Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inkasta oo ay malaayiin Soomaaliyeed aad ugu farxeen weerarka lagu qaaday xildhibaanadii Hotelada Mogdishu ku raaxeysanayey oo maalina ku dhegenaa shirkadahii wadanka dhisayey ee ka socday dowlada kaliya ee shacabka Soomaaliyeed si dhab ah ugu hiilisay ee Turkiga halkii ay ka hadli lahaayeen dhibaatada wadanka ka jirta iyo waxa ay maslaxada umada ku jirto ayaa hadane marka xaalada dhianca kale laga eego waxaa jira dhaliilo xoogan oo loo jdeedinayo xukuamda hada ka jirta dalka.

Sida Muuqata waqti kasta leyskuma helo siyaasad dhameystiran hadii la heli lahaa xiligii uu wadanka r/wasaare ka ahaa dalka Mohamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweyne aragti fog sida midka hada jira wax badan ayaa Soomaalida u qabsoomi lahaa markii la helay madaxweyne dalka iyo dadka ka naxayana waxaan la heyn r/wasaare siyaasi ah oo aragti fog sidaasi daraadeed xukumadkasta oo looga dhawaayey waayadii danbe waxaa fashilkeeda sabab u ahaa hadba r/wasaaraha markaas hogaaminaya oo ku imaanayey qaab saaxiibtinimo iyo aragti inteeda badan ka imaan jirtay shaqsiyaad aan dowlada ku jirin.

Hadaba warar naga soo gaaraya dowlado Soomaaliya saaxibo dhaw la ah oo ay ugu horeyso Turkiga ayaa shaki xoogan galinaya in r/wasaaraha hada ka jira Soomaaliya iyo tirada gobolaha wasiiradaa yahiin kuwo horey u socdo waxaana hada dalka Soomaaliya looga arkaa xukumada iyo waliba xildhibaanada hada jira kuwo howshoodii gabay.

Inkasta oo uu wasiirka amniga iscasilay hadane qaabka uu xilkiisa u guto r/wasaare Cabdiweli ayaaba shaki xoogan ka taagan yahay waxeyna dad badan siweyn u dareemeen inuusan siyaasi aheyn kedib markii uu weerarkii xarunta baarlamaanka dhacay shir jaraaid uu qabtay isagoo markaasi hadlaya waxuu yiri waa in ay ciidamu hada dhaqaaqaan oo la dagaalaan Shabaab ma sidaas ayuu masuul Soomaaliyeed kula dagaalayaa kooxaha dalka ka dagaalama?

Tani waxey cadeyn u tahay heerka uu siyaasada ka joogo r/wasaare Cabdiweili oo awalba ahaa ganacsade nasiibkiisu noqday r/wasaare Soomaaliyeed.siyaasi caan ah oo Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtay isagoo leh markaan dhageystay qudbada r/wasaaraha Soomaaliya waxaan mooday in aan riyoonayo oo kale ileen hadii xitaa dagaal ay galeyso dowlada meel ku haboon oo lagu sheego ayaa jiro sida in saraakiisha iyo isagu kulmaan kedibna go,aan ay dad yar ogyahiin qaadaan ayuuu yiri.

Laakinse dadka qaarkood waxey leeyahiin dhibta wadanka ku sugan yahay waxaa sabab u ah mudanayaasha baarlamaanka oo badankood u kala socda koox koox midkastana uu wato dano ku qotoma deegaanada ay ka soo jeedaan dantii caamka aheyd ee Soomaaliyeed ayey meel iska dhigeen ilaa ay dhageysan waayaan amaba ay u hogaansami waayaan amarada gudoonka baarlamaanka oo marka uu golaha shirayo aysan soo xaadirin qaarkood marba hadaan laga hadleyn wax iyaga iyo degaanka ay ka soo jeedaan quseynin.

Isku soo duuboo isbedelka muuqda ee la doonayo ma ahan oo kaliya wasiirka Amniga oo iscasila r/wasaare Cabdiweli ayaaba u baahan in dib u eegid lagu sameeyo qaabka uu u guto xilka qaran ee loo ikmaday waa hadal heynta ugu badan ee mudanayaasha iyaguba koox koox uga howl gala dalka Soomaaliya.

Sikasta oo ay ahaataba waxaa lagu rajoweyn yahay sidii 2016-ka wadanka looga hirgelin lahaa dowlad ay shacabku soo doortaan cida hogaamineysa wado kasta oo loo maraba.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,612,334 unique visits