Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya H.E. Hasan Sheik Mohamud oo noqonaya madaxweynahii 5aad ee uu dalka Soomaaliya yeesho laga soo bilaabo waqtigii uu dalka Soomaaliya lugaha la galay fowdada nasiibna u yeeshay inuu madaxweyne u noqdo dowladii ugu horeysay ee rasmi ah ee uu dalku yeesho mudo 22 sano ah ayna horyaalaan isaga iyo dowlada uu madaxweynaha ka yahay howlo culus oo u baahan wax ka qabasho taasi oo ay ugu horeyso hirgalinta nidaamka federal oo u muuqda mid aan ilaa hada leysku raacsaneyn qaabka uu dalka uga hirgalayo ayaa ugu danbeyn mar kale ku dhiiraday inuu Hiiraan u magacaabo gudoomiye gobol kaasi oo loo magacaabay C/Fataax Xasan Afrax oo horey Hiiraan uga soo noqday gudoomiye gobol oo kumeel gaar ahaa.

Magacaabida gudoomiye C/fataax ee waqtigan waa mid wajiyo badan xambaarsan inagoo bulshada u soo bandhigi doono qaabkii madaxweynaha Soomaaliya looga dhaadhiciyey in gobolka loo soo magacaabo mar kale xili ay gobolka ka socdaan dadaalo iskugu jira xoreyn iyo in ay ugu danbeyn bulshadu soo doortaan shaqsigii hogaamin lahaa dowlada dhexena ay howshaas fududeyso kaalinteedana ka qaatato.

Hadane inagoo arintaas warbixin dheer ka soo diyaarin doono maxaa bulshada Hiiraan la gudboon?

Bulshada Hiiraan waxaa la gudboon in ay ka faaideystaan fursadaha muuqda ayna noqdaan bulsho wax badan oo wanaag ah looga dayan karo soona dhaweeyaan gudoomiyaha cusub arimo badan oo isbiirsaday awadeed.

1- Aqli maahan waxaan ka soo horjeesanayaa wareegto uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya qaabkii ay doonto haku timaado dal dhan oo Soomaaliya la yiraahdo ayaa bad baado u baahan walow ninka dhalinyaradaa ee uu madaxweynaha gobolka u soo magacaabay uusan aheyn shaqsigii reer Hiiraan Soomaaliweyn ku xiri lahaa hadane waxaa ka sii xun in isagoo aysan farahiisa waxbo ku jirin la mucaarado dib u dhac xoogana uu ku yimaado gobolka iyo bulshadiisa amaba dalka oo dhan.

2-Shacabka Hiiraan haku tusaale qaataan dhibta iyo dib u dhaca uu leeyahay mucaarad amaba wax la dumiyo waana muhiim in lagu tusaale qaato ninka hada gobolka loo soo magacaabay sida uu gobolka iyo reer Hiiraan u lugooyey waqtigii ay doonayeen qurbajoogta Hiiraan iney dhistaan maamul goboleed la magac baxay Hiiraan State, xiligaasi oo uu isagana mid kale ku dhawaaqay isagoo ay ujeedadiisu aheyd kaliya ku dumi midkaas oo hadii uu la shaqeyn lahaa maanta la heli karay meel wax laga bilaabo ugu yaraan markii danbana waxuu iskugu biyo shubtay gudoomiye gobol.

3-Gudoomiye Laqanyo waa muhiim inuu xilka si sharaf leh iskaka wareejiyo mar hadii mudadii uu joogay uu ku dhiiran waayey inuu abaabulo shirar ay shacabku dal iyo dibad ka soo qeybgalayaan loogana hadlayo aayaha bulshada si loo meel mariyo rabitaanka shacabka oo uu waqtiga ka dhamaaday isagoo aan wax isbedel ah la imaan kaliya marka laga reebo inuu daqiiqadahii ugu danbeysay bilaabay abaabul dagaal oo gobolka lagu xoreynayo.

