Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Wakiilka dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya Jens-Mjaugedal ayaa walwal ka muujiyey deeqihii dowladda Soomaaliya loo balanqaaday ee aanan la gaarsiinin, wuxuuna codsanayaa in lacagaha si toos ah loo siiyo dowladda federaalka.

Dowladda Norway ayaa ku jirta halgan adag oo dowladaha caalamka oga dhaadhicineyso in wixii deeqo ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kadib markii dhamaan lacagihii la balanqaaday aanan hal doolar laga bixinin sababo la xiriiro eedo musuqmaasuq aan jirin oo loo jeediyey xukuumadda masuuliyiinta dowlada.

Ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya danjire Jens Mjaugedal oo isbuucyadii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Koonfur Afrika, isaga oo si weyn uga xanaaqsan qaabka loola dhaqmo dowlada Federalka, kana walwalsan halka ay wax marayaan, wuxuu aad oga xunyahay balanqaadyada waaweyn ee dowladaha adduunka sameeyeen iyo sida hal doolar xitaa aanan illaa iyo maanta si toos ah loo siinin dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegey ergeyga in dowladda Norway ka soo leexatay aragtida wadamada kale oo dhan, islamarkaasina ay dowladda Soomaaliya toos u siisey $30 malyuun oo doolar oo caddaan ah, wuxuuna ku booriyey in dowladaha kale oo dhan ay ku daydaan.Wuxuu sheegey in xerooyin ciidan oo kaliya oo laga sameeyo meelaha Alshabaab laga saaray aysan keeneynin xal waara oo Soomaaliya laga gaaro, balse ay tahay in dowladda Soomaaliya taageero toos ah la siiyo si maamulkeeda ay dhidibada ugu aasto maada aysan jirin wax dalkeeda u dhaama.

Wuxuu sheegey in xitaa haddii eedeymaha musuqmaasuqa ay wax ka jiraan aysan taasi marmarsiimo u ahayn in deeqaha laga xayiro dowladda maadaamaa buu yiri aysanba jirin hal adeeg oo dowladda ay haatan qaban karto.Wuxuu tusaale usoo qaatay in kaliya ay jiraan dhawr iskuul oo kaliya oo ay dowladda maamusho, dhamaan adeegyadii kale ee asaasiga ahaa oo dhan ay meesha ka maqan yihiin, sidaasina aysan dowlad ku dhismi karin.

Wuxuu sheegey in dowladda Norway ay lacagta ku bixisey 6 bilood gudahooda oo kaliya, haddii lacag intaasi la’eg uu bixin lahaa bangiga adduunka ay ku qaadan lahayd dhowr sanno bixinteeda, taasina aysan ahayn wax xalaadaha gudaha ka jirta lala sii sugi karo, sidaasi darteed wuxuu soo jeediyey in qadka ay Norway lacagaha ku gaarsiiso dowladda Soomaaliya ee degdegta baddan ay soo mariyaan dowladaha kale.

Ergeyga waxa uu farta ku fiiqey in lacagaha ka imanaya beesha caalamka kaliya lagu maalgaliyo hey’adaha Qaramada Midoobey sida UNDP, taasina hawlaha ay qabato aysan waxbo ka anfacaynin dhibka jira “Dadka caadiga ah ee Soomaalida waa in ay arkaan dowladda Soomaaliya oo talineysa, ma ahan in ay u arkaan in Qaramada Midoobey ay meesha ka talineyso“.

Mar uu ka hadlayey weerarkii xarunta Villa Soomaaliya waxuu yiri "Kadib markii uu dhacay weerarkii Villa Soomaaliya ee saraakiisha dowladda lagu diley, waxaan ka qeybgalay shir dhibaatooyinka dalka looga hadlayay, waxaana aad ola yaabay buu yiri in dadkii beesha caalamka ee meesha kasoo qeybgalay ay u hadlayeen sidii dad aanan waxbo ogeyn mushkilada Soomaaliya ka taagan “Waxay ka hadlayeen doorka haweenka iyo bulshada rayidka ah ee dowladda, waa wax lala yaabo taasi, waxaan bartanka u fadhinaa furun dagaal, dumar iyo waxaasna waa laga hadlayaa, wax is lehba ma ahan” ayuu yiri ergeyga.

Qadka ay dowladda Norway lacagaha ku gaarsiiso Soomaaliya waxaa sanadkani bartankiisa la wareegi doona Bangiga Adduunka, si lacagaha toos loogu gaarsiiyo Soomaaliya “Balse sanad ayaa naga qasaaray hadda” ayuu yiri ergeyga, wuxuuna intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in mushaaraad la siiyo lixda illaa sideeda kun ee shaqaalaha rayidka ah ee dowladda , waxaana maanka lagu hayaa in la abuuri karo wax u eg dowlad.

Wuxuu beesha caalamka ku eedeeyey in ay ka cago jiideyso heshiiskii Hiigsiga Cusub ama New Deal ee lagu yaboohay lacagta dhan $2.3 bilyan ee doolar kaasi oo auy dowlado waaweyn ku bixiyeen magaca umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa isagana madasha shirka ka hadlay wakiilka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo hayadaha Turkiga ku dhiirageliyey ineysan micno weyn ugu fadhinin hayadaha iney Nairobi iska fadhiyaan maadaama ay dowlada Turkigu si toos ah ay u caawiyaan dowlada iyo shacabka Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee waa tii horey loo yiri afjoogo looma adeegee maxaa madaxda qaranka la gudboon siiba madaxweynaha Soomaaliya, gudoomiyah baarlamaanka iyo r/wasaare Cabdiweli?


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,568,662 unique visits