Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Ciidamada xooga dalka Soomaaliya qeybta Hiiraan oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa gabi ahaanba kooxda Shabaab ka jaray wadooyin muhiim u ahaa taasi oo u suuro gelin weysay in ay si sahlan uga dagaalamaan magaalada Bulo Burde oo aheyd xarunta ugu weyn ee ay ku xisaabtamayeen dhawrkii sano ee ugu danbeysay.

Magaalada Bulo Burde oo aysan shacabkoodu waayadan arag madaxda qaranka maadaama ay kooxda Shabaab gacanta ugu jirtay ayaa laga yaabaa in ay dhawaan gaaraan wafti ka socda dowlada Soomaaliya maadaama ay magaaladu aheyd magaalo istiraatiijig ah.

Inkasta oo ay saacadahii ugu danbeeyey naga soo gaarayeen warar kala duwan xarunta Villa Soomaaliya hadane waxey u badan tahay baa la leeyahay in ay madaxda qaranku booqdaan meelaha la xoreeyey waftina u dir doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyey isag aiyo waftigiisa dalka Japan iyo r/wasaare Cabdiweli oo dalka deg deg ugu soo laabtay kedib shir uu maalmahii tagay kula lahaa madax kala duwan dalka Ethiopia ayey u badan tahay in ay dhawaan siyaabo kala duwan qeybo badan oo dalka ka mid ah ku tegi doonaan safaro.

Inkasta oo ay shacabka magaalada Bulo Burde ka hiiliyeen kooxda SHabaab oo ay magaalada ku cidleeyeen hadane intooda badan waxey ku dhuumaaleysanayaan dhulka beeraleyda ah amaba tuulooyinka ku teedsan magaalada.

Wararkii ugu danbeeyey oo aanu siyaabo kala duwan ku heleyno ayaa sheegaya in ciidamadu u jiheysteen magaalada Jalalaqsi oo ay kaka beegan yahiin dhawr jiho. kooxda Shabaab ayaa wali ku xoogan degmada Diinsoor oo ah magaalada ku xigtay xaga awooda magaalada Bulo Burde.

Walow aanan dooneyn in aan ka hordhacno qidada dagaalka ee ciidamada hadane waxaad moodaa in aan walito la wiiqin awoodii kooxda Shabaab maadaama aysan jirin wax hub ah oo laga qabsaday walow ay hada badankood isku qeybiyeen 4 magaalo oo ay ka mid yahiin Mesekawaay, Ceeldheer, Ceelbuur iyo Xarardheere.

Sidoo kale saraakiil badan oo kooxda ka tirsan ayaa u talaabay maalmahii ugu danbeeyey gobolada waqooyi iyo caasimada Soomaaliya ee Mogdishu iyo magaalada Burco oo ka mid ah meelaha la sheego in ay ku nool yahiin inta badan caruurta iyo xaasaska madaxda Shabaab oo uu ugu horeeyo Ahmed Godane.

Isku soo duuboo dagaalka qorsheysan ee lagu hayo kooxda Shabaab iyo magaalooyinka ay iskaka carareen ka sokow waa muhiim in hanaanka dowladnimo uu ku baaho dalka oo dhan si shacabka loo samata bixiyo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,581,402 unique visits