Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Dowlada Turkiga oo ah wadan siyaasad ahaan,dhaqaalo ahaan iyo ciidan ahaanba awood muqata ku leh wadamada reer galbeedka siiba dowladah aleysku yiraahdo Nato ayaa waxii ka danbeeyey shirweynahii dhawaan ka dhacay dalka Belgium ee looga hadlayey xaalada dalka Ukrania waxaa ka soo baxay siyaasado u muqda iney saameyn xoogan ku yeelan doonaan dalka Soomaaliya.

Inkasta oo aanu dooneyn in aanu hada ka hordhacno howlo badan oo ku soo biiray siyaasada guud ee dalka Soomaaliya hadane waxaa muhiim ah bal in aanu u dulmarno shacabka Soomaaliyeed meesha ay maanta wax marayaan.

Dowlada Soomaaliya ee haatan ka arimisa guud ahaan dalka Soomaaliya ahne dowlad siweyn looga aqoonsan yahay aduunka bilaha soo socda waxey u muuqataa iney awooda dalka gacanta u geli doonto lagana gudbi doono siyaasado hada ka jira qeybo badan oo dlaka ka mid ah siiba maamulada dalka ka jira qaarkood oo u muuqda kuwo aan haba yaraatee wax wada shaqeyn ah kala dhaxeyn dowlada dhexe siiba Puntland iyo Soomaaliland maadaama uusan dalka Soomaaliya wali yeelan maamul goboledyo ka baxsan laabdaas.

Xogta ugu muhiimsan ayaa ah in dhawaan isbedel xoogan oo dhinaca siyaasadaha ay dalka Soomaaliya kula dhaqmaan wadamada Kenya iyo Ethiopia laga dareemi doono bariga Africa.

Wajiga 1aad ayaa ah sidii dowladaha safka hore oo ay waliba ku jirto Jabouti loogu dhiiragelin lahaa iney si dhab ah ugu soo jeestaan hagaajinta iyo dib u dhiska siyaasadeed iyo dhaqaalo ee dalka Soomaaliya, iyadoo dowladahaas tii hore u taageri jirtay iyo tii aan taageri jirinba laga doonayo isbedel cusub oo siyaasadeed kuna wajahan dalka Soomaaliya.

Wajiga labaad waa in aysan jirin maamul la yiraahdo Soomaaliland oo ka go'aya dalka intiisa kale iyadoo arintaas sabab looga dhigay iska daa shacabkee in aysan diyaar u aheyn raga hada hogaamiya siyaasada Soomaaliland in ay Soomaaliweyn ka go,aan kedib markiiay soo baxeen caqabado aan indhaha laga qabsan karin horeyna aan leysku weydiin oo hada siweyn loo dareemayo ayna ugu horeeyaan.

1- Waxey siyaasiyiinta Soomaaliland ogaadeen hadii maanta la yiraahdo Soomaaliland 10 bilood kedib ayey noqoneysaa wadan ka madax banaan Soomaaliweyn waxaa halmaalin ka guuraya dhamaan dadka hada meheradaha ku heysta ee ka soo jeeda koofurta iyo kuwa degaan ahaan ka soo jeeda goboalda Awdal, Togdheer, Sool iyo Sanaag oo iyagu markii horeba Soomaaliweyn doonayey taasina waxey keentay xitaa hadii ay dowlada Turkigu Soomaaliland kala shaqeyso ieny go'aan in ay siweyn uga cagajiidayaan masuuliyiinta Soomaaliland.

2- Iyadoo laga duulayo ilaa laga helo amar iyo saxiix ka yimaada dowlada dhexe in aan la soo saari karin wax shidaal ah laguna quus qaatay maamulka Puntland oo arintaas isku dayey markii waqti iyo qarash la galiyeyna la hakiyey baaritaankaas maadaama loo arkay gobol ka mid ah gobolada Soomaaliya awooda arintaasne aan miisaankeedii laheyn,waxaa soo baxday in laga fursan waayey in dalalka deriska la ah Soomaaliya lagu canciyo iney faraha kala baxaan siyaasada Soomaaliya dowlada dhexe ee Soomaaliyana loo maro sidii dalkaas qeyraadka shidaalka ee ku jira loogu soo saari lahaa shacabkaas aduunyaduna uga faaideysan laheyd si loog akaaftoomo amaba loo yareeyo qiimaha shidaalka caalamka oo heerkii ugu cuslaa gaaray waayadan.

3-Hirgelinta arintaan wajigeeda 1aad waxaa iska gaashanaya dowladaha Turkiga iyo Ingriiska ahdii talooyinka ay dowladahan u soo jeedinayaan wadamada deriska la meel marin waayo wajiga labaad waxaa macquul ah baa laleeyahay inba dalka Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda dowlada Turkiga oo aan tiradood ala shaacin iyadoo loo soo marayo Qaramada Midoobay siiba ciidamo xasilin kara guud ahaan dalka Soomaaliya.

Isku soo duuboo aduunyada waxaa ku soo fool leh isbedel dhab ah mar hadii isticmaalkii Gaaska ee inta abdan wadamada Yurub ugu imaan jiray dalka Ruushka la siyaasadeeyey Soomaaliya qeyraadkleeda waa laga fursan waayey mudadii ay reer galbeedku horey u qoirsheysteen iney soo saaraan iney ka soo hormariyaan hada.

Dhawaan sida muuqata guud ahaan dalka Soomaaliya siyaasadiisa waxaa lagu qasbanaan doonaa in si dhab ah ay Soomaalidu uga hadlaan iyagoo meel iska dhigaya maamul goboleedyadan qabiilka iyo xinka loo dhisanayo ee hadane dowladoodii dhexe ee iskuheyn laheyd ka cararaya.

War helaa talo hela Soomaaliland waa timid waxeyna ku biireysaa Soomaaliweyn ka hor 2016-ka waxa kale waa farsamo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.19 seconds
14,666,041 unique visits