Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Inta aanan u guda gelin maamul goboleedyo ka soo bidhaamayo gobolada dhexe, Hiiraan, labada Shabelle iyo waliba gobolka Banaadir iyo qaabka ay wadanka uga curan doonaan dhawaan waxaa hadane muhiim ah in bulshada loo iftiimiyo in aan marnaba laga fursan doonin dagaal sokeeye kedib markii aanu ka eegnay dhinacyo badan arimo isbiirsaday oo ay 22 sano kedib mushtamaca Soomaaliyeed mar kale ula yimaadeen mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed amaba beesha Daarood oo iyadu isticmaaleysa xeelado ay hada dad yar dareesan yahiin ayna ku doonayaan iney wadanka dhan 75% ku qabsadaan iyagoo taageero siyaasadeed oo caalami ah ka helaya wakiilka QM iyo dowlado Soomaaliya deris la ah oo ay dabada la galeen qaarkood hadaanse bulshada u iftiimino meesha ay hada wax u marayaan beesha Daarood iyo sida ay isku abaabuleen ayna ku doonayaan iney dalka mar kale ku qabsadaan waa sidan.

1- Soomaalida oo uusan dareen badan ku jirin intooda badana iskaba iloobay arimaha qabiilka ayaa waxaa dalka dibadiisa ay qaar beesha Daarood ka mid ah ka abaabuleen urur ay ula baxeen SAHAL ururkaasi oo ay ujeedadiisu aheyd kaliya inuu abuuro qorshe ay ku midoobi karaan beelweynta Daarood ayaa waxey howshiisii ugu horeysay noqotay inuu soo bandhigo muuqaalo ay ku sheegeen in gumaad loo geystay qaar beeshaasi ka mid ah siiba beesha Ogaadeen oo aaqirkii sideetameeyadii xili ay ka soo qaxeen dhulka Soomaali galbeed una qaxeen koofur iyo waqooyi in si bareer ah loogu xasuuqay xadka Hiiraan iyo Ethiopia, magaalada Galkacyo iyo magaalada Hareysa.

Fariintaas waxey aheyd mid si qaas ah loogu gudbinayey Beesha Daarood sidey u dhan yahiin waxaana arintii halkeeda ka sii dharaandhiriyey madaxii Puntland hogaaminayey Faroole iyo ninka dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia madaxda ka ah iyagoona markii danbe isla meel dhigay sidii awood ciidan iyo mid siyaasadeed loogu qabsan lahaa Jubooyinka waxaana arintaas heshiis gaar ah ku wada galay Majeerteen iyo Ogaadeen iyagoo isku haleynayo dowladaha Ethiopia iyo Kenya.

Ugu danbeyn wali maamulka Juba ma ahan mid sidey rabeen u cagadhigtay waxaana hada fikirkii Ogaadeen iyo Majeerteen ku biiray beesha Sade badankood kedib markii ay arkeen in misirkii Jubooyinka Daarood ma ahne qof kale uusanba maanta ka hadli karin.

Waxaa qorshaha lagu qabsanayo Jubooyinka dabasocda sidii caasimada Soomaaliya ee Mogdishu looga ilaalin lahaa wax la yiraahdo nabad iyo nolol halkaasi ka dhalata maadaama ay ogyahiin inta ay caasimada Soomaaliya qasan tahay gobolada ku xeerana ineysan nabad noqoneynin waxey Mogdishu ka wadaan siyaasad qofkii aan maanta ogeyn uu arkidoono maalin aysan ka qarsoomeyn taasi oo ah.

1-Sidey u dhan yahiin siyaasigooda, wadaadkooda, aqoonyahankooda iyo waxgaradkooda beesha Daarood siiba Ogaadeen iyo Majeerteen amaba badankood mabdaooda guud waa in ay sii socoto mushkilada ka taagan caasimada Soomaaliya inta ay dalka intiisa badan ka soo qabsanayaan amaba u xalaaleysanayaan Jubooyinka maadama ay Puntland u dhisan tahay.

