Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Dalka Soomaaliya inkasta oo 22-kii sano ee ugu danbeysay shacabkiisu noqdeen looma ooyaan dowlado badan oo caalamka ka mid ahne ay dhawrkii sanoba mashruuc ka dhigteen dhibaatada Soomaaliya ka aloosan, iyadoo aan marnaba la kala jecleyn sida bini'aadaminimada ka baxsan ee ay shacabku dalkooda ugu dhiban yahiin kuwii dibada aadayna ay badaha ugu dhamaadeen. hadane Soomaalida inta badan been waa ku hadashaa laakinse run ayey ku maahmaahaan waxeyna yiraahdaan waxaa jira wax aad shar moodo oo aaqirka qeyr isku bedela.

Hadaanse saadaal ka bixino mustaqbalka dhaw iyo siyaasada Soomaaliya oo uu muuqato mid sida leyskaka daba wareegayo ugu danbeyn uu ka dhici doono dagaal weyn oo qabiil kaasi oo hadii aanu magacisa iyo qaabka uu ku bilaabmi doono aanu waxoogaa reer magaaleyno dhex mari doono beelo mudo hurdo iskaka jiray amaba hadaan sikale u dhigno beelahii horaantii sagaashameeyadii ku midoobay ururkii USC iyo kuwo kale oo waayadii danbe bilaabay in ay calanka iyo jiritaanka umada nacsiiyaan shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo aaminsan in ay hada heystaan fursad ay wadanka ku kala googooyn karaan iyagoo isku haleynaya dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo sida ay sheegeen ay yahiin saaxiibo rasmi ah una qaban doona dhamaan koofurta Soomaaliya.

Dagaalkaan aan hada muuqan laakinse aan laga fursan doonin dad badan waxey u arkaan inuu yahay habaar laakinse waxuu noqon doonaa kii ugu danbeeyey ee dalka Soomaaliya iyo guud ahaan bariga Africa waji kale u yeela.

Wajiga koowaad ee dagaalka waxuu ka qarxi doonaa magaalooyinka Galkacyo iyo Kismaayo waxaana si lama filaan ah ku xermi doono isticmaalka dekedaha Boosaaso iyo Midka Kismaayo.

Dowladaha Ethiopia iyo Kenya qaabka ay dagaalkaas ku soo geli doonaan iyo sida deg degta leh ee uu u saameyn karo.

1- Dowlada Ethiopia siiba xisbiga talada Ethiopia haya waxuu si rasmi ah ula safan doonaa kooxda dagaalka la gali doonta beelahii ku abtirsan jiray USC, iyaguna waxey qaadan doonaan siyaasad ka duwan mida ay dowlada Ethiopia amaba xisbiga talada Ethiopia haya qaateen waxeyna xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaalo la yeelan doonaan qowmiyadaha kale ee Ethiopia siiba Oromada iyo Amxaarada.

Ethiopia maxaa ku kalifi doona in ay kooxaha Soomaalida ee uu dagaalku dhex mari doono midood si toos ah ula safato? hadaan waxoogaa qeexno arintaas.

Dowlada Ethiopia waxey si dadban iyo si toos ah u maamushaa dekadaha Berbera iyo Bosaaso mana jirto wax canshuur ah oo dowlada dhexe ee Soomaaliya ka soo gala waxaana degaanadaas ka jira maamulo markasta iyada qanciya markastana dowlada Soomaaliya diida , waxeyna masuuliyiinta talada Ethiopia haya aaminsan yahiin tan iyo markii ay talada kala wareegeen Minkisto Heylamaryam sidii ay Soomaalida uga ilaalin lahaayeen in uu dalkoodu noqdo wadan isku filnaansho gaara maadaama ay dalka intiisa kale maamulada ka jira ay farta ugu yeeraane waxey ku dadaalayaan in ay wiiqaan kuwa markasta sheeg sheega qaran Soomaaliyeed iyo wax la mid ah.

