Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Muqdisho:Ra段isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Safiirka Djabouti u fadhiya dalka Soomaaliya, iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo BuuloBurde.

Safarka ay r/wasaare Cabdiweli iyo waftigiisa ku tageen magaalada Bulo Burde ayaa ahaa mid muhiimadiisa leh maadaama aysan shacabka magaalada Bulo Burde mudo fog arag madax ka socota dowlada dhexe tan iyo markii la dhisay amaba uu dalku yeeshay dowlad rasmi ah.

Tan iyo markii kooxda Shabaab xoog looga saaray magaalooyin fara badan oo ay maamuli jireen haatana ay ka taliso amaba ay gacanta ku heyso dowlada ayaa hadane waxaa siweyn isku soo tarayey xiriirka shacabka magaalada Bulo Burde kala dhaxeeya ciidamada xooga dalka Soomaaliya qeybta Hiiraan oo loogu yeero guutada 10aad iyo kuwa Amsiom ee Hiil Walaal waxeyna shacabka magaalada Bulo Burde muujiyeen sida ay u doonayaan in uu wadankoodu ka hana qaado dowlad awood leh oo hanata amaanka dalka.

Ra段isul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degamada Buulo Burde oo ka mid ah degmooyinkii dhawaan ciidanka Dowlada iyo kuwo AMISOM ay ka xoreeyeen kooxaha nabad diidka ah.Ugu horayn Ra段isul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM sida geesiniamda leh oo ay uga xoreeyeeen kooxaha nabad diidka ah, isagoona ka tacsiyeeyey ciidamadii iyo shacabkii ku dhintay qaraxii ka dhacay meel u muuqata hotel Camalow oo ku yaal degmada Buulo Burde.

展axaan aad ugu faraxsanahay saaka in ay Buulo Burde nasiib u yeelatay in safarkii koowaad oo dalka gudihiisa meel ka baxsan Muqdisho aan ku tago inaan ku imaado Degmada Buulo Burde. Waxaan halkaan mar labaad tacsi uga dirayaa qooysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii iyo ciidamadii ku dhintay qaraxii ismiidamnita ahaa ee lala beegsaday Hoteel ay daganaayeen,蚤yuu yiri Ra段isul Wasaare Cabdiweli oo dhanka kalana xusay in Buulo Burde ay ahmiyad siyaasadeed iyo mid dhaqaale u leedahay dowladda Soomaaliya, in maanta ay noqoto meel xor ahna ay macno weyn ugu fadhido bulsha weynta Soomaaliyeed- isagoo hadalkiisa sii watana waxuu yiri.

適ooxaha Nabad diidka ah waa qaran dumis, waxayna habaabiyeen dhalin yaradii Soomaaliyeed, waxaana shacabka Buulo Burde uga fadhinaa in ay hormuud u noqdaan sidii Shabaab looga ciribtiri lahaa meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan gobolka. Maanta wixii ka danbeeyana Buulo Burde waxay heli doontaa adeegyada dowlada
ayuu yiri Ra段isul Wasaaruhu oo wajigiisa laga dheehan karay farxad iyo wadaniyad Soomaalinimo maadaama ay shacabkii uu halkaas kula kulmay u muujiyeen inuu yahay r/wasaarahii dalkooda.

Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka ee Buulo Burde ayaa sheegay in ay ku jireen lixdii sano ee la soo dhaafay cadaadis, jirdil, caburin iyo dilal, wixii ka danbeeyey 12 bishii horana ay dareemeen in ay heleen xorriyad, Sidoo kale Odoyaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday dowladda in ay u soo celiso adeegyadii asaasiga u ahaa nolosha bani誕adamka, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo in loo sameeyo ciidan Boolis iyo Nabadsugid ah si amaanka wax weyn looga qabto. Waxaana isla goobta ka hadlay Wasiirka Amniga Qaranka mudne Cabdikariin Xusein Guuled oo sheegay in si deg deg ah dib loogu howl galin doono saldhigyadii ciidanka Booliska iyo Nabadsugida.

Wasiirka Amaanka qaranka mudane Cabdikariim Xussen Guled oo ay isaga qudhiisu magaalada Bulo Burde ugu danbeysay mar hore ayaa siweyn ugu faraxsanaa soo dhaweynta iyo xilkasnimada ay muujiyeen shacabka magaalada Bulo Burde maadaama uu horey dhawr jeer booqasho ugu tagay magaaladii uu ku barbaaray ee Belet Weyne xiligii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha waxuuna shirkii ay maanta yeesheen waftiga r/wasaaraha, odoyaasha magaalada Bulo Burde iyo saraakiisha Hiil-Walaal ahaa mid aad loogu riyaaqay maadaama ay shacabka Hiiraan qiimo ugu fadhiso qaranimada Soomaaliya.

Marka laga soo tago waftiga r/wasaaraha waxaa xusid mudan in uu gudoomiyaha gobolka Hiiraan mr Laqanyo ayey warar isa soo taraya sheegayaan inuu hogaaminayey ciidamo sida la sheegay loo diyaariyey iney xoreeyaan magaalooyinka Halgan, Buurweyn iyo Jalalaqsi isagoona soo gabo gabeeyey abaabulkii ugu danbeeyey ee howlgaladaas kedib markii ay kooxda Shabaab oo looga adkaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa bilaabeen iney shacabka u galaan jidka.

Dhawaan ayey aheyd markii sargaal sare oo ka tirsan Q Midoobay sheegay inay soo muuqaneyso rajadii dowladnimo mar hadii ay dowlada Soomaaliya la wareegtay buu yiri magaalada Bulo Burde oo kala barta Raas-Casyr ilaa Raaskaambooni oo hadii aad Buuntada Bulo Burde 10 tilaabo aad uga baxdo dhinaca koofurta waxaad jirtaa Raaskaambooni hadii aad 10 tilaabo dhinaca waqooyi uga baxdana waxaad jirtaa amaba laguugu tiriyaa inaad degen tahay Raascaseyr sidaas ayaana loo yiraahdaa magaalada Bulo Burde waa halbowlaha dalka.

