Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Dib uguma laabaneyno fowdada ay mudanayaasha baarlamanka wadanka u horseedeen waxaana in ay wadanka lugooyaan lagu gartaa halka bil ay fasaxa ku maqan yahiin ayey dowladu horumar la taaban karo gaartaa markey soo laabtaan waxey fadhiyada furaan iyagoo mashaariic cusub u wata qaab koox koox ah bur burkooduna ma dheera hadaan xaqiiqada dalka taalo leyska indha tireyn.

Waxaase muhiim ah in xaalada hada meeshey taagan tahay laga abaaro iscasilaada wasiirka amaanka qaranka waxey u muuqataa talaabo iyo go'aan geesinimo leh waxeyna muujineysa in ay Soomaalidu sidey maalinba qar dheer uga dhacayaan ugu danbeyn gaari doonaan heer ay shacabku qofka ay doonayaan soo doortaan waana wax dhegaha shacabka ku cusub wasiir iscasila iyo madaxweyne doorasho ku yimaada oo rag badan inta la tartama doorasho ku guuleysta mid ay dadku soo doortaan madaxweynaha iyo baarlamankana hadii siwadajir ah dalka looga naxo waa la gaarayaa 2016-ka waayo inta dowladnimada u ooman ayaa ka badan inta fowdada wax ku raadisa.

Sideedaba siyaasad ma ahan wax meeshii shaleyto joogay aad berito ugu imaaneyso waliba kuma sii jirto wadan Soomaaliya oo kale ah oo mudo colaad ku soo jiray sida leys kaka dabawareeganayo waxaa ceeb iyo fashilka ugu xun uu iskugu biyo shuban doonaa mudanayaasha baarlamaanka oo aad moodo inuu hada qabtay kitaabkii ay mareen markii ay xildhibaano noqdeen markaad eegto sida aysan wadanka ugu naxeyn.

Isbedelo horudhac ah oo muujinaya iscasilaada wasiirka amaanka qaranka ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho shaqada r/wasaare Cabdiweli maadaama marka amaanka dalka laga hadlayo uu isagu xukumada r/wasaare ka yahay waxey u badan tahay iyadoonba mooshin laga keenin in ay wasiiro badan intey iscasilaan uu meesha si dhib la'aan ah uga baxo.

Sikasta oo ay ahaataba markaad aragtay shacabka Soomaaliyeed badankood qaraxa lala eegtay mudanayasha iyagoo aan jaceyl u qabin kooxda Shabaab hadane saqiir iyo kabiir waxuu hadal heynta ugu badan noqday kuwaasi awalba dal iyo dad umanaxeyn in gabigood la laayo ayey aheyd iyo wax la mid ah siweyn ayaana looga aamin baxay sida muuqata waayo wax lagu amaano oo ay dalka u qabteen ayaanba jirin marka laga reebo iney cuuriyaamiyaan howlaha xukumada dhawrkii biloodba mar.

Hadaba Soomaalidu dano qabiil iyo nin jecleysi kama dhamado wasiirka amniga qaranka go;aankiisa aad ayaa loo amaanay mustaqbalkana waxaa lagu rajoweyn yahay wasiirkii amaba gudoomiyahii baarlamaanka dalka madax ka ah oo xilkiisa gudan waayo inuu bulshada hordhaafi doono.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,589,240 unique visits