Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Shacabka iyo maamulkii hore ee Puntland, gudiga doorashada, saraakiisha loo ikmaday amaanka doorashada,dhamaan cuqaasha iyo culimaudiinka Puntland waxaa la dhihi karaa waa dad ku dayasho mudan qaabkii ay u maareeyeen doorashadii Puntland ka dhacday maalmo dhaweyd iyagoo meel iska dhigay fikir kala duwanaantii guud ee ka dhaxeysay ceebna u arkey in iyagoo hal qabiil ah degaankooduna yahay kii ugu horeeyey ee yeesha maamul goboleed in ay isku qabqabsadaan shacabka Soomaaliyeed hortooda amaba beesha caalamka.

Waxaa kale oo amaan mudan shaqsiyaadka reer Puntland ugu jira kooxa diimeedyada sida xarakada Shabaab sida kuwa ku jira buuraha Galkala ee uu hogaaminayo Atam in ay joojiyeen dhaqdhaqaaqii iyo dagaaladii mudadii ay socotay doorashada xili afhayeenka guud ee Shabaab Cali Maxamexd Raage Ali Dheere uu shacab ay ku jirto hooyadii ku xasuuqayey degmada Dayniile taasina waxey muujineysaa heerka garashada kooxa diimeedyada halka uu kala joogo xitaa hadii lagu mideysan yahay hal mabda xumaan iyo samaanba.

Marka laga soo tago qaabkii ay doorashada u dhacday iyo isbedelka cusub waxaa muhiim ah in waxoogaa la iftiimiyo halka ay maanta wax marayaan iyo arimaha siyaasadeed ee ay magaalada Garoowe ka wadaan hogaamiyahii laga guuleystay Faroole iyo inta badan madaxdii maamulkaas.

Inkasta oo ay rajo badan ka muujiyeen amaba sida uu isagu sheegay hogaanka cusub ee Puntland Cabdiwali Gaas uuna hagaajin doono xiriirka Puntland iyo dowlada dhexe hadane Cabdiwali Gaas waxaa Puntland ku heysta arimo aad cajiib u ah taasi oo uu isagu horey u soo sameeyey xiligii uu r/wasaaraha ahaa ee ay xilka la wareegeen dowlada hada jirta.

Cabdiwali Gaas iyo madaxweynahii jiray waqtigii kumeel gaarka xiligaasi uu ahaa r/wasaraha Soomaaliya waxey xilka ka tageen isaga iyo madaxweyne Shariif iyagoo dhamaanba qasnadii dowlada iyo bankiyadii waxii yiilay kala baxay dowlada hada jirtana waxey masuuliyada la wareegtay iyadoo aysan qasnada amaba bankiga dhexe uusan ku jirin one dolar.

Hadaba maanta doorashadii kedib maxaa ka socda Puntland marka laga soo tago dadka Soomaaliyeed oo u muuqda dad iska hayi raac ah siyaasadaha maalmahaas taagan oo kaliyana ku mashquula.magaalada Garoowe oo ah xarunta Puntland iyo magaalada Bosaaso oo ay ku taalo isha dhaqaalaha Puntland amaba dekeda weyn ee ay isticmaalaan Soomaali badan waxaa ka socda arimo badan oo aad muhiim ugu ah bulshada Soomaaliyeed kuwooda ka soo jeeda Puntland.

Tan iyo markii laga guuleystay maamulkii hore waxaa degaanada Puntland ka socda boob aan caadi aheyn waxaana jira sida wararka qaarkood sheegayaan amaba laga yaabaa in ay waayaan goob ay rasmi ahaan ugu shaqeeyaan maamulka cusub, kedib markii ay soo baxeen in ay jiraan warar sheegaya in ay inta badan dhismooyinkii ay ku shaqeyn jireen maamulkii hore ay soo baxeen dad sheeganaya in ay iyagu leeyahiin si ay uga kireeyaan maamulka cusub oo ninka hogaaminaya uu ka soo jeedo gobolka Mudug.

Siyaasadaha xawaaraha ku socday 24 tii saac ee ugu danbeysaysana waxaa ka mid ah baa la leeyahay in dhamaan qasnadahii amaba ilahii dhaqaalaha la boobayo si ay maamulkii hore xilka ugu wareejiyaan kuwa cusub meel aan waxbo oolin arintaan oo u muuqata waxii aad tacbado cun amaba isbedelka aad sheegteen ku meel mara.

Hadaanse dib ugu laabano doorashada ka dhacday Puntland yey dani ugu jirtaa ma Soomaaliweyn mise reer Puntland oo kaliya?

Dadka Soomaaliyeed waxey inta badan marka ay faalo ka bixinayaan siyaasada guud ee dalka wax ku cabiraan qaab nin jecleysi iyo dano qabiil uusan ka marneyn waxaase muhiim ah in aan la xaqirin intey doontaba ha gaartee horumar kasta oo ay gaaraan qeyb bulshada Soomaaliyeed ka mid ah.

