Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Kedib waxii ka danbeeyey markii ay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya shaqadii ka xayuubiyeen r/wasaare Saacid dibna xilkaan loogu magacaabay r/wasaaraha hada ku magacaaban Cabdiweli Sheik ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in mudo aan la cayimin uu xilka r/wasaaraha Soomaaliya uu waayi doono kedib jahwareer siyaasadeed iyo fashil u muuqda mid uu isagu gacantiisa ku keensaday oo hareeyey xafiiskiisa.

R/wasaare Cabdiweli oo dhawr isbuuc ka hor aaminsanaa inuu xilkaan heyn doono inta laga gaarayo 2016-ka waxaa hada gudaha Soomaaliya ka heysta caqabo badan oo hadaan mid mid bulshada ugu soo bandhigno ay adkaaneyso inuu xilkaan maalin kale sii haayo.

R/wasaaraha Soomaaliya oo isagu ka mid ahaa qurbajoogta ku nooleyd dalka Kanada waxuu ahaa sida la sheego shaqs i u dhaxeeyey ganacsi iyo hayadaha NGO-yada dhinaca siyaasadana waxuu ahaa markii xilkaan loo magacaabay mid aad uga aradan mana jirin dad arimaha siyaasada kala taliya inta uu ka yeelanayo qibrad ugu danbeyna waxuu wax badan ugu dheelaa amaba siyaasada Soomaaliya ku maamulaa qodobadan aad u yareynayo inuu xilkaan sii hayo.

1- Waxuu siweyn ugu lug leeyahay dagaalada ka socda Sh/hoose ee hada u dhaxeeya beelo Soomaaliyeed isagoo xili uu booqasho ku tagay gobolkaas si hoose beel ka mid ah kuwa dagaalamaya gooyni ula shiray, iyadoo ujeedadiisu aheyd sidii uu u fulin lahaa heshiis uu kooxda Raaskaambooni kula soo galay magaalada Ksimaayo kaasi oo dhigayey inta ay kooxdaas ka qabsanayaan gobolka Jubada dhexe inuu ka mashquuliyo.

2- Waxuu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in aysan shacabka Digil iyo Mirifle siyaasada Soomaaliya kaalin muuqata ku yeelan mustaqbalka dhaw iyo kan oo fogba waxuuna olole balaaran ugu jiraa sidii shacabkaas oo ay hada dagaal kula jiraan dhalinyaro huwan magaca Shabaab laakinse ka amar qaata Shek Hasan Turki iyo Jabhada Ogaadeenya ee ONFL oo doonaya iney qabsadaan inta u dhaxeysa Tuulada Caato, Quracjoome ilaa Ceel Barde si shacabkaas dagaalo loogu mashquuliyo inta ay kooxda Raaskaambooni ay gacantooda soo galayso Gobolka Gedo ujeedada dagaalkaasne waa sidii shacabka Digil iyo Mirifle aysan u helin maamul goboleed ka badan Bay iyo Bakool waana siyaasada R/wasaare Cabdiweli uu ma anta ku hayo Soomaaliya.

3-Wax yaabaha ku xambaarayo siyaasadan quracan ayaa waxaa ugu weyn inuu iska dhaadhiciyey in aan xilka uu ku magacaaban yahay marnaba laga qaadi Karin oo uu r/wasaarahii isaga ka horeyey uu ku baxay qilaaf kala dhaxeeyey madaxweynaha sidaasi daraadeedna ay ku xambaareyso inuu wax badan uga ciyaaro dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

4-Waxey wadaan qorshe shirakadaha Turkigaa ee ka howlgala koofurta Soomaaliya looga saarayo halkaas iyadoo ay ka shaqeynayaan isaga iyo wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Qoorsheel sidii shirkada ka howlkasha garoonka Aden Cade loogu bedeli lahaa shirkad Taliyaani ah shaqaalaha Turkigana looga dhaadhicin lahaa ineysan amaan aheyn Mogdishu iyo nawaaxigeeda.

5- Dagaalka siyaasadeed ee ay ku jiraan r/wasaare Cabdiweli, Raaskaambooni iyo maamulka Puntland ma ahan mid aanu halkaan ku soo koobi karno laakinse waxaa muhiim ah inuu dib u dhacay qorshe uu doonayey r/wasaare Cabdiwewli inuu degaanada Puntland ku tago kaasi oo suurogeli waayey labo jeer waxii kenay dib u dhacaasne waxaa ugu weynaa waftiga r/wasaaraha soo raacaya iney ahaadaan kaliya shaqiyaad ka soo jeeda beesha Daarood maadaama ay Puntland codsatay iney doonayaan iney si gooyni ah r/wasaare Cabdiweli iyo iyaga isku wareystaan waxaana safarkaan r/wasaraha uu kaligiis Puntland ku tagayo ka shaqeynayey wasiirka qorsheynta dowlada federalka oo degaanadaas ka soo jeeda.

Inkasta oo aan siyaasada r/wasaaraha Soomaaliya oo ku dhisan dano qabiil aan halkaan lagu soo koobi Karin hadane waxaa muhiim ah in aanu bulshada dhinaca kale wax ka tusino.

Dhawaan ayey aheyd markii ay magaalada Baydhabo ku gubeen sawirka r/wasaare Cabdiweli shacabka degaankaan oo uu ku hayo yasitaan waxeyna arintaas dareen culus gelisay beesha Sade oo ka cabsi qabaan inuu r/wasaarahaan xafiiska ka tago isagoo colaad uga abuuray beelaha kale ee Soomaaliyeed waxeyna wararkii ugu danbeyey ee aanu ka heleyno Soomaaliya sheegayaan in ay qaar beesha Sade ka soo jeeda iyo xildhibaano u badan kuwa Bay iyo Bakool wadaan qorshe r/wasaare Cabdiweli inta uusan Soomaalida ka dhax dhalin dagaalo sokeeye in xilka laga qaado.

Qorshaha arintaan oo siweyn ugu soo xoogeysanayo gudaha Soomaaliya waxey wararka qaarkood sheegayaan in laga yaabo r/wasaare Cabdiweli lagu bedeli doono Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wallow uusan isagu arintaas war u heyn wali laakinse waa howl u muuqata macquul lana dheyelsan Karin.

R/wasaare Cabdiweli oo isagu qudhiisa dareensan inuusan hada hesyan taageero xoogan oo dhinaca shacabka ah aadna ugu walwalsan inuu Farmaajo soo laabto waxuu guluf xoogan ugu jiraa sidii uu heshiis deg deg ah iyo xal siyaasadeed uga raadin lahaa madaxweynaha Soomaaliya sida laga soo xigtay dad aad ugu dhaw xafiiska r/wasaaraha.

Sikastaba hadaan wadanka laga qaban maanta r/wasaare Cabdiweli, Raaskaambooni, madaxa Kilinka 5aad ee Soomaalida Ethiopia iyo Puntland Soomaali badan mudo wey ka qoomameyn doonaan wax badan oo ay hada sahlanayaan oo laga hortagi karo inta ay koori koor tahay.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,579,850 unique visits