Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Wax badan ayey dhegaha shacabka Soomaaliyeed maqlayeen labadii sano ee ugu danbeysay inuu dalku yeeshey gole baarlamaan, madaxweyne iyo xukumad aan ku meel gaar aheyn waxaase hada muuqata in ay dhawaan si lama filaan ah u burburi doonaan baarlamaanka hada jira ee uu garwadeenka ka yahay Prof Mohamed Sheik Cismaan Jawaari.

Waa wax sahlan in madaxweyne amaba r/wasaare Soomaaliyeed laga keeno mooshin laakinse waxaan wax sahlan aheyn cawaaqibka ka imaan kara oo aysan Soomaali badan oo siyaasada aduunka ka jirta ku cusub aysan isweydiin.Xiligii R/wasaare Farmaajo ayaa waxaa dagaal loo galay sidii isaga looga saari lahaa meesha taasi bedelkeediina waxaa meesha dhan ka baxay xukumadii jirtay. waxaa hadane meesha ka baxay xukumadii ku xigtay oo loogu yeeray mid kumeel gaar aheyd ugu danbeyna waxaa dalka loo dhisay dowlada hada jirta.

Hadii aanu si waadax ah ugu iftiimino bulshada Soomaaliyeed meesha ay hada xaalada Soomaaliya ka cakiran tahay waa beelaha Ogaadeen iyo Majeerteen oo aanu dooneyn inuu hogaamiyo madaxweyne ka soo jeeda beesha Hawiye maadaama aysan si waadax ah mediyaha ugu dhihi karin arintaasne waxey marba marka ka danbeysa u soo maraan wadooyin kala duwan iyagoo iska soo hormariya shaqsiyaad intooda badan ka soo jeeda isla beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha Soomaaliya ee Abgaal oo iyadu ah beel ay u badan yahiin dad iska daacad ah oo furo kasta oo la doono lagu rogi karo.

Waxaase muhiim ah in aan xaqiiqada leyska indho tirin oo ama si waadax ah Soomaaliweyn dalka u kala qeybsato ileen ninka maanta leh madaxweyne qabiil hebel ka soo jeedo ima hogaaminayo wuu ogyahay inuusan isagane hogaamineyn isla qabiilka uu diidayo.bal u fiirso ma arkeysid xildhibaan Ogaadeen ah amaba Majeerten ah oo ka hadlaya maslaxada dalka waxey guul moodaan wadamada deriska ah oo loo kala dhuunto iyo si maalinba koox horleh loo qaldo.

Hadaanse si qoto dheer uga hadalno howlaha hada xawaaraha ku socda iyo mooshinkaan igu soo boodkaa sida leyskaka dabawareegayo waxaa ku burburi doono baarlamaanka dhan marka xaalada laga eego qodobadan.

1-Mudanayaasha baarlamaanka kuwooda madaxweynaha ka codsanayo inuu is casilo ma jirto cid soo dooratay waxeyna ku yimaadeen badankood dhaqaalo iyo laaluush ay siiyeen odoyaashii soo xuley iyaga mana jirto marka laga reebo iney Kenya iyo qurbaha wareegaan shacab ay ugu tagaan degaanada ay ka soo jeedaan oo ay dhibta la qeybsadaan, kuwoodii ugu aqliga badnaa ee wax fahmayeyna badankood si hoose ayey xilkaas uga iibsadeen shaqsiyaad ay qaraabo yahiin halka kuwona ay hada beecinayaan, sidaasi daraadeed waqtiga ay iyaga sii jiri karaan ayaaba shaki xoogan ka jiraa in ay sanadka inta ka dhiman buuq la,aan wada shaqeyn doonaan iyo in kale.

2-Waxaa jira mudanayaal kale oo uu horboodayo gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Shariif Hasan oo isaguna wado marka la keeno midka madaxweynaha hadii uu meel maro isla isbuucaas mid looga soo horjeedo gudoomiyaha baarlamaanka ujeedada laga leeyahayne waa uun in mushkilada ka taagan dalka la sii fogeeyo maadaama hada la arkayo caasimadii Soomaaliya oo maalinba maalinka ka danbeeya sii qurxanaaneyso oo dhismeyso taasi oo beelo badan cudur ku noqotay dad badana aysan fahmi karin.

