Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Waqti badan kuma lumineyno ka hadalka amaba qorshaha siyaasadeed ee madaxweynaha Soomaaliya u ku doonayo inuu dib ugu soo celiyo xilka shaqsiyaadka reer Hiiraan uga midka ahaa xukumadii r/wasaare Saacid hadane waxaa muhiim ah in aanu bulshada u soo bandhigno magacyada shaqsiyaadka loogu hadal heynta badan yahay.

Xog aruurin dhab ah oo aanu siyaabo kala duwan uga soo aruurinay qurbajoogta iyo waxgaradka beesha Xawaadle badankood siiba shaqsiyaadka ay isleeyahiin isbedel muuqda oo dhinaca dalka iyo Hiiraanba ah wey la imaan karaan maadaama aanan dhamaantood soo wada bandhigi Karin hadane dhawrka qofood ee loogu hadal heynta badan yahay ayaanu xalka ka abaareynaa.

1-Prof Cabdinuur Sheik Mohamed waa aqoonyahan Soomaaliyeed waxuuna wasiirkii waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ka soo noqday xukumadii r/wasaare Farmaajo wallow uu waqti adag ku soo aaday waxey dadku leeyahiin hadii uu heli lahaa waqti ku filan xiligaas xogta uu hada ka heysto dalka iyo waliba Hiiraan uu xiligaas heysan lahaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo reer Hiiraan wax badan ayuu aqoontiisa uga faa'ideyn lahaa waana shaqsiga tan iyo markii ay meesha ka baxday xukumadii r/wasaare Saacid aadka loo hadal hayo.

Shabakada Hiran State oo aad mucaarad ugu aheyd xiligii uu wasiirka ahaa Prof Cabdinuur kedib markii uu dhulka ka soo qaadi waayey xiligaas maamulkii ay shacabku dhisteen ee Hiiraan State, hadane shacabka hada hadal haya aqoonyahankaan waxey leeyahiin xiligaasi xol ogaalnimoayey wax badan uga halaabeen waana muhiim in mar kale waqti la siiyo waliba waxaa fikirkaas u badan dhalinta beesha Xawaadle ee qurbaha ku nool kuwaasi oo iskugu jira qaar arday ah iyo kuwo tacliintooda dhameystay oo aragti fog leh doonayana in ay arkaan Soomaaliya oo nabad ah Hiiraane kow ka tahay.

2-Ex-Xildhibaan Waare waa aqoonyahan isaguna ka soo midnoqday dowladahii kumeel gaarka ahaa waxuuna wasiirka waxbarashada ka soo noqday dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Alla ha u naxariistee madaxweyne Cabdulaahi Yusuf waxuuna mudo soo ahaa xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.xildhibaan Waare waxaa siweyn u wata cuqaasha Hiiraan iyo ciidamada maamulka Hiiraan oo uu mudo kula soo qariibay duurka intii aysan ciidamadu gudaha u gelin magaalada Belet Weyne dhawr sano ka hor.

Waxeyna warar xaqiiqda u dhaw sheegayaan in ay cuqaasha Hiiraan doonayaan in uu dowlada dhexe u galo amaba uu mustaqbalka isku soo taago hogaanka sare ee Hiiraan iyagoona xilikasta xiriiro kala duwan la soo sameeya, waxeyna cuqaashu leeyahiin waa shaqsi reer Hiiraan iyo dowlada dhexe isku xiri kara hadii uu ka mid noqdo xukumada cusub dowladaha Soomaaliya deriska la ahne xiriir wanaagsan la leh.

Laakinse marka aragtida shacabka Hiiraan amaba cuqaasha beesha Xawaadle meel leyska dhigo waxaa jira shaqsiyaad iyaguna uu damac kaka jniro ka mid noqoshada xukumada cusub kuwaasi oo iyaguna haatan ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo doonaya iney ka dalacaan xildhibaanimo una dalacaan wasiirnimo waxaana kamid ah baa la leeyahay.

1- Wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdulaahi Godax Bare oo isagu olole uu ku doonayo inuu mar kale kamid noqdo xukumada cusub ka wada Mogdishu si uu uga tanaasulo xubinimada baarlamaanka.

2- Waxaa mudanayaasha xilkaan uu damaca kaka jiro ka mid ah xildhibaan Cali Nuur Xusen Boodaaye ahne shaqsi ay saaxibo dhaw yahiin wasiirka qeyraadka dalka Cabdirisaaq Cumar oo ay maalmahii tagay Hiiraan wada joogeen si hadii dib loo soo celin waayo wasiiradii r/wasaare Saacid uu wasiirka qeyraadka ugu ololeeyo.

3- Rajada wasiirka Qeyraadka dalka uu dib ugu soo laaban karo amaba uu uga mid noqon karo xukumada cusub.hadii ay arintu tahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri waxuu ka mid noqon doonaa 4-ta wasiir ee u doonayo inuu dib u soo celiyo madaxweynaha Soomaaliya kuwaasi oo kala ah wasiirka arimaha gudaha, wasiirka madaxtooyada, wasiirka arimaha dibada iyo kan Keyraadka.hadiise golaha cusub ee xukumada ay tahay kuwo uu u madax banaan yahay r/wasaaraha cusub fikirka beelaha Soomaaliyeedna la dhageysanayo oo ay beeshaani ka mid tahayne la qiimeynayo in uu wasiirka qeyraadka ka mid noqdo xukumada cusub waa (one million to one) jaanis.

Waa macquul in maalmaha soo socda odoyaal dhaqaalo lagu harqiyey mediyaha la soo dhoobo oo leh wasiirka qeyraadka ayaan taageersanahay iyo wax la mid ah, hayeeshee dadka siyaasada Soomaaliya odorosa amaba beeshaan ka soo jeedo waxey leeyahiin iyagoo aysan xumaan ka aheyn hadii aan la helin labadaas aqoonyahan ee aan kor ku soo sheegnay midkood wey adkaan doontaa in la arko Hiiraan oo leh maamul adag oo xiriir wanaagsan la leh dowlada dhexe.

4- Gudoomiyaha waqtigiisa dhamaaday ee hada ka arimiya Hiiraan col Laqanyo qudhiisa oo aad u dareensan guuxa cuqaasha waxuu bilaabay in uu u ololeeyo sidii aqoonyahanada la hadal hayo ay xilal muhiim ay uga heli lahaayeen dowlada dhexe sida wasiiro iyo kuxigeeno iyo waxii la mid ah si hadii ay Hiiraan doorasho ka dhacdo aysan ula tartamin aqoonyahano kursiga ku cariiriya mustaqbalka oo isku soo taaga xilka ugu sareeya Hiiraan.walow uu dhinaca kalena isku dayayo inuu u muujiyo taageero wasiirka qeyraadka oo isaguba aad ugu ololeeyey xiligii la magacaabayey gudoomiye Laqanyo.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,614,481 unique visits