Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- R/wasaaraha Soomaaliya oo ay isbuucyadii tagay warar kala duwan ka imaanayeen mustaqbalkiisa siyaasadeed halka uu ku danbeyn doono ayaa waxaa siweyn gudaha Soomaaliya uga heysta caqabado xoogan oo miisaan culus leh kuwaasi oo ugu danbeyn laga yaabo inuu ku waayo xilka uu ku magacaaban yahay ee r/wasaaraha Soomaaliya.

Inkasta oo uu R/wasaare Cabdiweli ku cusbaa siyaasada Soomaaliya marka laga hadlayo marxalada iyo guud ahaan siyaasada Soomaaliya iyo mida caalamka hadane waxaa jira qodobo muhiim ah oo dhaawacaya siyaasadiisa kuwaasi oo ay ugu horeeyaan mudadii uu joogay siyaasada uu doonayey inuu dalka ku maamulo isagoo xil qaran ku magacaaban.

Kedib markii aanu dhawaan bulshada u soo bandhignay sida qaldan ee ay gudaha Soomaaliya uga howlgalaan xafiiska qaramada midoobay, ururka midowga Africa gaar ahaan IGAD iyo waliba ciidamada Amisom oo siweyn uga tunta madaxbanaanida iyo jiritaanka qaranimo ee umada Soomaaliyeed kaasi oo wadanka galinaya mustaqbalka gumeysi dhab ah, hadane waxaa muhiim ah ficilada siyaasiyiinta Soomaaliyeed in banaanka la soo dhigo inagoo ka bilabeyna r/wasaraha Soomaaliya.

R/wasaaraha Soomaaliya caqabadaha muuqda ee siyaasada Soomaaliya ka heysta waxaa ugu weyn.

1- Markii uu noqday r/wasaaraha Soomaaliya ilaa maanta uma eka shaqsi haya xil qaran waxaana siyaasadaha uu ku dhaqmo ka mid ah kala keynta xukumada iyo waliba shacabka Soomaaliyeed.hadaan sii kala qaadno qaabka uu bulshada u kala dilo ugu horeyn waxuu beesha uu ka soo jeeda ee Sade Mareexaan ku hayaa siyaasad iska daa iney talo isla meel dhigaane waxuu kala qeybiyaa iyaga dhexdooda waxuuna ahaa shaqsigii masuulka ka ahaa dagaalkii B/Xaawo dhacay dhawaan .

2- Marka laga hadlayo siyaasada guud ee dalka qaabka uu ku wado waa mid jahwarerkeeda watada waxuuna isticmaalaa dhawr xeeladood marka laga hadlayo arimaha Jubooyinka iyo maamulada waxuu aaminsan yahay in Jubooyinka iyo Gedo loo gacan geliyo Raaskaambooni. marka laga hadlayo arimaha maamulkii dhawaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed siyaasadaha uu isticmaalo waxaa ugu weyn inuusan aqoonsaneyn wax la yiraahdo 6 gobol iska daaye 3 gobol oo ay sheegan karaan beelaha Digil iyo Mirfle waxuuna ku doodaa iney dadkaasi kaliya yeelan karaan maamul goboleed ka kooban Bay iyo Bakool oo kaliya.

3-Cabdiweli Sheik marka beesha Sade dhaxdeeda laga hadlayo jufada uu ka soo jeedo waa markii ugu horeysay ee ay xilkaan qabtaan waana shaqsi sida lagu soo waramayo aaminsan wax la yiraahdo Daarood Clan taasi oo uu si qaldan xitaa magacaas u isticmaalo oo aysan u muuqan mid run ka ah kaliyana ujeedadiisu tahay dano siyaasadeed sidii loogu gaari lahaa arimaha noocaas ah.

4- Marka arimahaas kor ku xusan oo dhan meel leyska dhigo golaha wasiirada dhexdooda waxuu ku hayaan falsafad aad cajiib u ah oo qabiil mutaxan isagoo marka uu la kulmayo wasiiro ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle isku tusiya inuu saaxiibo la yahay xili uusanba degaanadooda u ogoleyn maamul goboleed dhaafsiisan labo gobol.Wasiirada ka soo jeeda Dirta iyo Daaroodkana waxuu u tusiyaa in ay xukumada uu r/wasaaraha ka yahay ay caqabad ku hayaan wasiiro uu ku sheegay qaswadayaal kuwaasi oo dhamaantood uu u arko Hawiye.

