Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Inta aanan u guda gelin duulaan xoogan oo ku soo wajahan maamulka Puntland kaasi oo ay iska kaashanayaan inta badan madaxda maamulka gobolada waqooyi amaba Soomaaliland iyo hogaamiyaha Shabaab Godane hadane warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya abaabulka dagaalkaas.

Sida warar sugan lagu helayo ujeedada dagaalka ay hada degaanada Puntland ka baabulayaan Maamulka Soomaaliland iyo Shabaab ayaa nuxurkiisa rasmiga ah lagu sheegay sidii albaabada leyskugu dhufan lahaa dekeda Boosaaso waana dagaal la siyaasadeeyey marka la eego qaabka uu u abaabulan yahay.

Laakinse marka xaalada dhinacyo badan laga eego dagaalka waxaa wajigiisa 1aad ka bilaabi doona buuraha Koolis kooxda Shabaab ciidamada Maamulka Soomaalilana waxuu qorshahoodu yahay in ay gaaraan meel u muuqata magaalada Garoowe oo ay sheegaan madaxda Soomaaliland iney tahay xuduudii uu lalahaan jiray koofurta Soomaaliya maamulkii loogu yeeri jiray British Somaliland.

Xuduud ka hadalkeeda marka Soomaaliland loo aqoonsado dal madax banaan ayey waqtigeeda ku haboon tahay ujeedada hada laga leeyahay arintaas ayaa lagu sheegay sidii ay u dhiiragelin lahaayeen kooxaha xagjirka ah ee dagaalka ka wada koofurta Soomaaliya uu hogaamiyo Godane oo ay qaraabo yahiin madaxa maamulka Soomaaliland Siilaanyo iyo madaxda xisbiyada mucaaridka.

Godane oo la sheego inuu yahay shaqsi aad uga aqli badan raga ay kooxda Shabaab iyo Alqacida iskula jiraan ee Soomaalida ah waxuu ku guuleystay inuu degaanada uu ka soo jeedo ka ilaaliyo fowdo caruurta ku nool halkaasne ay wax bartaan kuwa koofurta Soomaaliyana gacmaha iyo lugaha si isdhaaf ah uga gooyo noloshana udiido waana ujeedada ugu weyn ee hada Puntland oo ah degaan nabdoon marka loo eego koofurta Soomaaliya colaadii koofurta loogu soo weecinayo kedib culeysyo badan oo kooxda ku heysta inta badan koofurta Soomaaliya.

Hayeeshee waxey u muuqataa hadii uu degaal u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland qarxo inuu si lama filaan ah u soo deg degi doono jiritaanka aan cagaha badneyn ee maamulka Ahmed Siilaanyo arimo badan oo isbiirsaday awadeed.

Waa macquul Soomaali badan oo qabiilku uga weyn yahay maslaxada guud ee dalka in ay u arkaan qoraalkaan mid lagu xayeysiinayo maamulka Puntland,laakinse xaqiiqadii shacabka Soomaaliland iyo kuwa Puntland waa dad Soomaali ah dhamaantoodna doonaya nolol iyo nabad ay ku caweeyaan hayeeshee Ahmed Siilaanyo iyo Godane hadafkooda iyo siyaasada ay hada ku midoobeen kama turjumeyso maslaxo dal iyo mid dad intaba hadii xaalada laga abaaro meesha ay hada joogto waxey arinta ku danbeyn doontaa in ay dowlada federalka waxii awoodeeda ah iskugu geyn doonto sidii ay taageero dhinackasta leh ugu fidin laheyd maamulka Puntland sidii loog ahortagi lahaa in ay degaanadaas ka dhacdo fowdo maadaama uu hada wadanku u muuqdo mid ka soo gabmaya colaadii faraha badneyd marka la eego dhawrkii sano ee ugu danbeysay.

Isku soo duuboo shacabka Puntland oo hada u muuqda in ay hogaaminayaan rag dhalinyaro ah oo wajiyo cusub ah siweyna ula jaanqaadaya isbedelka siyaasadeed ee dalka iyo caalamka ka curtay ayaa durbaba ku dhawaaqay in ay diyaar u yahiin sidii ay xiriir dhaw ula yeelan lahaayeen dowlada dhexe maadaama ay ka mid tahay Puntland federalka arintaas oo welwel iyo jahwareer siyaasadeed ku abuuri doonta maamulka Siilaanyo maadaama hadii uu dagaal dhax maro Puntland iyo Soomaaliland uusan shaki ku jirin in ay dowlada Soomaaliya waxii awoodeeda ah iskugu geyn doonto amaba taageri doonto maamulka Puntland.

Hadaba waxaan dhawaan bulshada Soomaaliyeed ee nabada jecel u soo bandhigi doonaa wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya buuraha Galgala oo ay dagaal yahano hadaan dhinaca cirka laga weerarin ay adkaan doonto in ay Puntland kaliya wax ka qabato ay ku sii qulqulayeen bilahii ugu danbeeyey iyagoo garab ka helaya......

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,633,533 unique visits