Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
inesme69

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Urur Siyaasadeed looga dhawaaqay magaalada London iyo BBCda oo ka wareysatay Liibaan Daahir Nur

Wararka MaantaSabti 26, Feb 2011 (HSOL)-Urur siyaasadeed la magac baxay Hiil Qaran oo maalintii Jimcaha looga dhawaaqay magaalada London iyo mid ka mid ah ardeyda wax ka barta jaamacadaha UK laguna magacaabo Liibaan Dahir Nur oo ay BBCdu ka wareysatay qaabka u dhacay shirka.

Liibaan Daahir Nur oo ah ardey wax ka barta dalkaasi Biritian gaar ahaan London ayaa maalintii sheleyto aheyd ka qeyb galay shir loogaga dhawaaqay urur siyaasdeed oo magaciisa la yiraahdo Hiil Qaran. halka ururkaasi looga dhawaaqay ayaa waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiin caan ah iyo aqoonyahano Somaliyeed .

Wariyaha BBCda oo su'aalo dhawr ah weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa su'aalahii dadka ka soo qeyb galay shirkaasi inta ay qiyaastii la ekaayeen. isagoona sheegay in masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ay ka mid ahaayeen R/wasaarahii hore ee Somaliya C/risaaq Haaji Hussein, Cismaan Kaluun, Ambassdor Mohamed Shariif iyo ugu danbeyn Cabdi Ismaaciil Samater oo isagu daadihinayey howlaha shirka.shacabkii halkaasi iskugu yimidna ay ku dhawaayeen 80 qof oou badnaa masuuliyiintii fikirka ururka lahaa iyo marti sharaf kale.

Shirkaani ayaa sida u Liibaan sheegay waxuu daba socday shir kol hore lagu qabtay dalkaasi Jabouti oo uu marti galiyey madaxweynaha jabouti. R/wasaarahii hore ee Somaliya C/risaaq Haaji Hussein ayuu sheegay inuu ku dheeraatay taariikhda Somaliya isagoo inta badan tusaale fiican u soo qaatay Siyad Mohamed Abdulle Hasan inuu ahaa halyeey Somaliyeed oo in la xuso u baahan. inkastoo meelo badan oo dalka ka mid ah Sayidka looga yaqaanay wadaad dilaa ah oo dhaqan ahaan ay wax badan iskaka dhaw yahiin ururka Shabaab ee maanta ka taliya dalka Somaliya oo cidkasta oo mabdaooda qaadan dila, halka ay Shabaab ka dhahaan murdad Siyadka waxuu ka dhihi jiray waa xujoobay oo ka dhigneyd mabdaeyga ayuu ka soo horjeestay.

Sidoo kale R/wasaarahii hore ee Somaliya C/risaaq Haaji Hussein ayaa ka sheegay goobta in SYL ahaayeen kuwii sabab u ahaa xornimadaan kedib iyagoo dalka bad baadiyey kalsoonina la yimid.SYL waa ururka kaliya ee jiilkasta oo Somaliyeed ay xushmad u hayaan.

Intii uu shirka socday ayaa shacabkii iskugu yimid ay codsadeen iney su'aalo weydiiyaan masuuliyiintii halkaasi iskugu timid.Ugu danbeyn Liibaan ayaa sheegay in maalmaha inagu soo aadan uu ururku shir kan ka weyn uu ku qaban doono gudaha wadanka. muhiimada shirarka iyo ururada Soamliya ayaa intooda badan u muuqda iney uun yahiin sidee dalkii iyo dadkii lagu bad baadiyaa marka laga soo tago fikir kala duwanaanshaha guud ee shacabka dib u dhigay.



Insha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,585,635 unique visits