Sikastaba ha ahaatee waxaa jira warar sheegaya in r/wasaare Cabdiweli xiliga uu xilkaan sii heynayo ay aad u yartahay marka la eego qaabka qaldan iyo siyaasadaha badanaa afka uun laga ilaalinayo ee uu gudaha caasimada Soomaaliya ka wado.waxuuna ahda wax badan ugu ciyaarayaa amaba iska dhaadhiciyey maadaama dhawaan r/wasaare wasaarahii isaga ka horeyey baarlamanka rideen ineysan hada u muuqan in la ridi karo sidaasi daraadeed ayaa ku xambaareysa inuu wax badan oo lagu hormarin karay dalka ka gaabiyo siyaasado qaldana iska dhaadhicyo.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya caasimada Soomaaliyana waxey sheegayaan wasiiro uu horboodayo wasiirka arimaha gudaha iyo federalka oo sida lagu soo waramayo siyaasada Soomaaliya miisaan culus ku leh iney wadaan qorshe dalka loogu soo magacaabayo r/wasaarwe cusub.

R/wasaare Cabdiweli oo aan golaha wasiirada hada jira waxbo u arkin waxuu aad uga baqaa siyaasada wasiirka arimaha gudaha iyo arimaha federalka Cabdulaahi Godax oo ah shaqsi aan fikirkiisa la gaban waxuuna aaminsan yahay mr Godax in r/wasaaraha Soomaaliya laga keeno Puntland iyo wax la mid ah.

Qorshaha r/wasaare Cabdiweli xilkiisa ku weynayo ayaa lagu soo waramayaa ineysan aheyn mid uu wato madaxweynaha Soomaaliya laakinse waa kuwo siweyn abaabulkooda looga dareemayo golaha wasiirada iyo xildhibaano ay ka mid yahiin kuwa beesha Sade oo iyaguna u arka r/wasaaraha mid qilaaf aan loo baahneyn kala dhex dhigay beeshooda.

Isku soo duuboo hadiiba ay dhacdo in xilka r/wasaaraha Soomaaliya loo magacaabo qof kale waxey u badan tahay baa la leeyahay labo shaqsi midood. 1- Wasiirka caafimaadka oo ka soo jeeda Puntland oo isagu ka mid ah qurbajoogta kaasi oo magaciisa lagu sheegay S Eenow halka warar kale sheegayaan amaba ay qaar xildhibaanada ka mid ah talo ku soo jeediyeen in dib xilkaan loogu magacaabo Mohamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shaqsi wadani ah maadaama maamulka Puntland uusan hada wax xiriir ah la laheyn dowlada Soomaaliya waxey u badan tahay in Farmaajo dib ugu soo dhaxmuuqdo saxada siyaasada Soomaaliya walow aysan beesha caalamka jecleyn iney arkaan sedaxda masuul ee ugu sareysa dalka oo ah dad wadaniyiin ah, maadaama hada la hayo gudoomiye baarlamaan qibrad leh ahna shaqsi wadani ah Prof Jawaari iyo madaxweynaha Soomaaliya oo ah shaqsi heysta shacbiyada ugu badan dal iyo dibad arintaas oo ah mid ay siweyn beesha caalamku u dareensan yahiin inuu yahay madaxweynahii ugu miisaanka cuslaa ee wadanka soo mara waayadan. hadii Farmaajo la keeno waxey ka dhigan tahay in markii ugu horeysay mudo 22 sano ah dalka Soomaaliya loo helo masuuliyiin wadaniyiin ah.

Inkasta oo ay siyaasada Puntland siweyn u dhaawacday xurguftaan micno darada ah ee ay markasta dowlada dhexe ku hayaan jaaniska uu shaqsi beesha Majeerteen ka soo jeeda mar kale ugu noqon karo dalka Soomaaliya r/wasare aad ayey u yartahay waayadan dhaw xitaa hadii uu yahay shaqsi wadani ah sidaasi daraadeed hadiiba uu meesha ka baxo r/wasaare Cabdiweli Farmaajo cid ka jaanis wanaagsan ayaanba muuqan ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya oo naga codsaday in aanu magaciisa xusin.

La soco wararkeena danbe iyo mustaqbalka siyaasadeed ee r/wasaare Cabdiweli.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,606,145 unique visits