3-Xitaa hadii uu madaxweynaha Soomaaliya maanta hor istaago shacabka Soomaaliyeed uu yiraahdo xafiiska waan baneynayaa ma jirto qorshe u diyaarsan kooxdaan hada mooshinka keentay oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu bad baadin karo.

4- Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka mooshinkaan waa ku cusub yahay badankoodna lama tirsado oo waxaa kuwa mooshinka keenay ka dhaadhacsan in waxoogaa dhaqaalo ah oon la ogeyn meesha laga keenay la siin doono marka codkooda loo baahdo.

5- Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka waxey la shaqeeyaan kooxaha dalka ka wada qaska kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 30 ilaa 40 mudane oo qaarkood si waadax ah loo yaqaano howlaha ay faraha kula jiraan. arimahaas iyo kuwo badan oo isbiirsaday ayaa ugu danbeyn fashilin doona baarlamaanka hada jira inta aanba la gaarin mooshinka madaxweynaha maadaama aysan iyagu hal meel wax iskula wadin.

Hadaba xalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxuu ka dhaw yahay.


1- In ay mudanayaashu hadiiba ay dalka ka naxayaan ka doodaan maamuladan qabiilka ku dhisan sida Soomaaliland iyo Puntland kana shaqeeyaan sidii dalka intiisa kale loo nabadyen lahaa iyagoo aan mooshin la soo boodeyn.

2- In dowlada hada jirta 2 sano waxbo maahane madaxweynaha lagala shaqeeyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa doorasho xor ah waayo maba jiro baarlamaan qorshe fog u degsan yahay oo hal meel wax iskula wado oo dalka ka jira maanta waxey u ololeeyaan dhamaantood danaha beelahooda waayo hadii ay dalka ka naxayaan waxey ku mashquuli lahaayeen amaba ka dooni lahaayeen qaabkii ay ciidamada Kenya wadanka ku soo galeen ee dowlad dhisan ayaa la burburinaa lama soo istaagi laheyn ayuu yiri mid ka mid ah generaladii hore ee Soomaaliya.

3- Iyo in ugu danbeyn Soomaalida koofurta degen laga soo bilaabo gobolka Mudug ilaa Jubada hoose inta u dhaxeysa dadka degan waa iney ka tashadaan kuwan maamulada qabiilka ku dhisan ku mashquulsan ee calanka Soomaaliya xasaasiyada ka qaba sida Puntland iyo Soomaaliland ee ay iyagu dalka hogaankiisa iyo mustaqbalkiisa ka fikiraan intaasne hal maamul oo Union State la yiraahdo ugu yaraan u sameystaan shirweyne dib u heshiisiin dhab ahne iskugu yimaadaan Mogdishu, Baydhabo amaba magaalada Belet Weyne hadba tii markaas sahlan, iyagaa qasab ku imaan doono kuwa hada calanka ka cararaya waa xalka ugu dhaw ee lagu bad baadin karo dalka.

Ninkii gabyey waxuu yiri rumaan la sheegin moogiye Rati Dameer ka raad qurxoon in maanta dhahaan beelaha qaarkood madaxweyne reer hebel ka soo jeeda nama hogaaminayo waxaa sabab u ah damiir xumida Habargidir iyo Abgaal oo maalinba ruwaayad hor leh inta loola yimaado gurbaanka gacantooda ku garaaca kedibna magacyo xun xun loogu yeero.

Habargidir iyo Abgaal kooda wax qora, siyaasigaa, ganacsadaha ah dhamaantood waxey maalinkasta iska caaynayaan mediyaha halka ay Ogaadeen iyo Majeerteen maanta marayaan nin reer hebel ah intii uu na hogaamin lahaa Kenya iyo Ethiopia ayaan hoos tageynaa maadaama ay beelahan maskaxdooda ku qufulan tahay dagaaladii sokeeye amaba waxii la soo maray 1991 oo markaad si dhab ah u eegto aan wali laga heshiin.


Isha warka Hiiraan State
webmaster"hiranstate.com






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.92 seconds
14,589,102 unique visits