Booqashadii Sh/dhexe

Sidoo kale Ra段isul Wasaraha Soomaaliya iyo waftigiisa ayaa maanta duhurkii booqasho ku yimid magaalada Jowhar oo ah caasimada gobolka Shabeelada Dhexe halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu hor kacayo maamulka gobolku.

Ra段isul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Maamulka Gobolka iyo Dhalinyarada, waxaana Ra段isul Wasaaruhu sheegay in xukuumadiisu dadaal dheeri ah ku bixin doonto sidii shacabka ku dhaqan Degmada Jowhar u heli lahaayeen wixii dowlada uga maqan.

店ukuumadu waa idinla joogtay, waxaa maanta idinku cusub waa imaatinkayga, waxaana marar badan isaga soo daba noqoday gobolka Wasiiro ka tirsan Xukuumadayda, oo ugu horeeyo Wasiirka Beeraha oo ku howlanaa sidii dayactir loogu samayn lahaa Kanaalada waraabiya Beeraha, taas oo runtii ah talaabo wanaagsan oo ka turjumaysa himilooyinka Xukuumadda, waana wax lagu farxo ah in 23 sano kadib ay dowladu isu xilqaanto wax ka qabashada Kanaaladaas
ayuu yiri RW Cabdiweli oo dhanka kalana sheegay in Gobolka Shabellada dhaxe uu ka mid yahay halboolayasha dhaqaalaha dalka, laga maarmaana ay tahay in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii dib u dhis loogu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Xamar, iyo In la mooso meelaha ay biyuhu ka fatahaan xiliyada roobka.

店ubin kasta oo Golaha Xukuumada ka tirsan waxaa uu imaan doonaa Jowhar, waana waajib qaran inuu qabto qaybta uga aadan horumarinta adeega bulshada, waana lagula xisaabtami Wasiirada sida ay ugu shaqeeyaan shacabka, Xukumadaydu ma noqonayso mid aan Muqdisho soo dhaafin, gobolka kasta waxa laga gaarsiin adeegyada asaasiga ah u bulshada
ayuu yiri Ra段isul Wasaare Cabdiweli

Ugu danbayntii Ra段isul Wasaaraha ayaa u sheegay dadka Reer Jowhar in safarkaani ahayn kii koowaad, islamarkaan uu ugu imaan doono safaro kale, si markasta shacabka ula qaybsado kalana tashado sida ugu haboon ee loo hormarin karo dowladanimada.isku soo duuboo dowladnimo wax u dhaamo Soomaali waa la waayey hadii kale shacabku hadey ka shaqeyn wayaan hagaajinta iyo la shaqeynta dowladooda dal iyo dibad ayey ku rafaadsanaan doonaan waligood ayaa ah hadal heynta ugu badan ee cuqaasha Hiiraan.

Markii uu waftiga dowlada ka tagay magaalada Bulo Burde ayaanu siyaabo kala duwan u weydiinay shacabka sidey safarkaan uu r/wasaare Cabdiweli ku yimid Hiiraan u arkaan iyo sida ay dowladu iskugu dayeysao iney shacabkeeda dhibta la qeybsato waxaana hadaladooda ka mid ahaa hadaan soo koobno sidan.

Waftiga dowlada aad ayaan ugu faraxnay waayo mudo fog ayaa inoogu danbeysay calan Soomaaliyeed oo ka lusha goobaha muhiimka ah ee magalada Bulo Burde maantana waad aragtaan ciidamadii iyo maamulka gobolka meeshii ay qabsadaan ayey ka taagayaan Calankeena ayey tiri hooyo ka mid ah hooyoyinkii ku soo barbaaray hanaanka dowladnimo.

Mid kale ayaa isaguna yiri dowlada waxii ay magaalada Bulo Burde u balan qaaday xitaa hadiisan ka dhabeyn waa ku mahadsan yahiin waana ognahay inuu culeysyo fara badan uu ka heysto meelo badan oo dalka ka mid ah iney shacabka meelkasta ugu tagaan ayaaba wax loo dhigo laheyn waayo markii aan aragnay madaxweynahii iyo gudoomiyahii baarlamaanka oo si deg deg ah uga safray magaalada Baydhabo dadkana ugu tagay halkaas si ay dhibta ula qeybsadaan halkii ay shisheeye qilaafkooda xalin lahaane ay iyagii kala dhaxgaleen Somaalidu mahan dad xun waqtiga ayaa ka hiiliyey maahane wey rabaan dowladnimo ee sabarka ha badiyeen madaxda dowladu hana noo yimaadaano markasta maadaama ay Hiiraan ka mid tahay gobolada xuduudaha ku yaala shacabkooduna doonayaan dowlad Soomaaliyeed ayey hadalka ku soo qatimeen dabcan shacabka Sh/dhexena fikirkaas ayey qabaan maadaama inta badan siyaasada dalka ay iskaka mid yahiin shacabka Hiiraan iyo kuwa Sh/dhexe.

Waxeyna hadalkooda ku soo qatimeen Hiil-Walaal Hanoolaato oo ay ula jeedaan dalka iyo dadka aanu walaalaha nahay ee Jabouti oo uu safarkii maanta r/wasaaraha ku wehliyey safiirka Soomaaliya u fadhiya dowlada Jabouti oo isagu dhawr jeer oo horena booqasho midaan oo kale ah ku tagay magaalada Belet Weyne.

Sawiro filo dhawaan

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.34 seconds
14,614,659 unique visits