Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Sida inta badan la xasuusto dowladahii dalka soo maray waxii ka danbeeyey 1991 siyaabo kala duwan ayey markasta u burburi jireen hayeeshee waxey dhamaantood iskaka mid ahaayeen madaxdooda balamo iyo siyaasado aan intooda badan xaqiiqada ku dhisneyn oo aan dhaafsiisaneyn meeshii ay hadba ku sheegaan madaxdii dalka soo martay qaarkood.

Hadaba iyadoo ay taasi jirto guud ahaan inta badan gobolada dalka waxaa ka socday abaabul dagaal oo looga soo horjeeday kooxda Shabaab oo qeyb ka ah amaan darada dalka ka jirta, waxeyna inta badan dadaalada looga xoreynayo kooxdaas qeybo badan oo dalka ka mid ah ka socdaan gobolada Hiiraan, Gedo,Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Inkasta oo ay kooxda shabaab lumiyeen magaalooyin muhiim ahaa ayna ka soo geli jirtay dhaqaalo farabadan sida Garbahaarey, Qoryoole, Xudur, Bulo Burde, Maxaas iyo goobo kale oo badan ayaa hadane waxaa xusid mudan in ay dadaaladaas daba socdeen booqashooyin kala duwan oo ay deganadaas la xoreeyey ku tagayeen qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa waxaana xusid mudan in ay shacabka magaalada Bulo Burde noqdaan kuwii ugu horeyey ee uu booqdo r/wasaare Cabdiweli ahna magaaladii uu ka bilaabay safarkiisii ugu horeyey tan iyo markii xilkaan culus loo magacaabay.

Inkasta oo ay shacabka magaalada Bulo Burde umuujiyeen soo dhaweyn iyo waxiiba ay kari kareen r/wasaaraha iyo waftigiisa hadane mudadii uu kusugnaa r/wasaare Cabdiweli magaalada Bulo Burde waxaa halkaas kula kulmay waxgarad iskugu jiray odoyaal iyo rag horey u soo maray maamul dowladeed waxaana hadaladii lagu yiri r/wasaare Cabdiweli ka mid ahaa marka nuxurka laga abaaro.

Magaaladaan Bulo Burde mar hore ayaa ugu danbeysay maamul dowladeed iyo calan Soomaaliyeed oo laga taago kooxdii laga saarayna waxey wali ku sugan yahiin magaalada hareeraheeda maadaama aad ka mid tahay madaxdii uu dalku lahaa waxaad noo timid adigoo diyaarad saaran, hadane diyaarad ayaad ku laabaneysaa mar hadii adiga iyo dowlada hada jirtay uu damiirkiinu idiin siiyey inaad magaalooyinka u dhaw dhaw caasimada Soomaaliya aad diyaarad ku tagtaan oo aad isku aaminiweyseen inaad magaalada Bulo Burde safar dhulkaa ku imaataan bal adiga noosheeg waxa ay dowladu ugu talo gashay shacabkaan meelkasta ay ka joogaan kooxdii magaalada laga saaray?

halkaan kuma soo koobi karno balanqaadyadii uu halkaas ka sheegay r/wasaare Cabdiweli waxaanse bulshada u soo bandhigi doonaa dhawaan muuqaal uu afkiisa ku hadlayo kuna sheegayo waxa uu qabanayo iyo gurmadka deg degaa ee ay bulshada la soo gaari doonaan.

Nasiib wanaag waxgaradkii magaalada Bulo Burde waxey hada ka muujinayaan dowlada shaki aan wali soo shaac bixin iyagoona qaarkood leh maxaa madaxda Soomaaliya laga siiyaa balan qaadyada eberka ah cid qasbeysa maba jirto shacabkuna awalba dhib kuma yareyn mey runta intey u sheegaan hadii aysan ugu yaraan ka dhabeyn karin waxa ay afkooda ka sheegaan sidee ayey mustaqbalka ku heli doonaan taageero dhab ah oo ay ka helaan shacabka Soomaaliyeed oo awalba iyadoo looga faaideysanayo daruufaha dalka ka jiray qaarkood loo isticmaalayey burburka dalkooda.

Marka laga soo tago booqashada r/wasaare Cabdiweli waxaa xusid mudneyd in uu gudoomiyaha gobolka Hiiraan mr Laqanyo masuuliyiinta dowlada ku soo dhaweyn waayey markii ay booqdeen magaalada Bulo Burde r/wasaare Cabdiweli iyo waftigiisa xili uu kusugnaa gudaha Hiiraan maadaama ay madaxda dowlada ka gaabiyeen taakuleyntii ciidamada dowlada ee dagaalka ka wada Hiiraan oo aan iyagu wax gurmad ah ilaa maanta ka helin xukumada dhexe kaliyana hada u muuqda in ay dhawaan meesha ka bixi doonto dhamaan dadaaladii gobolo badan oo dalka ka mid ah looga xoreynayey kooxda Shabaab mar hadii ay dowladu dooneyso oo kaliya in ciidamada ka dagaalamaya gobolada loogu yeero ciidamada dowlada Soomaaliya xili aysan masuuliyad iska saarin daryeelkooda ugu danbeyna ciidamadaas hadaan waxii ay u baahan yahiin loo helin waliba si deg deg ah iyagoo koox koox u socda ayey aaqirka ka soo tegi doonaan degaanada ay hada dagaalka iyo difaaca kawadaan amaba kaka jiraan.

Dhawaan ayey aheyd markii ay hal mar joojiyeen dhaqdhaqaaqii ay ka wadeen gobolka Gedo saraakiisha ciidamada dowlada kedib markii la xaqiijiyey in aan laga jawaabin dalabyo badan oo ay u soo dirsadeen madaxda ugu sareysa wadanka ugu danbeyna dhegaha laga fureystay codsiyadooda mudadaas waxii ka danbeeyeyna wax dhaqdhaqaaq ah ma saneyn saraakiishu.

Maxaa dhici kara hadii ciidamada ku sugan magaalada Bulo Burde oo ah ciidamo aad u awood badan hadii saraakiisha hogaamineyso hal mar go,aansadaan in ay dowlada u jaraan xiriirka, maadaama aysanba masuuliyiinta dowlada u muuqan kuwo diyaar u ah iney xasiliyaan dalka oo dhan amaba laga saaro kooxda Shabaab?

Cawaaqibka ka imaan doono iyo dib u dhaca dowlada kudhici doona qoraal gooyni ah ayaan kaka hadli doonaa waxaase muhiim ah in ay masuuliyiinta dowlada ogaadaan shacabka iyo waxgaradka Bulo Burde ma ahan sida kuwa Belet Weyne kunool hadii ay masuuliyiinta dowladu muujin waayaan xilkasnimo iyo ka dhabeyn ugu yaraan waxii ay balan qaadaan waxaa si sahlan loo arki doonaa iyagoo dharaar cad u yeeranaya Shabaab oo leh idinkaa dhibtiinu muuqataa ee kaalaya dalkaan hanaan dowladeed kama jiree waxaa hogaaminaya shaqsiyaad ku faraxsan magaalooyinka dalka iney diyaarad ku tagaan bulshadana isku sawiraan hadba magaaladii ay booqdaan.

la soco wararkeena danbe reer Bulo Burde iyo dowlada oo dhawaan labo wado kala mari doona.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,613,899 unique visits