Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
francisfu4

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Madaxweynaha Soomaaliya oo ah muwaadin Soomaaliyeed ahna shaqsi aan dalka meelna uga bixin mudadii uu wadanku colaada ku jiray ,kuna guuleystay doorashadii bartamahii 2012kii ka dhacaday caasimada Soomaaliya ee Mogdishu kedib markii loo arkay inuu yahay aqoonyahan wax badan ka og dalka madaama ragii tartanka la galay badankood ay u badnaayeen shaqsiyaad wadanka ay mudo fog ugu danbeysay kaliyana u yimid sidii ay mar uun madaxweyne u noqon lahaayeen.

Inkasta oo marka dib loo xasuusto dhibaatadii dalka ka dhacday iyo xaalada ay hada ku sugan tahay caasimada Soomaaliya ay tahay wax aad iyo aad u kala fog maadaama aduunyada aanu ku nool nahay marka dal laga hadlayo dowladiisa meesha ay indhaha caalamka qabaneyso ay tahay caasimada waxaa hada caasimada Soomaaliya ee Mogdishu oo waligeed loogu yeeri jiray Hooyadii Bariga Africa waxaa hada ku socda iyadoonba wali uusan dalku ka bilaaban dib u dhiskii amaba aan la gaarsiin barnaamijkii New Deal dhismo iyo horumar muuqda oo uu aad ugu farxayo qofkii muwaadin Soomaaliyeed ah rajona ka qaba inuu mar uun arko Soomaaliya oo nabad ah kuna soo laabata xiligii berisamaadkii amaba ka fiican.

Hadaanse dib ugu laabano siyaasada madaxweynaha Soomaaliya iyo rajada xoogan ee laga qabo in ay dalka Soomaaliya isaga iyo inta hada siyaasada kula jirta bulshada gaarsiiyaan heer ay shacabku soo doortaan hadba qofkii ay rabaan 2016, marka la eego taageerada xoogan ee uu marba marka ka danbeysa ka helayo bulshada Soomaaliyeed waxuu wadanka kategi doonaa isagoo nadiif ah dalkana gaarsiiyey meel wax laga bilaabi karo sida laga soo xigtay dad waxgal ah oo siweyn ula socda arimaha Soomaaliya 60 kii sano ee ugu danbeysay.

Bulshada Hiiraan oo inta taariikhda Soomaaliya la xasuusto hormuud u ahaa loolankii siyaasadeed ee dalka ka jiray waxey diidaane ay aheyd sidey u diidaan waxey taageeraane inta badan meel mariya ayaa dhawaan isku soo baxweyn oo ay ku taageerayaan dowlada hada jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Hasan Sheik Maxamud ku dhigay magaalooyinka Belet weyne iyo Bulo Burde iyagoo dhaleeceyn dusha ugu tuuray xildhibaanoqaarkood aan hada lagaba hadlin dalkana looga yaqaano damiir laaweyaasha qarnigan oo waqti ay bulshada Soomaaliyeed kuwooda miyiga kunool abaaro iyo Biyo la,aan daran ku heysto qeybo dalka ka mid ah maalinba maalinta ka danbeysa mashruuc ay dhaqaalo ku heli karaan la soo shirtako.

Inkasta oo baarlamaanka hada jira xumaan iyo wanaag waxkasta oo ay la yimaadaan inta lagu guda jiro waqtigaan adag lagula xisaabtami doono gudoonka baarlamaanka mustaqbalka hadane waxaa rajo xoogan laga qabaa in ay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooduba si wada jir ah ugu dhaqaaqi doonaan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa mustaqbalka si 2016-ka loo helo meel wax laga bilaabi karo dowlada amaba madaxda xiligaas imaandoontana u helaan fursado ay howsha inta ka hartay ku dhameystiri karaan.

Isku soo duuboo dalka Soomaaliya madaxweynaha midka hada jira bedeli doono waxuu ku imaan doonaa isaga iyo baarlamaanka hada jira shacabku soo dooran doonaan 2016-ka waxii ka danbeeya qorshahii kumeel gaarka looga baxay ayaaba ahaa in la helo dowlada hada jirta iyo madaxweyne rasmi ah,waxii intaas ka horeeyana waa lagu qasban yahay in dowlada hada jirta la dhoodhoobo oo waxii ka qaldan laga saxo si masuuliyad iyo xilkasnimo ay ku dheehan tahay ayaa laga soo xigtay iyagoo leh qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo aad ula yaaban kooxdii dhawaan madaxweynaha ka codsatay inuu dalku isku dhaxyaaco dibna loogu laabto dagaalkii qabiilka marka la eego xiligi ay ku soo aadiyeen codsigooda iyo marxalada uu dalku ku sugan yahay.

La soco qeybteena labaad qaabkii loo soo abaabulay qorshahii dhicisoobay ee lagu doonayey in siyaasada dalka lagu qalqal geliyo, kaalinta ay ku leeyahaayeen gudoonka sare, wariyaasha arintaan la doonayey in loo adeegsado websidyada iyo idaacadaha ay u shaqeeyaan walow qaarkood la xakameeyey iyo warar kale oo xiiso leh.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,613,049 unique visits