Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Dagaal toos ah oo maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka oo ay ku shirayeen mudanayaasha baarlamaanka oo dalka Soomaaliya looga yaqaano "Xilmadhibaan" halkii markii hore loogu yeeri jiray Xildhibaan ayaa maanta loogu galay goobtii ay ku shirayeen ee ay ka wadeen waayadii danbe siyaasado u muuqday badankood dano qabiil iyo sidii caasimada Mogdishu loogu horseedi lahaa iney markale dib u gasho mugdigii ay ku jirtay ayaa hadane marka xaalada dhinaca kale laga eego waxey tani fariin u tahay mudanayaal badan oo aan marnaba fiirineyn danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed bulshaduna kalama jecla Shabaab iyo mudane baarlamaan waayo midna waxuu shacabka u isticmaalaa dagaal iyo qaraxyo mudanayaashuna markii ay arkaan wadanka oo horey u socda ayey siyaasado lagu cuuriyaaminayo horumarkaas la yimaadaan xarunta golaha shacabka.

Inkasta oo ay tani u aheyd fariin cad hadane waxey horey hogaanka baarlamaanka iskaka dhegatireen arimo badan oo muhiim u ahaa dalka kuwaasi oo ay ugu muhiimsaneyd sidii loo ansixin lahaa barnaamijka lagula dagaalo kooxaha xagjirka ah oo uu soo hordhigay wasiirka gaashaandhiga. waxey ku dhiiranwaayeen iney marnaba ka hadlaan oo ka doodaan qaabka qaldan ee ay ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia dalka Soomaaliya ku soo galeen bilaawkii hore ee imaatinkooda.

Waxey awoodi waayeen gudoonka baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa iney gudaha baarlamaanka ka joojiyaan xildhibaano ka soo jeeda degaano nabdoon oo Mogdishu u jooga siyaasado dano qabiil iyo dhagar ku qotoma walow ay Soomaalida badankood kuwooda ku nool Mogdishu iyo nawaaxigeeda siweyn u dareensan yahiin dhagartooda lagana yaabo in qaarkood Hotelada ay ku raaxeystaan oo ay dhagarta ka maleegaan ee caasimada Soomaaliya la gaari doono heer loogu galo oo lagu wax yeeleeyo.

Waxey gudoonka baarlamaanka iyo kuxigeenadiisu ku fashilmeen in ay mudanayaasha u diraan deegaanada ay ka soo jeedaan si ay kalsooni uga raadsadaan dadka ay metelaan una dhaxgalaan bulshada taasi bedelkeeda waxaa maalinkasta laga doodaa siyaasado u muuqda kuwo la soo abaabulay degaano fog fog iyadoo lagu mashquulayo arimo ay ugu horeeyaan shirkada Garoonka diyaarada ka howlgasha sharci kuma joogto iyo wasiirka reer hebel ka soo jeeda ha horyimaado baarlamaanka xili dalkii dhamaa heerka uu marayo uu shaki kaa galayo inuu yahay dal xor ah oo xitaa ciidamo militeri ah iska daaye Soomaalidii oo nool ciidamo boolis ah oo laga keenay dalka Ugandha lagu soo daabulayo wadanka kama hadlaan dhacdooyinkaas.

Waliba iyagoo xilalka ay ku magacaaban yahiin gudan waayey oo aysan haba yaraatee muuqan taagero shacab ayey dhawrkii biloodba keenaan mashruucii ay markaas isleeyahiin dhaqaalo ayaad ku heleysaan iyagoona midkasta bishii caasimada Soomaaliya ku qaato 3 kun oo dolar ayey hadane wadankii fowdo u horseedayaan.

Isku soo duuboo Soomaali badan xiiso badan uma hayaan mudanayaasha maanta horboodayo bulshada Soomaaliyeed dhawaana waxaa la arki doonaa iyagoo siyaabo kala duwan oo gooyni gooyni ah loogu ugaarsanayo meelo badan oo dalka ka mid ah markaad eegto heerka ay iyaga iyo shacabka Soomaaliyeed kala joogaan siiba dadka qurbaha kunool oo u badan dad xirfadleyaal iyo aqoonyahano u badan aad ayey ula yaaban yahiin mudanyaasha maanta jira walow badankood la ogaa sidey ku soo galeen baarlamaanka maadaama ay iibsadeen guraasta ay ku fadhiyaan badankood taasi oo yareyneysa iney dalka iyo dadka Soomaaliyeed u naxaan oo ay daacad ugu adeegaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,584,637 unique visits