2- Siyaasada ay ciyaaraan waxaa garab ku siiya wakiilka QM oo isagu ku shaqeeya fikradahii Mahiga uu ku shaqeyn jiray xiligii kumeel gaarka oo aan hadaba waxbo dhaamin taasi ayaana maanta keentay Puntland oo aysan ku nooleyn gebigeed shacabka magaalada Belet Weyne oo kaliya ku nool in ay beesha caalamka ka fuliyaan mashaariic horumarineed oo aysan helin dalka intiisa kale marka laga reebo caasimada Soomaaliya oo ay mashaariic ka fuliyeen dowlada Turkiga waa shacab Soomaaliyeed beesha caalamka iyadaaba dalkeena dhaca oo lacag ku qaata mushkilada ka taagan hadii qeyb bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ay gaaladaas wax ka soo dhacsadaane waaba guul laakinse waxa aan ka hadleyno waa shaatiga qabiilkaa amaba Daaroodiism-ka ay dalka kawadaan xili hada laga soo kabmayo dagaaladii sokeeye.

3- Maamul Puntland waxey siyaasadiisu ku dhisan tahay in dalka intiisa kale uu burbursanaado dowladkastana mucaarado xildhibaanada iyo wasiirada Puntland ka soo jeedana caasimada Soomaaliya ka fuliyaan hadba siyaasadii ay ku lugooyn karaan iyagoo aan marnaba eegeyn danta guudna ma jirto xildhibaan amaba wasiir deegaanadaas ka soo jeeda oo isweydiiya waxa ay Puntland dowladkasta u mucaarado.

Hadaanse dib ugu laabano muhiimada qoraalkeena iyo maamulo ka soo iftiimayo degaano badan oo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya maamulada hada dhisan sida Puntland iyo kan ay hada u ololeynayaan ee Ahmed Madoobe waxey noqon doonaan amaba ku danbeyn doonaan kuwo magac ahaan u jira sida kan Puntland halka Jubooyinka ugu danbeyn uu ka dhici doono dagaal saf balaran ah oo u dhaxeeya Daarood iyo Non Daarood.

Qaabka u dagaalkaan u noqon doono Daarood iyo Soomaalid aaan Daarood aheyn waa sidan.

Ugu horeyn marka uu Jubooyinka dagaal ka qarxo ma dhici doonto in sidii horaantii 1990-kii horey iyo gadaal loo maro shacabka Digil iyo Mirifle oo dadkaas maanta wax badan ayey ka faaideen dagaalada sokeeye maadaama shacabka ugu badan Jubooyinka ay iyaga yahiin loolanka Jubooyinka hadeysanba iyaga bilaabin kaalin muuqata ayey ku yeelan doonaan,laakinse dagaalkaas magaca uu yeelan doono waxuu noqon doonaa amaba ku bilaaban doonaa mid u dhaxeeya beelahii USC iyo Daarood waxuuna waliba dagaalkaas Jubooyinka ka dhici doonaa iyadoo ay ku sugan yahiin ciidamada Kenya magaalada Ksimaayo.

Saadaashaan dad badan ayaa u arka mid aan macquul aheyn dhawr isbuuc ka hor ayaan waxaan dowlada Jabouti u soo bandhignay in uu xiriir ka dhaxeeyo madaxa Soomaaliland Ahmed Siilaanyo iyo hogaamiyaha Shabaab Godane xili uu booqasho ku tagay degmada Laasqoray waxaana qormadaas ku sheegnay in ay madaxda Shabaabku degan yahiin Hargeysa iyo Burco ugu danbeyna ay magaalooyinka waaweyn ee DJabouti qaraxyo ka geysan doonaan xili aan fogeyn maanta waxey arintii uu dhacday sidaan saadaalinay waayo mar hadii xaasaskii iyo caruurtii hogaamiyaasha Shabaab badankood ku nool yahiin gobolada waqooyi maxaa u diidayo iney booqasho halkaas ku tagaan kedibna Djabouti uga gudbaan nabada wadankaas ku ciyaaraan?