Dowlada Ethiopia ee hada jirta waxaa saameyn xoogan ku yeelan doona dagaaladaas oo sida muuqata qaabka ay wadanka uga dhici doonaan u muuqaal ekaan doona saf balaaran marka ay labada kooxood ee uu dagaalka dhaxmari doono mid ka mid ah la safato kuwa kalena meesha ay siyaasadooda u weecin doonaan wey iska cadaha, waxaana ugu danbeyn faraha ka bixidoono amaanka dhulka Soomaalida Ethiopia ay degaan oo beelaha Soomaaliyeed ee halkaas degan waxey si toos ah ula kala safan doonaan labada dhinac taas ayaana keeni doonto in uu dagaalku noqdo saf balaaran.

Dowlada Kenya iyo qaabka uu saameyn ugu yeelan doono dagaalkaan aan la huri doonin laakinse uu sasaankiisu muuqdo.

Dowlada Kenya hadii xaalada laga abaaro meesha ay maanta joogto iyadooba aan la gaarin dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka dhici doono kaasi oo ah midkii soo afjari lahaa arimo badan oo mudo isku murugsanaa, hadane si ay u soo celiso kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee degen gobolka waqooyi bari Kenya waxey hada bilaawday in ay xilal waaweyn ku qanciso beelaha aan Daaroodka aheyn ee ku nool dalka Kenya kedib markii ay dowladu dareentay amaba uu dhaawac xoogan u geystay barnaamij lagu dabargooynayey shacabka ku nool dhulka Soomaalida Kenya oo laga soo daayey TV-ga Al Jazeera kaasi oo ay daawadeen madax ka tirsan caalamka iyo Soomaalidii ugu badneyd si xaalada waji kale ugu yeeshana waxey hada xilal muhiim ah u magacaawday dhawr qofood oo Soomaalida Kenya ah sida siyaasi ka soo jeeda degmada Wajeer oo ka mid ah musharaxiintii u tartantay madaxtinimada dalka Kenya iyo sidoo kale wakiilka cusub ee Amisom ee Soomaaliya.

Waxaad moodaa dowlada Kenya waxaa soo gumeystay dowlada Ingiriiska siyaasadeeduna ma ahan sida mida Ethiopia ee aan isbedelka laheyn waxeyna u badan tahay in hadii uu dagaal sokeeye ka dhaco Soomaaliya siiba Jubooyinka in ay dhamaan ciidamadeeda la bixi doonto si ugu yaraan ay uga bad baado kacdoon kaka yimaada shacabka ku nool dhulka ay degaan Soomaalida Kenya ee waqooyi bari.

Dagaalkaan laga cabsi qabo inuu dalka Soomaaliya ka qarxo kaasi oo aan noqon doonin xabada la ridayo kaliya xitaa waxaa leys kala dagaali doonaa dhaqaalaha waxuuna ku bilaaban doonaa sidan amaba qodobada keenaya in uu dalku ka dhaco dagaal waxey noqon doonaan sidan.

1-Dalkii waxuu u muuqdaa mid la iibsanayo waxaana marqaadi ma doonto ah qaabka maanta loo kala heysto 3da dekedood ee ugu waaweyn dalka sida Berbera, Bosaaso iyo Kismaayo. dhamaantood beelaha ay gacantoodu ku jirto dekedahaas midkasta waxey ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo dowlad Soomaaliyeed qolokastana waxey caasimada Soomaaliya u soo dirsatay siyaasiyiin ka soojeeda beelahaas oo aan degaanadaas siyaasadaha qariban ee looga dhaqmo aan waxbo ka qaban Karin dhibtiina la soo aaday koofurta Soomaaliya iyo gobolada ku xeeran.

