Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Madaxweynaha dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti tan iyo markii ay ciido ka socda dalka Jabouti ay gaareen gudaha Soomaaliya si ay u garab istaagaaan walaalahooda Soomaaliyeed magacyo ay ka mid yahiin Wiil-Hoog, Geesiga Soomnaali u soo baxay qarnigaan iyo kuwo kale oo badana looga yaqaano Hiiraan oo ah goobta ay ciidamada walaalaha Jabouti iyo kuwa dowlada Soomaaliya qeybta Hiiraan dagaalka ka wadaan ayaa qudbad muhiim ah oo uu ujeediyey shacabka Jabouti ku sheegay in ay ciidamada naftood u huray shacabka Soomaaliyeed ee Jabouti oo dhawr habeen ka hor fashiliyey dhamaana madaxa ka toogtay koox weerar isnidaamin ah ku soo qaaday goob ay ciidamadu difaac kaka jireen ayaa asartii ku dhimatay mar uu ka hadlayey sheegay iney yahiin shuhadaa waaba yahiine.

Madaxweyne Gelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in uu dagaalka sii socon doono inta ay Soomaaliya ka noqoneyso dal jira oo ay shacabkiisu heystaan nolol ka wanaagsan mida hada ka jirta.

Marka laga soo tago hadalka madaxweynaha Jabouti hadane marka laga hadlayo guud ahaan ciidamada Amsiom ee jooga gudaha Soomaaliya waxey beesha caalamka aad u amaantay sida ay dalkaas yar ee ku yaala bariga Africa kuna nool yahiin shacab Soomaaliyeed oo loogu yeero reer Jabouti uga go'an tahay in uu dalka Soomaaliya noqdo wadan jira.

Inkasta oo aysan taageerada ay ciidamada jabouti ku heystaan degaanada ay dalkka Soomaaliya ka joogaan amaba Hiiraan ee dhinaca shacabka ah aysan ku heysan kuwa kale midowga Africa hadane dadku waa indho ku garaadle oo qofka u hiilinaya iyo kan dano siyaasadeed ka leh wey kala garanayaan.

Marka aad booqato goobaha ay wax ku soo qoraan African Unionka iyo Qaramada Midoobay amaba laga hadlayo ciidamada Amisom waxaa siweyn loogu amaanaa ciidamada Jabouti waliba dowlado waaweyn oo African ah waxaa ka yaabiyey sida ay u abaabulan yahiin amaba u qalabeysan yahiin ciidamada Jabouti.

Isku soo duuboo qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Bulo Burde oo loo adeegsaday gari nooca Xaajiyo qamsiinta loo yaqaano ayey maleeshiyada Shabaab ku farsameeyeen gudaha magaalada iyagoo gaariga soo riixay ilaa markii danbe ay ciidamada naftood hurayaasha Jabouti iyo kuwa dowlada Soomaaliya ka hortagaan taasi oo u suuro geliweysay Maleeshiyada Shabaab iney galaan amaba qarxiyaan Hotel Camalow oo ku yaala bartamaha magaalada Bulo Burde.

Markii uu qaraxu dhacay ayaa ciidamadii ku dhawaacmay waxaa gurmad deg deg ah loogu qaaday caasimada SOomaaliya waxaana halkaas ku booqday oo amaan iyo ducoba iskugfu taray madaxda qaranka sida Madaxweynaha Soomaaliya, R/wasaaraha, wakiilka Midowga Africa halka dhamaan madaxa laga wada toogtay koxdii qaraxaha fulisay dhawr ka dhaawacmeyne ay markii danbe sida warar sugan laguhelayo ku nafwaayeen mid ka mid ah xaafaha magaalada Bulo Burde oo ay ku dhuumaaleysanayeen maalintii uu qaraxu dhacay iyo habeenkiika danbeysay.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.44 seconds
14,667,429 unique visits