Maamulka cusub ee Puntland iyo xiriirka Soomaaliweyn.

Maamulka cusub hada waxbo saadaal kama bixineyno waxaan wax ka qori doonaa mustaqbalka dhaw ficilada uu la imaan doono, waxaase muhiim ah waxa ay Soomaaliweyn ka aaminsanayeen maamulkii kan ka horeeyey in waxoogaa laga taabto.

Inta aanan u guda galin midabkii iyo dhaqanadii aad u foosha xumaa ee lagu kala fogeynayey shacabka Puntland iyo Soomaaliweyn hadane waxey Soomaali badan oo maanta nool wax badan uga halaabeen xog ogaalnimo xumo amaba waxey wax ku taageeraan macquumaad qabyo ah iyo dano qabiil oo ah waxa dalkeenii quruxda badnaa ee Soomaaliya la haray.

Xog ogaalnimada waxaa ka mid ah badanaa waxaa laga been sheegaa taariikh markaasi jirtay oo si kale loo bedelo kedibna jiilka markaas soo koraya laga weeciyo.hadaan tusaale yar u soo qaadano shirarkii ay dibadaha ka abaabuleen maamulkii looga guuleystay doorashada Puntland waxaa jiray in ay hormuud u ahaayeen shir ka dhacay dalka Kanada oo ay leeyahay waxaa gobolada waqooyi, gobolada dhexe siiba Hiiraan lagu xasuuqay qaxooti Ogaadeen ahaa oo laga keenay dhulka Soomaali galbeed ee maanta ku jira gacanta Ethiopia.

Hadaba markii aan muuqaalkaas aragnay ayaan waxaan isku daynay bal baaxada uu la egyahay dhibta iyo xasuuqa ay sheeganayaan dadkii shirkaas abaabulay marka laga soo tago qabiilka markaas la isticmaalayey ee Ogaadeenka ahaa ee shirka ka hadlay maahane maamulkii Puntland ee soo abaabulay ujeedadii uu ka lahaa bal si aan u ogaano waxaana xiriiro kala duwan la sameynay degaankii ay sheegeen in si weyn loogu gumaaday ee Hiiraan waxgarad jooga qaarkood oo si hoose ula socday sidey wax u dhaceen iyo cidii dagaalkaas ku kaldarneyd.

Dagaalka muran kama taagno inuu dhacay waxaase mihiim ah inla fahmo waxii dhaxmaray qabiiladii sida gaarka ah ugu wajahnaa dagaalkaas waxaana jira in hada ka hor magaalada Godey ay ku qabsadeen gudoomiyahii gobolka Hiiraan ee xiligaasi jiray Col Xasan Cabdulle Qalaad iyo odoyaal la socday oo ku sugnaa magaalada Godey qabiilka Ogaadeenka dad ka soo jeeday oo sheeganaya in dadkooda ah ay xasuuqeen beesha uu ka soo jeeday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mr Qalaad ayna iyagu doonayaan in laga hadlo waxii dhacay magdhawna laga siiyo.

Waxaa beesha Ogaadeen loo sheegay in ay la yimaadaan dadkii joogay maalintii ay dhibtu dhacday dhinacii kalena waxaa la doonay dad iyaguna ogaa sidey wax u dhaceen waxaana leyskugu yimid kulan weyn oo dhax maray hadaan si waadax ah afka ugu dhufano beelaha Xawaadle oo markaas wax laga tirsanayey iyo beesha Ogaadeen waxaana la kuda galay doodii.

Hadaan soo koobno nuruxka shirkii markii la sheegay qaabkii ay wax u dhaceen iyo sidii qaxootigaas looga soo amaba bixiyey dhamaan dhulka Hiiraan ee uu u soo nabadgaliyey Ugaaskii beesha sidey qireen in markii la yimid xadka Ethiopia ay xabadii bilaabeen shaqsiyaad ka soo jeeda beesha Ogaadeen sidaasina dhibtii dagaalkii ku bilaawday.

Sida Soomaalida xeer u ahaan jirtay waxey goobtii amaba magaalada Goday ku bixiyeen beesh a Ogaadeen xaalmarin waxeyna waqtigaas nabadoon ka soo jeeda beesha Xawaadle siiyeen gaber gabedhiina waxey maanta heysaa caruur dhawr ah, waxaana mudadaasi kedib aad u wanaagsanaa xiriirka labada beelood hadey noqon laheyd dhinaca gaancsiga, isdhaxgalka, deris wanaaga.

Laakinse waxii ka danbeeyey muuqaalkii lagu soo bandhigay dalka Kanada ee ay soo abaabuleen maamulkii Puntland ee Faroole beelahaas waxaa soo kala dhexgalay mugdi xoogan waxeyna u muuqataa maamulka kumeel gaarka ah ee Jubooyinka ka jira ee Ahmed Madoobe ee xinka iyo qabyaalada lagu dhisay in ugu danbeyn uu ku burburi doono gacanta mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed amaba beeshaani aan kor ku soo xusnay hadaan xal loo helin mugdiga jira.