Waxaa taas ka sii daran kooda Shabaabka ah waxuu qarxiyaa kaliya caasimada Soomaaliya iyo degaanada ku xeeran. kooda maamuladaas wax ka noqon waayey waxuu degan yahay Hotelada Mogdishu ugu qurxan waxaana qaarkood ka bixiya dowlada. sidoo kale waxaa hadane la yiri dowlada ha lagu qeybsado 4 beelood oo siman waxey ku jiraan baarlamaanka, golaha wasiirada, ciidamda qaranka hadane degaanadii ay ka soo jeedeen lagama ogola inuu gaaro hanaanka dowladnimo.

Arimaasi oo dhan oo taagnaa ayaa hadane dhawaan waxaa dagaal laga abaabulay gobolada Sh/dhexe, Sh/hoose iyo Hiiraan waxaana dagaalkii si deg deg ah loogu jabiyey kooxahii wajida badnaa ee dagaalka soo abaabulay kuwa loo isticmaalayey oo uu magacu ku dhacay maahane kuwii gadaal ka joogay ayuu hada tooshka saaran yahay waxaana socda......

Faa'idada iyo qaasaraha lagala kulmi doono dagaalkaan.

Dagaal sidaad doonto u fasiro ma jirto cid ay faa'ido ugu jirto laakinse midkaan waa mid lagu qasban yahay sida ay qabaan beelahii USC horey ugu midoobay oo sida muuqata iyagoo aan israbin midkastana uu gidaar ugu jiray kan kale ay isku soo dhaweeyeen beelo loo bixiyey duceysanayaal waxaana hada socda shirar kuwii ugu danbeeyey ay ka kala dhaceen qeybo badan oo dalka ka mid ah inkasta oo aanan dooneyn in aan wax badan ka hordhacno.

Faa'idada dagaalkaan iyo hadafka laga leeyahay.


Dagaalkaan ujeedadiisa ugu weyn waa sedax qodob.1- maxaa keenay in ay caasimada Soomaaliya iyo gobolada kuxeeran oo kaliya shacabkooda laga dhigo mid ay si naxariis daro ah u dilaan shaaqsiyaad ka soo jeeda degaanada aanu horey u soo xusnay.

2- Maxaa keenay in 20 kun oo African ah ay joogaan caasimada Soomaaliya oo aan iyaga loo qarxin Soomaalida kaliyana loo baabinayaa?

3- Maxaa keenay in ay qeyb dalka ka mid ahne nabad ahaato qeybna ay holacdo? oo waliba iyadoo la ogyahay siyaasyiinta, xildhibaanada ku mid ah dowlada dhexe iyagoo aan dowlada ay ka tirsan yahiin aan ku soo xiren maamulada ay ka soo jeedaan waxa loo mucaaradayo dowladkasta sida waxa hada ka taagan Puntland oo kale, nuxurka arintaane waxey u muuqataa in uu dalka Soomaaliya ama isla wada holci doono ama dhaqanada foosha xun ee hada muuqdo isbedel muuqda loo heli doono ayaa ka mid ah abaabulka iyo dagaalada sokeeye ee laga cabsi qabo inuu mar kale dalka Soomaaliya ka dhaco.

Maamulada ay gadaal ka riixayaan Ethiopia iyo Kenya sida kan Puntland iyo Maamulka Kismaayo ka jira waxaa laga dhaxlay masuul Soomaaliyeed Puntland ma imaan karo xitaa markii ay dowladu damacday in ay gargaarto shacabkii ay duufaantu ku dhufatay.

Waxaa kale oo laga dhaxlay maamulka Kismaayo sargaal Kenyan ah in salaan loo taago wasiiradii Soomaaliyeedna la yiraahdo ma imaan kartaan caasimada sedaxaad ee Soomaaliya, sidaasi daraadeed inta aanba la gaarin in ay Soomaaliweyn qaataan nidaamka federalka natiijadiisa iyo midabkiisa rag baaba umada si dadban iyo si toos ah u tusiyey marka federal inuu Soomaaliya ka hirgali doono iyo in kale waxaa kala saari doona baa la leeyahay dagaalka muuqda ee ay sabab u noqon doonaan inta aan kor ku sheegnay.

