Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Hadaad maqli jirtay in uu dalka Soomaaliya ka jiray ururo huwan magacyo diin laga soo bilaabo 2006 ilaa 2013 kuwaasi oo ay bulshada marba marka ka danbeysa maqli jireen magacyo ay ka mid yahiin maxkamadahii Islaamiga iyagoona ugu danbeyn uga xuubsiibtay Shabaab kedibna Alqaacida hadane waxaa muhiim ah bal in aanu bulshada u soo koobno wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Shabaabkii dhawaan lagala wareegay degaano badan oo dalka ka mid ah gaar ahaan kwuii Hiiraan ku sugnaa oo ay la soo deristay xaalad adag oo aan marnaba si sahlan looga dhaadhicin karin qof aan xog ogaal u aheyn jabka ku dhacay kooxda iyo sida uu ilaah ugu beeray walwal iyo shaki ay iska qabaan iyaga dhexdooda.

Tan iyo markii kooxda lagala wareegay magaaloyinka Bulo Burde, Garbaharey, Qoryooley iyo magaalooyin kale oo badan waxaa ku dhacay fashil xoogan waxeyna lumiyeen tiradii yareyd ee shacabka aheyd ee ay awalba xooga ay ku heysteen taagradana ka heli jireen, kedib markii dhawaan goobahii laga qabsaday kooxda qaarkood laga soo saaray waxyaabaha maanka dooriya oo ay isticmaali jireen sida Qamriga, Khaadka, Sigaarka iyo goobahii ay dumarka ku kufsan jireen taasi oo shaki xoogan ku beertay shacabka qaarkiis.

Shabaab dagaalka xabada ah ee ay ku hayaan ciidamada xooga dalka oo garabsanaya kuwa Amsiom waxaa uga daran maanta luminta ay lumiyeen kalsoonida shacabka taasi oo ay waayeen macluumaad badan oo ay horey uga heli jireen qaar ka mid ah bulshada.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Shabaabkii firxadka ahaa ee dhawaan laga saaray magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan sida Bulo Burde, Maxaas iyo Moqokori ayaa sheegaya in ay u kala jabeen dhawr kooxood ayna isku ugaarsanayaan dhulka miyiga ah iyagoo labo garab u kala jaban ayey kala qaateen labo fikradood oo iska soo horjeeda.

Koox waxaa ku adkaatay noloshii oo waxey waayeen wax taakuleyn amaba waxaa telefoonadii ka dansaday shaqsiyaad ay isku haleynayeen ayna u dhiibteen waxoogaa dhaqaalo ah intii aan magaalooyinkaas laga saarin waana tiro yar waxeyna ku soo aruureen kaliya iyagoo dhulka miyiga ah ku rafaadsan iney shacabkii ay yaqaaneen ka wacaan magaalooyinka ayna dhahaan waxaan kala jareynaa wadooyinka ay sahaydu maraan iyo wax la mid ah amaba ceelasha ay dadku biyaha ka cabaan ayaan gubeynaa iyo wax la mid ah, waxaana hada siweyn gudaha dalka Soomaaliya looga arkaa Shabaab iyo xulifadooda Alqaacida kuwo dagaal kula jria jiritaanka umada Soomaaliyeed ee aysan aheyn koox diin shaqo ku leh waa hadal heynta ugu badan ee maanta taala miyi iyo magaalo taasi oo rajadii kooxda god dheer ku sii riday.

Laakinse waxaa iyagaas ugaarsi ku haya koox kale oo aaminsan in waxyaabaha fashiliyey Shabaabka guud ay ugu wacneyd qilaafkii dhawrsano ka hor ku bilaabmay hogaanka sare waxii mudadaas ka danbeeyeyna aysan xarakadu ka dhax jirin wax wada shaqeyn ah sidaasi daraadeedna uu ruuxkasta iska sameynayey waxii uu doono ilaa qaar iyagii ka mid ah markii ay talo wanaagsan keenaan la dilo laguna tilmaamo iney jaajuusiin yahiin waana tirada ugu badan ee telefonadooda ka dansanaya kuwa kale doonaya in shacabka lagu hayo argagaxa iyo hanjabaada joogtada ha ,meeshii ay ku jiraane ku ugaarsanaya amaba ku wargelinaya dadka taageersan dowlada kedibna sidaasi loogu tago goobaha ay ku dhumaaleysanayaan.

Dhibaatada ugu weyn ee Shabaab badan ka heysata madaxdooda waa inuusan jirin is aamin dhexdooda ah qaarkoodna waa macquul in uu dagaalkoodu ku soo aruuro telefondiroow iyo hanjabaad ay shacabka u hanjabaan amaba ay maleegaan qaraxyo ka dhaca meelaha qaarkood laakinse kooxda badankood hada waa naf lacaari.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamo Shabaab ah oo doonayey iney ku dhuuntaan dhul buuraley ah oo lagu magacaabo Yisooman oo aysan jirin cid ka warqabtay ay sheegeen koox kale oo Shabaab ah in ay halkaas ku jiraan kedibna ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ee Hiil Walaal dagaal ku qaadeen.

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno magaalada Bulo Burde iyo nawaaxigeedana waxey sheegayaan in dhamaan intooda badan laga warhayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan amaba ay doonayaan iney gawaarida gaadiidka uu shacabku leeyahay wadada u galaan si ay u dhacaan waxa saaran maadaama ay noloshii ay ku heysan jireen magaalooyinka aysan hada muuqan hayeeshee kama hordhaceyno macluumadka iyo abaabulka ciidanka ku dabajira goobaha ay joogaan.

Isku soo duuboo ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo dhawaan la wareegay magaalada Qoryeeley oo aheyd magaalo muhim ah ayaa qarka u saaran iney Shabaab iyo alqaacida kala wareegaan magaalo xeebeedka Baraawe oo ay ku sugan yahiin Ajaaniibta ugu badan ee ku sugan gudaha Soomaaliya marka laga reebo dhulka buuraleyda ah ee Galgala oo ku yaala degaanada Puntland oo ay dhawaan siweyn u galeen ciidamo iyo saraakiil kala duwan.

Marka xaalada dhinacyo badan laga abaaro ciidamada dowlada Soomaaliya ayaad moodaa iney hada shacabka kasbanayaan marka loo eego kuwa Shabaab ee ku soo aruuray sida muuqata qaraxyo kooban iyo telefon shacabka looga hanjabo waana calaamadaha lagu yaqaano koox lagu tuhmayey awood marka ay fashilanto si ay shacabka u maqashiiyaan iney wali yahiin jiraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,415 unique visits