Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Mogadishu:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Qaranka Soomaaliyeed Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa marka hore Duubaabka Soomaaliyeed uga warbixyey sababaha uu ugu yeeray islamar-kaana u sheegay in ujeedada kulanka tahay wada-tashi, talo-bixin iyo hiigsiga mustaqbalka dalka. “Dalab gaar ah ee uu Madaxwewyni wato ma jiro ee kala warqaadasho iyo talo ayaan idin kugu yeeray gogoshaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya

Ka dib talooyinka ay soo jeediyeen . Duubabka Soomaaliyeed ee galabta kulanka la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ballan-qaadeen inay Dowladda si dhaw ula shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay qorshe Xafiiska Madaxweynaha uu waday kaasi oo ahaa in Duubabka Soomaaliyeed loo qaado qaar ka mid ah Wadamada Qaaradda Afrika oo horay dagaallo u soo maray si waayo aragnimo looga soo qaato. Maadaama in ku dhow rubac qarni ay ka soo wareegatay burburkii Dowladdii Soomaaliyeed marka la gaaro Janaayo 2015. Odayaasha Dhaqanka ayaa soo dhaweyeen arrinkan.

Madaxweynaha ayaa yiri. “Dowladdii aad soo dhisteen dhinaca siyaasadda iyo dhinacyo kalaba horumar ballaaran ayey ka sameysay, Mashaakilaad maalintii Dowladdu aad dhiseyseen aanan jirin ayaa hadda jira. Waad og-tihiin Shabaab degaano badan ayaa laga saaray. Mar haddii Shabaab degmo am degaan laga saaro mushkilad ayaa meesha ka imaaneeysa, anagu waxaan dooneynaa in Odayaasha Dhaqanka in arrimahaasi Dowlada kala shaqeeyaan deegaanadaasna ka warqabaan”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimad gaar ah Odayaasha Dhaqanka ku leeyihiin Dowlada iyo dib-uheshiisiinta, wuxuunna Odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi gaar ah oo arrimahan kala shaqeeya Xafiiska Madaxweynaha.

Odoyaasha Soomaaliyeed ee kulanka ka qeybgalay oo siweyn u dareensan isbedelka muuqda ee iyo horumarka uu ku tilaabsaday dalka tan iyo waxii ka danbeeyey markii laga baxay xiligii qaribnaa ee kumeel gaarka caasimadii Soomaaliyana ay manta tahay mid habeenkii xiligii la doono la socon karo masuuliyiinta dalka ugu sareysa iyo waxgaradka Soomaaliyeedna xiligii ay doonaan ku kulmi karaan ayaa soo dhaweeyey casuumaada uu madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya u sameeyey cuqaasha Soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ay xukumada Soomaaliya amaba madaxweynaha iskugu yeero waxgaradka Soomaaliyeed waxaa jiray shirar wadatashi ah oo ay dowlada horey ugu qabatay aqoonyahanada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed oo ah udub dhaxaadkii dalka si ay talo ugu yeeshaan mustaqbalka dalkooda iaydoo dhawr bilood ka hor wasaarada caafimaadka oo hoostageysay Marwo Maryan Qaasim ay iskugu keentay in ka badan 100 dhaqaatiir iyo aqoonyahano ku taqasusay dhianca caafimaadka si u qiimeeyaan amaba miiska u soo saaraan qorshaha ugu wanaagsan ee ay hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed ku heli karaan Health System tayo leh.

Waxaa xigay shir kale oo loo qabtay madaxda maamulada dalka, saraakiisha amaanka iyo waliba bulshada rayidka dhamaantoodna ka talo bixiyeen sida ugu wanaagsan ee ay Soomaaliya ku noqon karto dal jira shirkaanina waxuu qeyb ka haa kuwaasi taxanaha ahaa aad ayeyna cuqaasha Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen casuumaada madaxweynaha una bogaadiyeen xukumada hada jirta.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,637,916 unique visits