Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Kedib waxii ka danbeeyey qabsashadii ay Kismaayo qabsadeen ciidamo ka socday dowlada Kenya iyo maamulkii fashilmay ee Azania markii danbena meesha u baneeyey kooxda Raaskaambooni ayaa waxaa marba marka ka danbeeya isbed bedelayey siyaasada Jubooyinka taasi oo ilaa maanta aysan suuro gelin in uu halkaas ka hirgalo maamul muuqda oo ay ku wada qanacsan yahiin shacabka degaankaas ka soo jeeda oo ka kooban Soomaaliweyn.

Inkasta oo ay magaalada Kismaayo soo martay kooxo kala duwan qaarkoodna mudo dheer maamulayeen waxey magaalada hada gacanta ugu jirtaa dowlada Kenya waayo lama dhihi karo waxaa heysta Raaskaambooni iyo Ahmed Madoobe waayo hadii Kenyanka caawa baxaan maalmo kooban ka badan ma sii joogayaan Raaskaambooni waa xaqiiqada gudaha Soomaaliya ka jirta sidaasi daraadeed waxaa muhiim ah bal in aanu dulmarno siyaasadahii ugu danbeeyey ee halkaas ka jira iyo sida ay marba marka ka danbeeya kooxda Raaskaambooni ugu sii xuubsiibaneyso Koox ka kooban hal qabiil iskuna haleynaya awooda ciidamada dowlada Kenya kama hadleyno inuu Ahmed Madoobe uusan ku jirin damac siyaasadeed ee uu ku hogaamiyo mustaqbalka shacabka Jubooyinka laakinse waxaan ka hadleynaa sida ay wax u socdaan iyo waxa shacabka idaacadaha looga sheegayo in ay tahay kaaf iyo kala dheeri.

Inkasta oo uu dhamaaday waqtigii kumeel gaarka ahaa ee ay dowlada Soomaaliya u qabatay jiritaanka maamulka Juba hadane hada wax la yiraahdo maamul Juba ma jiro waxaana hada siyaasada Kismaayo laga maamulaa Garoowe dadaalada hada ka socda Kenya iyo Kismaayo iyo kulamada ay horboodayaan madaxa maamulka gobolka Majeerteeniya Cabdiweli Gaas iyo hogaamiyaha Raaskaambooni Ahmed Madoobe, Mohamed Cabdi Afey oo sheegta beesha Ogaadeen laakisne asalkiisa lagu sheegay inuu ka soo jeedo qabiilka Geraha qorshahooda amaba siyaasada ay Kismaayo ka wadaan waa sidii ay dhawaan ugu dhawaaqi lahaayeen gole deegaan ka kooban 63 xubnood kaasi oo dhamaantood ku mideysdan yahiin beelaha Ogaadeen, Majeerteen sidaasina Ahmed Madoobe mudo cayiman ku hogaamiyo inta laga gaarayo doorasho rasmi ah.

Qorshahaan waxaa dhinac socda mid kale oo Col Bare Hiiraale looga dhaadhciinayo in dhaqaalaha dekeda Ksimaayo qeybtiisa la siin doono isaguna uusan soo dhaafin Tuulada Goobweyn ee uu hada ku sugan yahay arintaana waxaa loo xilsaari doonaa hirgelinteeda waxgarad ka soo jeeda beesha Sade si looga nabad galo dagaal kaka yimaada Bare Hiiraale inta uu maamulka ka wada qabsanayo dhamaan sedaxda gobol ee Jubooyinka.

Qaabka la doonayo in Jubooyinka lagu qabsado waxey noqon doontaa sidan.

1-Waxaa garoon diyaaradeed dhawaan laga hirgalinayaa iyadoo la isticmaalayo magaca dowlada Soomaaliya magaalada Dolow si halkaas maleeshiyada siyaasad ahaan taageeri doonta raaskaambooni hubka iyo saadka ay doonayaan looga soo dejiyo halkaas.

2- Qorshahan waxaa daba socda si ay u helaan wado ay waxkasta ugu yimadaan Ahemd Madoobe iyo Kooxdiisa magaalada Jigjiga in lala heshiiyo qabiilka Dirta siiba qolada la yiraahdo Gaadsanta ee degan Luuq,Boolgaras ilaa magaalada Baareey oo ku taalo gudaha dhulka Soomaalida Ethiopia qorshan lagula heshiinayo Dirta halkaas deken ujeedadiisu waa sidii aysan beeshaasi wax awood ah ugu lahaan koofurta sidaasi daraadeed qaarne waxaa si dadban loogu abuuray colaad si loo mashquuliyo sida Biyamaalka oo kale kuwane inta danta laga leeyahay laga gaarayo waa loo madax salaaxayaa.