Marka ay Soomaalidu runta iska indhatirto ayey dhibta rasmigaa arkaan. hayeeshee qaabka ay ku curandoonaan maamulada wadanka ka soo bidhaamayo waa sidan.

Maamul loogu magac daray Central State of Somalia waxuu ka curan doonaa gobolada dhexe ee Soomaaliya waxaana ku midoobaya gobolada Mudug iyo Galgaduud oo hada dadaalka arintaas wuu socdaa dadkuna aad ayey u dareemeen dib u dhaca muuqda inuu uga yimid degaankooda oon laheyn maamul adag kana gadmi kara Soomaaliweyn iyo beesha caalamka waxuuna maamulkaan bilaaw fiican u noqon doonaa dadka degaankaas ku nool oo dhul, xoolo iyo badba leh waxeyna u muuqataa inuu tanaasulka ugu badan ka imaan doono maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb oo siwada jir ah maamulkaas ay shacabku u dhisan doonaan tiro yarba fikirka ha bilaawdo laakinse ugu danbeyn waxuu noqon doonaa maamul hana qaada.

Dadka degaankaan ku nool oo horey looga waayey war idinka heshiiya inta aanba Hiiraan loo gudbin waxey u fureysaa in xal laga gaaro colaado iyo xurguf aan wax badan ku fadhiyin oo bulashada kala dhantaashay mudo fog.

Sidoo kale waxaa maamulkaas ay isku waqti noqon doonaan mid kale oo ka curta Hiiraan kaasi oo laga yaabo in loogu yeero Hiiraan State maadaama uu gobolkaas ka danbeeyo 8dii gobol ee ugu horeysay Hiiraana laga dhigo labo gobol markii kan gobolada dhexe lagu dhawaaqo meesha ugu horeysa ee laga taageeri doono waa Hiiraan waayo labada shacab waxaa ka dhaxeyn doono ganacsi xoogan maadaama ay reer Hiiraanku aad u daneynayaan iney mustaqbalka wax kala soo degaan amaba ka dhoofsadaan dekedaha Hobyo iyo Mareeg oo hadaba ku yaala degaanka loo sameynayo maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa isagana ka curan doono gobolada Koofureed kaasi oo hadaba bilaaw fiican maraya lehna meel wax laga bilaabi karo dadka degaankaasna ay ku haminayaan iney dhidibada si wanaagsan ugu taagaan waana macquul inta uusanba Jubooyinka ka dhicin dagaal sokeeye iney beelaha degaankaas degan si ka duwan maamulka Ahmed Madoobe iney u kasbadaan oo ay sidaas dhib la'aan iyagoo garab ka helaya labadan maamul ee goboalda Dhexe iyo Hiiraan looga dhawaaqayo iney sidaas kumaamulaan 5 gobol oo halkii ay ka lahaayeen 6 gobol laga reebo Sh/hoose kedibna labada Shabeele noqdaan hal maamul.

Ugu danbeyn Banaadir oo ah Federal Zone waxey noqon doontaa State gooyni ah oo muhiimadiisa leh loolan iyo dagaalo kooban ugu danbeyn dalka Soomaaliya waxuu noqon doonaa 6 State oo xoogan sida Somaliland, Puntland, Central Somali State, Hiiraan State, Shabelle State, Banaadir State,South Somali State.

Mudo dhawr sano kedib shacabka Soomaaliyeed oon aqoon badan u laheyn nidaamka federalka
waxuu muwaadinkasta oo Soomaaliyeed meelkasta oo uu dalka kaka noolyahay si sharaf leh ayuu ugu noolaan doonaa iyadoon la tagooreyn waayo waxaa bilaaban doono tartan dhinaca horumarka ah waxaase ka horeeyo hal amaba labo dagaal oo ay masuuliyadiisa qaadi doonaan wakiilka QM,IGAD iyo waxiila mid ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,568,562 unique visits