4-Dadaalada laga filan karo gudoomiye C/fataax 6da bilood ee inagu soo aadan iyo qaabka ugu haboon ee uu ku saxi karo qaladaadkiisii hore marka xaalada hada taagan laga abaaro dhinaca wanaagsan.

a)Hadii ay sharaf leetahay nin qeyrkaa ah oo loo shaqeeyo iyo siyaasado fowdo ku yimid horey ayaad u soo aragtay bulshadana kama qarsoona dhibtii iyo hagardaamadii aad adiga iyo Sheik Shariif u geysateen bulshada Hiiraan siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaan intaba waa muhiim in aad u hogaansanto rabitaanka bulshada Hiiraan hadii kale intaad dib ugu laabato gurigii aad ka daganeyd magaalada B/weyne oo ahaan jiray xaruntii boostada amaba dhismo ay leetahay dowlada adiga iyo xaaskii uu ka geeriyooday Laqanyo oo hada kuu dhaxday intaad wariyaasha Hiiraan ka howlgala lacag siisaan maalinba ruwaayad hor leh u alif bulshada ileen siyaasadahii aad horey ugu dhaqmi jirteen wali wey muuqdaane.

b)Gudoomiye C/fataax ma jiro qof siyaasad galay oo halmaalin siyaasado fiican la yimid laakinse waxaa jiro siyaasi waxii ka qaldamay dib u saxa waa muhiim in adigoo gaashanaya aqoonyahanada, indheergaradka, culimaadudiinka iyo dhalinyarada Hiiraan in aad hormood u noqoto siyaasado bulshada gaarsiin kara horumar lehna meel laga bilaabo, wax micno ah ma sameyneyso in lagu mucaarado waxaase muhiim ah inaad la timaado wax laguugu taageeri karo mudada yar ee aad joogto.

Kaalinta dowlada dhexe iyo dib u dhiska dalka kaka aadan iyo dadaalada laga doonayo qurbajoogta Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya masuuliyadiisii wuu ka soo baxay Hiiraan waxaa ka jiray maamul kumeel gaar ahaa waqtigiisana dhamaaday mid cusub ayuuna soo magacaabay, inuu arintaas ku dhiiradane waxaa keenay dhawr qodob.

1- Mar hadii aysan jirin siyaasiyiin,aqoonyahano amaba dad hadaf leh oo la yimaada wax muuqda sida in ay doonayaan maamul goboleed ay yeeshaan reer Hiiraan iyo qurbajoog dalka dib ugu soo laabta oo diyaariya qaabkii lagu heli lahaa maamul goboleed iyo dastuur inta badana afka uun laga sheego in ay bulshadu doonayaan maamul goboleed,dowlada dhexe kaalinteedu waa meeshii uu maamul kumeel gaar ah ka jiray hadii uuwaqtiga ka dhamaaday in ay mid kale u soo magacaawdo,dowlad kuuma keeneyso maamul goboleed diyaarsan idinkaa leydiinka rabaa sidii aad arintaas ugu dhaqaaqi laheydeen ka miro dhalinteeda iyadoo waxkasta loo marayo wado wanaagsan oo aan fowdo wax lagu raadin.

2-Waa muhiim in ay bulshada Hiiraan waxkasta oo la soo gudboonaado aysan mucaaradin dowlada dhexe siiba inta uu joogo madaxweyne Xasan sheik laakinse ficilada ay la timaado lagula xisaabtamo maadaama waxkasta oo maanta dalka ka dhacayamaba ka dhacaya ay maalin uun taariikh isku bedeli doonaan hadii la nool yahay waayo dowlad la,aan waa dal la'aan hadafka shacabku ha noqdo dowladooda oo ay xajistaan si ay danta guud ee ay dalka ka leeyahiin reer Hiiraan ugu hirgasho.

Waayo dowlad waa shacabka oo u hogaansamo awaamiirta madaxdooda hadii kale hadii odaygii hadlo yiraahdo yeeli meyno wareegto madaxweyne Soomaaliyeed soo saaray waa ayo cida la hogaaminayo?

Guntii iyo gabo gabadii waa in gudoomiyahii hore xilka wareejiyo kan cusubna la yimaado siyaasado aan aheyn kuwii lagu yaqiinay ee u badnaa dhaqan mooryaaneedka iyo beentii xad dhaafka aheyd ee uu usheegijiray tiradii yareyd ee isaga saaxiibka la aheyd ee bulshada jahwareerin jirtay ayna Khaadka wada cunijireen mustaqbalka bulshada Hiiraan waa ka weyn yahay tiro yar oo isku fikir ah doonayana iney shacabka ku hogaamiyaan hadba siyaasad ay ka dhax arkeen balwadooda.

La soco wararkeena danbe iyo Soomaaliya.

Isha warka Hiiraan state
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,569,761 unique visits