Ugu danbeyn mudo kedib maamulkii Puntland ee la doonayey inuu nidaamka federalka ka curanaya dalka Soomaaliya tusaale wanaagsan u noqdo waxa ugu yar ee la dhihi karo fidno ayuu Soomaali ku ahaa waana loo baahnaa in ay meesha ka baxaan Faroole iyo qoomkiisa arimahan oo kale ayaa ka mid ahaa, kama hadleyno dowladahii maalinkasta la baadi jiray amaba kalsoonida lagala laabanayey.

Sidaasi daraadeed Soomaaliweyn markasta shacabka Puntland qiimo ayey ugu fadhiyaan laakiinse ma jirin wax ay ka qaban kareen hogaankaas xumaa iyo sida Soomaalida maanta nool loo kala qoqobayey oo aad mooday in qandaraas lagu soo qaatay.

Hadaba maamulkaan cusub ee Puntland ee dhawaan la doortay kama hordhici doono hadii ay ku dadaalaan isku soo dhaweynta Soomaaliweyn iyo wadashaqeyn dhaxmarta dowlada dhexena iyagey dan ugu jirtaa maxaa yeelay waa reer Puntland dadka maalinaksta ku haya federal ayaan dooneynaa weyna ogyahiin in aysan kaligood noqon Karin ayna talada kala dhaxeyso Soomaaliweyn marka ilaa hada Soomaaliweyn wax ka haleysan ma jirto ninkasta tuuladii waligiis lagu yaqiinay gacantiisa ayey ku jirtaa wuuna awoodaa intuu 200 oo qof meel iskugu keeno yiraahdo maamul goboleed hebel ayaa ley dhahaa dowlad dhexena ma aqoonsani, taasina Mahan wax dalka iyo dadka dan u ah.

Sidaas daraadeed Soomaaliweyn midnimadeeda af kaliya uma baahna iyo idaacado laga hadlo waa la ogyahay Soomaalidu waligeed wey wada jirtay weyna kala jirtay laakinse waxaa jiray wax ka dhaxeeyey oo isku hayey waana dowlad dhexe hadii aysan taasi jirina waxa kale oo laga hadlayo ayaanba la ogeyn.

Sidoo kale hadaan xal loo helin hogaamiye gobol oo la dabaaqtamaya madaxweyne Soomaaliyeed iyaduna waa karaamad daro waayo aduunyadan aanu ku noolnahay wadamada horumaray hogaamiyaasha gobolada waxey shaqadoodu tahay wax ka qabashada arimaha degaanada ay maamulaan waxii xiriirka dibada ah waxaa ku shaqo leh dowlada dhexe maantana waxaan mareynaa wakiil Qaramada Midoobay ka socda ayaa muwaadin Soomaaliyeed oo sheeganaya maamul goboleed leh waa muhiim in la wanaajiyo xiriirka dowlada dhexe iyo maamul hebel meeshaasi waxaa ku bahdilan dhamaan hadba masuuliyiinta markaasi jirta, kuwa sheeganaya maamulada gobolada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo u muuqda kuwo ay aduunyadu u soo shaqo tagtay waayo dalka haduu nabad ahaan lahaa mushaarkaan xad dhaafka ah ee la siinayo wakiiladan ka socda IGAD, Qaramada Midoobay, Midowga Africa dhamaan waxaani waa mashquuc laakinse dadka la dabar gooynayo waa Soomaali oo siyaabaha kala duwan loo gumaadayo madax banaanida la sheego iyo calankaan buluga ahne waa iska magac u yaal maadaama aysanba jirin wax talo ah oo gacanteena ku jiro.

Ogoow Soomaaliyey dowladkasta marka ay timaado waxaa ku adag dib u heshiisiin hadii Soomaalidu iyaga wada hadlaane waxaa macquul ah kuwo is mooda in lagu xad gudbay in iyaga garta lagu gooyo sidan kor ku soo sheegnay oo beesha Ogaadeen oo masuul reer Hiiraan ah inta magaalada Goday ku qabsadeen markii la garamay laga gar helay halkaasne gaber ku bixiyeen iyagoo aan waliba lagu dhex jirin oo kaligood si toos ah u wada hadlaya. maanta durbaanka qabiilka waxaa qeyb ka ah ninka Kilinka 5aad madaxda ka ah.

Waxaan qormadeena ku soo gaabineynaa ma jirto Soomaali is dagaalsan maalinkasta ayey kala guursadaan, is dhalaan, wax wada cunaan waa muhiim in danaha shaqsiga laga daayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed hogaamiyahii arimaha bulshada ku fashilmana uu shacabka ka horleexdo.

Iha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,588,836 unique visits