Hadaan dib ugu laabano waxoogaa siyaasada dowlada Ethiopia. Ethiopia ilaah ayaa xukmiyey in ay nabad iyo kala danbeyn helaan shacabkeedu maahane marka siyaasadeed arimaha Soomaaliya la eego waxey u muuqataa jabhad oo kale waxaana taasi ka marqaati kaceysa qaabkii ay sanadkii hore bartamahiisii iyagoo aan ciidamada amisom ku wareejin magaalada Xudur habeen madow uga baxeen qatarta xoogana u geliyeen nolosha shacab badan oo halkaas ku noolaa waxaadna moodaa qaabka ay janaraalada ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya ku sugan u shaqeeyaan inuu yahay mid aan aheyn hab dowli ah laakinse madaxda Ethiopia oo ku kala aragti dowan siyaasada Soomaaliya awadeed uu midkasta amar uun iska siiyo hadba sarkaalkii uu yaqaano waxoogaa ciidamo iyo gawaari dagaal ku ogyahay sidaasina ku howl galaan.

Hadaba maxaa la gudboon dowladaha Kenya iyo Ethiopia?


Madaxda labada dowladood waxaa muhiim ah in ay bedelaan dhamaanba siyaasada guud ee ay ku maamulaan dalka Soomaaliya waayo cadaawadkasta iyo colaadkasta oo laga huriyo Soomaaliya ilaah ayaa xukmiyey in ay Soomaaliya deris la noqoto Kenya iyo Ethiopia mana filaayo in ay colaada qaarkeed kutalo kal tahay waxaana iyaga qudhooda gadaal ka taagan qaar ka mid ah dowladaha reer galbeedka hadiiba ya dhacdo in aad soo qaatateen qandaraas lagu dabar gooynayo bulshada Soomaaliyeed jiritaankeedana lagu baabinayo ha ogaadeen Ethiopia iyo Kenya in aysan umada Soomaaliyeed ka dhimaneyn cid uusan ilaah u qadarin inta wadan ka mid ah qaarada Africa ay dhibaato ka taagan tahayne midka nabada heysta isaguna waqti dheer kuma jiri doono hadii uamd dhan la dabar gooyn karona waxaa aduunyada amaba qaarada Africa laga cirib tirilahaa shacabka Rwanda oo qeyb ka mid ah la doonayey in laga cirib tiro wadankaas, laakinse ay maant aiyagii la gumaaday ay wadankii xakumaan ayey leeyahiin tiro yar oo Soomaalida maanta nool ka mid ah, marka madaxda bariga Africa siyaasadaha ay hada kuola dhaqmaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed waa lama huraan in ay wax badan ka bedelaan.

Hadiise ay Kenyana iyadoo dowlad ah lasafato qabiil, Ethiopiana la safato qabiil ha ogaadeen inta Soomaaliya degan ayaa beelkasta oo Soomaaliyeed ka degan Waqooyi Bari Kenya iyo dhulka loo yaqaano Zone Five Kilinka 5aad ee Soomaalida Ethiopia waa muhiim in dagaal sokeeye cid ay dani ugu jirto ma leh in laga wada hortago.

La soco qeybteena labaad iyo sida ay beelahii USC ku abtirsan jiray dagaalka u kala qeybsan doonaan Shabaab magaceedana halkaas ayaa ugu danbeeya waayo hada waxey ku mirmirsiyoodaan in ay la dagaalamayaan Ciidamo shisheeye iyo dowlada laakinse dhalinyarada si sahlan ayey uga soo saarayaan waliba si lama filaanka ah oo uu uga qarxi doono degaano ka mid ah dhul badan oo hada nabadoon markaas waxii ka danbeeya ayuu dib u heshiin dhab ah ka curan doonaa dalka Soomaaliya laakinse inta masuul xilka haya dowlada dhexe loogu hanjabayo ma imaankartid magaalo hebel xal deg deg ah in la helo ha sugin.


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,600,362 unique visits