Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Shacabka iyo madaxda maamulka Soomaaliland oo ugu danbeyn is tusiyey in aan laga maarmi karin Soomaaliweyn iyo xaalada siyaasadeed ee degaanadaas oo sidii hore aad uga dhaw.

Inkasta oo ay wali jiraan shaqsiyaad bulshada Soomaaliland iskaka dhigaya iney doonayaan madax banaani hadane sida lagu helayo warar sugan Soomaaliland iyoshacabkeedu waa yimideen 2016-ka doorashada soo socota ee ka dhici doonta Soomaaliya marka uu dhamaado xukumadan hada jirta waqtigeeda waxii ka danbeeya dalka Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco isla xisaabtan buuxa oo aad uga duwan kii 1960-kii.

Dowladaha Turkiga iyo Engiriiska ayaa siweyn xaalada u soo afjaray sida muuqata Soomaaliland ka mid noqoshada Soomaaliweyn cid ka hortaagneed shacabkooda ma jirin marka laga reebo shaqsiyaad xilal ka haya degaanadaas oo bulshada iskaka dhigaya in ay xakumaan dal ka go'ay Soomaaliweyn laakinse waxey wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Isaaq sheegayaan in ay arintaan soo dedejisay kedib markii la ogaaday in ay shacabka ku nool gobolka Owdal iyo inta badan gobolada Sool, Sanaag iyo waliba boqolkiiba 80 shacabka ku nool gobolka Togdheer in ay doonayaan Soomaaliweyn.

Isku soo duuboo aduunyadu waxey hada ogaatay cida dooneysa gooyni isku taag in ay ahaayeen kaliya siyaasiyiinta beesha Isaaq laakisne shacabku ay doonayaan Soomaaliweyn waana meeshaas meesh au uka yimid tanaasulka ugu badan ayna dowladaha arinatan dhaxdhaxaadinaya ka heleen xogta dhabta ah.

Waliba sharuudo adag ayaa la hordhigay siyaasiyiinta Soomaaliland oo ah in aysan diidi karin meelkasta oo ay dowalda Soomaaliya kul ahadlayaan oo uu shir ka dhacayo.

La soco wararkeena danbe iyo arimaha dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hadba heer soo maray ilaa ay maanta soo gaareen wada hadaladu in loo gudbo dhismaha gudiyo arinta hoos u maareeyo ka hor inta aan shacabka Soomaaliyeed loo soo bandhigin natiijada dhabta ah arintaan oo ay codsadeen waftigii ka socday Somaliland.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.52 seconds
14,633,339 unique visits