Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
liyijing46

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Kedib markii dhawaan uu dalka Soomaaliya yereshay r/wasaare cusub ayaa waxaan u guurgalnay sida ay shacabka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen inagoo xooga saarnay meelo badan oo ay Hiiraan ugu horeyso maadaama shacabka Hiiraan lagu yaqaano qaran jacel ayna markasta ahaan jireen kuwa ugu horeeya ee iskugu soo bixi jiray hadba masuulkii dalka loo doorto.

Hadaba xaalada hada sidii hore waa ka duwan tahay oo shacabku waxey go,aansadeen in aysan hada kedib u socbinin masuul aan la arag waxqabadkiisa iyo tayada xukumadiisa. waxaana sidoo kale xiriir gooyni ah la yeelanay dadka ku wanaagsan abaabulka amaba horey u qaban qaabin jiray ololaha lagu soo dhaweyn jiray masuuliyiinta waxeyna inoo xaqiijiyeen in aysan hada arintaa u muuqan iyagoo sabab uga dhigay dhawr qodob.

1-Waxey leeyahiin shacabku horey ayaan ugu dalnay shaqsi aan wax qabadkiisa la arkin oo Hiiraan looga sacbiyo sidaasi daraadeed waxaan sugeynaa midabka xukumada la soo dhisayo iyo hadba waxqabadka ay la timaado,waayo Hiiraan waxaa horey si indho la,aan ah looga taageeray siyaasada madaxweynaha Soomaaliya waxeyna shacabku ku waabariisteen wasiiro xukumadii hore ka mid ahaa oo dagaal siyaasadeed kula jira shacabka Hiiraan oo waliba u sacbinaya dowlada.

2-Dowlada oo ay hada u arkaan mid uusan hadalkeedu dhaafsiisneyn caasimada Soomaaliya ee Mogdishu oo iyadoo aan wax ficil ah la imaan afka uun ka sheega in ay degaano badan oo koofurta Soomaaliya ka mid ah ka hirgeliyaan maamulo ay shacabku soo doortaan qofka hogaaminaya arintaasne in aysan hada dowladu u heyn wax qorshe ah dadku wey u jeedaan lamana doonayo in lagu horcararo amaba maamul goboleed leyskaka dhawaaqo sida hada ka socota qeybo dalka ka mid ah waxaa la doonayaa in shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada leys tusiyo inta aysan reer Hiiraan qaadan go'aan iskood ah hadii ay xaalada sidan ku socoto.

3-Dadka qaarkiis waxey leeyahiin mar hadii intooda badan golahii wasiirada r/wasaare Saacid la soo celinayo taasi micnaheedu waa in aan Soomaaliya loo rabin inuu ka dhaco isbedel muuqda qorshahuna ahaa kaliya in r/wasaare Saacid kaligiis meesha laga saaro, kedib markii ay soo baxeen saacadahii ugu danbeeyey warar sheegaya in ay dib u soo laabanayaan 4 ka mid ah 10 kii wasiir ee xukumadii r/wasaare Saacid.

4- Fursado badan oo kooxaha gudaha wadanka ka dagaalamo looga saari karay dalka oo leyska indha tiray amaba la lumiyey waxeyna dowladii u muuqaal ekaatay mid ganacsi ku jirta bedelkii wax la qaban lahaa ayuu yiri mid ka mid ah ciidamadii hore ee xooga dalka Soomaaliya oo ku sugan Mogdishu waana fikirka ay qabaan Soomaali badan oo ay reer Hiiraan ugu horeeyaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,584,679 unique visits