Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 1
loriwe3

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wasiirka warfaafinta Hiiraan State oo soo dhaweeyey tartanka uu galayo Prof Warfaa

Wararka MaantaTalaado 1,Mach 2011(HSOL)-Wasiirka w/warfaafinta hidaha iyo dhaqanka Hiiraan State Ambassdor C/qadir Abdulle Xooshow oo soo dhaweeyey musharaxa madaxweynimada Somaliya Prof Ahmed M Warfaa.

Iyadoo ay shacabka Somaliyeed ay maalinba maalinta ka danbeysa ay soo dhaweynayaan ninka loogu yeero madaxweynaha mustaqbalka Somaliya 2011 Prof Ahmed Muumin Warfaa ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey inta badan masuuliyiinta dowlad goboleedka Hiiraan State. wasiirka warfaafinta dowald goboleedka Hiiraan State Ambassdor Xoshow ayaa sheegay in maamulkiisu aad u soo dhaweynayo Prof Warfaa oo ah buu yiri muwaadin Somaliyeed oo howshaasi dadnimadeedii leh hadey noqon laheyd dhinaca aqoonta, diinta, dhaqanka iyo wada noolaanshaha umada Somaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Hiiraan iyo guud ahaan Somaliyaba uu magac iyo maamuus ku dhex leeyahay Prof Warfaa mar hadii shacab Soamliyeed oo isku tagay garteen iney ku dhiiragaliyaan inuu u istaago hogaanka dalka ugu sareeya si dalka iyo dadka Somaliyeed loo badbaadiyo maamulka HS amaba ka wasiir ahaan aad ayaanu u soo dhaweyneynaa musharaxa ayuu yiri.wasiirka ayaa sheegay in maamulka Hiiraan State wakiil ka yahay shacabka Hiiraan oo dhan ayna soo dhaweynayaan shaqsi kasta oo reer Hiiran ah oo damacsiyaasadeed uu ku jiro.

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in Prof Warfaa ahaa aas aasahii jaamacada Hiiraan sidoo kale Profku waxuu ahaa ninkii curiyey amaba soo jeediyey in la helo maamul goboleed ay yeeshaan shacabka Hiiraan iyo Somaliweynba si nabadu ugu yaraan ugu soo bilaabato degaankasta oo Somaliyeed. waxuuna sheegay in arintaasi ay ka faai'deysteen shacabka Hiiraan ayna sameyteen maamul goboleedka Hiiraan State ee Somalia.
Ma ahan wasiirka warfaafinta HS oo kaliya shaqsiyaadka sida weyn u soo dhaweeyey musharaxa waxaa si taasi la mid ah u soo dhaweeyey ilaa 3 madaxweyne dowlad goboleed ka jira dalkaasi Somaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Hiiraan State Dr Mohamud Abdi Gaab oo isaga iyo Madaxweynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa ay dhawaantaan ku wada hadleen telefon una hambalyeeyey musharaxa.

mar aanu u guur galnay taageerada ay maamulka Hiiraan State amaba shacabku u hayaan musharaxa ayaa waxaa la dhihi karaa waa mid muhiimadeeda leh, waayo qofku si kasta umadu ha u jeclaato laakin haduusan taageero dadkiisa amaba degaankii uu ka soo jeeday ka heysan wax micno ah ma sameyneyso marka tani waxey muujineysaa sida dowald goboleedka Hiiraan State ay u garab taagan tahay murashaxa oo ilaa madaxweynahii maamulka ilaa golahii wasiirda iyo shacabkiiba ay u soo dhaweeyeen.

Ugu danbeyn wasiirka warfaafinta hidaha iyo dhaqanka Hiiraan State ambassdor Xooshow ayaa ugu baaqay shacabka Somaliyeed iney ka faa'ideystaan kacdoonkaan ka jira aduunyada ee isbedel doonka ah una jeestaan dantooda sidii ay qaranimadoodii ka luntay u soo ceshan lahaayeen. isagoo Somalida u booriyey in shacabku ay xaqiiqda iyo waxii la soo maray dib u jaleecaan doortaane hogaan dadka iyo dalka wax ku soo kordhin kara si looga hor tago badahan maalinkasta Sunta lagu shubayo iyo shacabkaan ku dhibaateysan meelo badan oo dunida ka mid ah.

Wasiir Xoshow ayaa shacabka Somaliyeed iyo kuwa Hiiraan Stateba u rajeyey guul iyo horumar iyo derisnimo wanaagsan shacabkuna is cafiyaan hada waxii ka danbeeya isagoo hadalkiisa ku soo qatimay inuu rajo ka qabo in hogaanka dalka loo doorto Prof Ahmed M Warfaa waa hadii Somali caafimaad qabto oo xumaha iyo samanta kala taqaano amaba xildhibaano caafimaad qabo loo helo dalka.

Prof Warfaa oo maalintii shaleyto aheyd ka dhoofay magaalada Miineapolis ayaa caawa ku aadan magaalada Nairobi. warar horu dhac ahne waxey sheegayaan in soo dhaweynta Prof Warfaa iyo imaatinkiisa iney dowlada Kenya ka warheyso kedib markii ay u arkeen inuu yahay shaqsiga ugu jaaniska fiican inta hada saxada siyaasada ku jirta ee dooneysa iney qabato xilkaasi.

Profka ayaa safarkiisan waxuu qaadan doonaa ilaa bil amaba 2 bilood kedibna waxey si buuxda u gali doonaan ololahooda isaga iyo aqoonyahano Somaliyeed oo ku fikir ah oo ay wada doonayaan iney dalka iyo dadka wax u qabtaan.waxaa la xaqiijiyey hadii Prof Warfaa iyo aqoonyahanada ay isku fikirka yahiin ku guuleystaan hogaanka dalka in ay noloshu wada gaari doonto shacabka Somaliyeed oo ay kala qoqobeen 20kii sano ee ina dhaaftay hogaamiye kooxeedyo, wadaado xukun doon ah iyo shaqsiyad dantooda oo kaliya ilaashanaya taasi oo meesha ka saartay dantii guud.



Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.00 seconds
14,667,104 unique visits