Dhinacaas iyo Somaliland

Warar xaqiiqda u dhaw oo naga soo gaaraya dhulka ay maamusho Soomaaliland ee Sool iyo Sanaag ayaa sheegaya in halkaas la geeyey ciidamo aad u badan kuwaasi oo u muuqda iney saldhigyo waaweyn ka sameysteen goobaha istiraatiijigaa ee ku yaala goboladaas amaba laga difaaci karo mustaqbalka dhaw iyo kan fogba. maamulka Soomaaliland oo aaminsan hadii uu lumiyo Sool iyo Sanaag amaba ay gacantiisa ka baxdo in aysan noqon Karin dowlad madax banana oo ka goday Soomali inteeda kale loona arkayo maamul sida kan Puntland ay hal qabiil sameysteen iyagoo fikirkaas ka cararaya hadane sanadahii ugu danbeeyey waxuu maamulka Siilaanyo awoodiisa iskugu keeyey sidii uu ku xajisan lahaa dhulkaas isagoona dhawaan kala ceyriyey shirkii ka socday magaalada Taleex waxgaradkii iyo siyaasiyiintii iskugu timidna la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Waa macquul marka aan iftiimino siyaasadaha laga yaabo inuu daacad ka yahay Prof Jawaari ee uu bilahii ugu danbeeyey lugaha kula jiray kuwaasi oo ay badankood madaxa u geliyeen shaqsiyaad marna u muuqda iney isku ujeedo ka yahiin siyaasada Soomaaliya marna dano qabiil ku dabaqaya kuwaasi oo ay ugu horeeyaan r/wasaare Cabdi Weli iyo madaxa maamulka Puntland Cabdiweli Gaas.

Prof Jawaari oo inta badan isku xakameeya waaya aragtinimadiisa hadane waxaa hada ku soo fool leh fashil siyaasadeed mar hadii raga uu siyaasad ahaan wax la wadaago aysan daacad aheyn arimahooduna ku kooban yahiin dano qabiil. mar si hoose ay uga hadlayeen siyaasiyiin reer Puntland ah waxaa laga soo xigtay iyagoo leh Prof Jawaari waxii looga baahdo waxaanu u mareynaa ninka hada Safiirka ka ah dalka taliyaaniga oo markii lagu dhawaaqay mudanayaasha baarlamaanka intii aan la dooran gudoomiye Jawaari noqday shaqsigii ugu dadaweynaa kaasi oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen hadana dalka Soomaaliya u fadhiya Taliyaaniga.

Sidoo kale Cabdiweli Gaas qudhiisa mar uu magaalada Mogdishu u tagay tacsida geeridii r/wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxuu si gaar ah ula kulmay gudoomiyaha baarlamaanka xiligaasi oo uu aaminsan yahay inuu wax badan ka soo dhameeyey Prof Jawaari dhawr bil kedibna arimo badan kala shaqeyn doono Puntland waana waxa hada muuqda.

Isku soo duuboo marka dhinaca kale laga cabiro siyaasada guud ee dalka waxaad moodaa in aan loo fadhiyin siyaasadaha qar iska tuurka ah ee ay horboodayaan beelaha Ogaadeen iyo Majeerteenka siyaasiyiintooda mar hadii aysan jirin waxgarad ka soo jeeda beelahaas oo kula taliya iney bedelaan fikirka qaldan waxaa isbuucyadii la soo dhaafay mudo 22 sano kedib ka socda magaalada Mogdishu
qorshe hada u muuqda bilaaw laakinse laga yaabo inuu xoogeysto kaasi oo gawaarida 4WD ah looga jarayo madaxa si loo saaro hubka lagu dagaalamo weyna ku adkaan doontaa QM,Midowga Africa iyo Amisom iney dejiyaan colaadaas.

Sidoo kale waxaa hada si dadban loola wareegay degaano ay ka mid yahiin No 50,Tixsiile, ilaa magaalada Daafeed iyadoo uusan xabad ka dhicina ciidamo duleedka degaanadaas la dhigay sida maalinba magaalo hor leh loo tagayo iyadoo Kismaayo xabada ka dhaceyso ayaa ugu danbeyn la arki doonaa waa sida ay qabaan dadka aragtida fog.

La soco wararkeena danbe iyo siyaasada la qabyaaladeeyey ee wadanka ku soo kordhay xiliyadii hore waala heer magaaleyn jiray hada miiska ayaaba la soo........

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.91 seconds
14,667,546 unique visits