kara Puntlnad maadaama Faroole oo ay wax badan qabyo ka yahiin horeyna mudo kordhin u sameystay uu wali rajo ka qabo inuu shacabka Puntland hogaamiyo, halka musharaxiinta kalena ay doonayaan in ay meesha ka saaraan odayga.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,568,386 unique visits