Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inkasta oo aanu maalmahii tagay hakinay ka hadalka siyaasada Puntland maadaama ay saacadkasta is bed bedeleysay hadane doorashada Puntland ka dhaceysa markaad eegto shacab badan oo degaanadaas ku nool xiiso badan uma lahan.

Federalow xaal qaado hadiiba qaranka qabiil ka awood badan yahay ayaa ka mid ahaa hadal heynta ugu badan ee Puntland taalo, waxeyna wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno qaar badan oo ka mid ah shacabkaas sheegayaan in waxkasta oo ka soo baxa Puntland hadii aysan dowlada dhexe goobjoog ka aheyn uusan qiimo badan yeelan doonin hadii dib loo soo doorto shaqsigii dowladnimada iyo in la helo qaran Soomaaliyeed shacabka Puntland iyo Soomaalidii kale kala fogeeyey oo ay ula jeedaab Cabdiramaan Faroole ay xaalada aysan joogi doonin meesha ay hada joogto waxaana dhici kara in ay dowlada Soomaaliya iskaka gaabsato sida laga dheehan karay fariin uu dhawaan u diray madaxweynaha Soomaaliya oo shacabkaas ku booriyey in ay soo doortaan shaqsi ay la shaqeyn karaan.

Shaqsiyaad reer Puntland ah oo aan baaritaan badan kedib aanu ogaanay in ay ka soo jeedaan beelaha aan Majeerteenka aheyn ayaa inoo xaqiijiyey in magaalada Garoowe lagu hayo ruwaayad ay jilayaan beesha Majeerteen shirkooduna waxuu la mid yahay bey leeyahiin shir mediyaha oo kaliya laga xayeysiinayo uuna dhex boodayo nin ay ku sheegeen Nuradiin oo sida la sheegay wakiil ka ah wakiilka qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya isaguna waa Majeerteen cid kale oo Majeerteen ka koreysa oo shirkaas ka dhacayo Garoowe ee umada Soomaaliyeed looga dhigayo in lagu soo dooranayo hogaan cusub oo ay yeelan doonaan shacabka Puntland ma jirto.

Laakinse marka xaalada dhinacyo badan laga eego wakiilka qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya oo aad u dareensan doorasho ka dhaceysa degaan dhulka Soomaaliya ka mid ah oo aysan goobjoog ka aheyn dowladii dhexe meesha uu gaari karo, isagoo ilaalinayo madax banaanida dalka Soomaaliya waxuu hada ku sugan yahay caasimada Soomaaliya waxeyna u muuqataa in aysan sax wada aheyn warbixino laga yaabo inuu Puntland ka soo diro wakiilka Puntland u jooga Nikols Key.

Isku soo duuboo waxaa macquul ah in maalmaha soo socda dowlada Soomaaliya lagu casuumo Garoowe laakinse qaabka loogu casuumi doono ayey hadiiba ay dhacdo qaar shacabka Soomaaliyeed ee degaanada Puntland ku nool sii saadaaliyeen waxeyna leeyahiin doorashadan ama dowlada dhexe goob joog haka ahaato ama yeysan ka ahaan hadii qaar ka mid ah musharaxiinta oo uu Cabdiraxmaan Faroole ugu horeeyo dib u soo laabtaan shacab reer Puntland ah oo Soomaaliweyn wax la qeybsan doono mustaqbalka dhaw iyo kan fogba lama arki doono.

Isku soo duuboo doorashada Puntland ka socota oo maalmaha yar ka harsan tahay hadii aysan goobjoog ka aheyn dowlada Soomaaliya amaba uusan doorashadaas ku soo bixin ugu yaraan shaqsi wanaajin kara xiriirka shacabkaas kala dhaxeeya dowlada dhexe maadaama shacabku ay rabaan dowlad Soomaaliyeed degaankooduna uu nabad u ahaado waxaa ka maqnaa kaliya hogaamiye wadani ah oo isagoo danta reer Puntland ilaalinaya mida guud ee Soomaaliyeedna aan dayacin.

Mid ka mid ah waxgaradka beelaha Puntland dega ayaa laga soo xigtay isagoo leh "Maamulka Faroole waaba la gartaa xitaa musharaxiinta qurbaha ka timid ee hogaanka Puntland u taagan ma garan waayeen in ay masuuliyiinta qaranka ku casuumaan madasha shirka si ay bilaaw iyo dhamaad ula socdaan qaabka ay u dhaceyso doorashada, mise cudurkii Faroole ee ahaa hebel oo reer hebel ah nama xakumayadii iyo hadaladii aan gooynida iskugu sheegi jirnay sidii in aan nala maqleyn ayaan ku sii soconaa ayuuna isagoo la yaaban xayeysiin badan oo magaalada Garoowe ka socota ku soo qatimay hadalkiisa.?????"

Mid kale oo goobtii ay dooda ka socotay ka agdhawaa ayaa hadalka qaatay waxuuna yiri maxuu hadal idiinka tagayaa iyadaaba colaad iyo nabad mid uun dhinac u dhaceysa waxii ka danbeeya isbuucyada inagu soo aadan hadaan hogaamiye nadiif ah oo bulshadan hogaamiyo la helin riyadii ayaan ku jiri doonaa aween xagey ku danbeeyeen ceelashii shidaalka ee la lahaa Puntland ayaa laga helay waxey u xaniban yahiin amar ka soo baxa dowlada dhexe iyadiina waa laga cararayaa markaas ayaa maalinkasta dadka lagu madadaaliyaa shidaalkii wuu soo dhaw yahay hada urkiisa ayaa lootagay isagiina wuu ku xigaa iyo wax la mid ah.

Inkasta oo aanan halkaan ku sookoobi Karin aragtida shacabka Puntland qaarkood hadane hadiiba ay dhacdo inba wafti ka socda dowlada Soomaaliya lagu casuumo madasha uu shirku ka socdo waxaa laga yabaa in hadane madaxda dowlada magacyo loo kala bixiyo sidii shirkii ka dhacay dhawaan magaalada Jigjiga ee ay iskugu yimaadeen qowmiyadaha kunool dalkaas oo markii wafuuda Soomaalida ah la casuumayey ay soo baxayeen warar sheegaya in aan shirkaas lagu casuumin madaxweynaha Soomaaliya, taasi bedelkeedana la casuumo wafti ay hogaaminayaan shaqsiyaad ka soo jeeda beesha Daarood fikirkaan oo ahaa fikir ku koobnaa tiro yar oo markaas sida la sheegay xal u arkey in qaab qabiil lagu casuumo Faroole iyo Ahmed Madoobe wasiirka boostadana sidaasi isagoo magaca dowlada ku hadlaya lagu casuumo.

Hada ugu danbeyn wafti dowlada ka socda hadiiba ay dhacdo inuu gaaro Garoowe sida hada wakiilka qaramada midoobay uu shirka ugu joogo shaqsi ka soojeeda beesha Majeerteen ayaa waftiga dowlada ee halkaas gaari doonana qaab qabiil telefono loogu diri doonaa iyagaas ayaana sidaas ku tagi doona waa siyaasada cusub ee ay beesha Majeerteen qaranimada Soomaaliya kula dagaaleyso qarniga 21aad ilaa iyo inta laga gaarayo heer ay wadanka madaxweyne Soomaaliyeed ka noqdaan iyagu.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,638,082 unique visits