Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Dadaaladii lagu soo dhisay Hiiraan State qeybtii labaad

Wararka MaantaAxad 6, March 2011(HSOL)-Mirahii ka soo baxay shirkii Kenya waxey noqotay wax runtii lagu farxo waxeyna markii shacbaka Hiiraan maqleen in dowlad goboleed ay sameysteen shacabka Hiiraan waxey ka bilaabeen meelkasta oo ay joogaan dabaal degyo iyo damaashaad.

Madaxweynaha Hiiraan State ayaa doorashada la doortay ay dhalinta reer Hiiraan siiba da yarta u aheyd farxad iyo damashaad maadama uu yahay hogaamiye codkar ah una soo halgamay shacbaka Hiiraan.

Wadamadii laga dabaal degay ayaa waxaa dadkii ka yaabiyey jaaliyada Hiiraan ee dalkaasi Yemen oo iyagu xero qaxooti ku jiray oo hadane iskugu yimid mid ka mid ah tiyaatarada ugu waayeyn dalkaasi Yemen oo ay kiresyteen.

Maamul goboleedka Hiiraan oo ay inta badan sugayeen shacabka Somaliyeed ee u arkey in hadii Hiiraan la nabadeeyo ay ka dhigan tahay Somaliya oo nabad ah ayaa waxaa sawir gacmeed ka sameyey farshaxaniistaha weyn ee Somaliyeed Amin Camir , sawirka oo muujinaya madaxweynaha Hiiraan State oo dhulka hoostiisa kala soo baxaya Calanka iyo Hiiraan iyo kan Somaliya halka uu dhinac akale shacbaka Somaliyeed ugu baaqayo nabad.


Sidoo kale wadamadii dabaaldega sameyey waxaa ka mid ahaa Jaaliyada reer Hiiraan ee Kenya oo mudadii uu shirku socday si is daba joog ah ula socda hadba heerka uu shirku marayey.

Sidookale jaaliyada reer Hiiraan ee ku nool dalkasi Uganda ayaa iyagu halkasi ka dhigay wacdaro iyo isu soo bax aan la qiyaasi karin.

Farxadii dadka reer Hiiraan ilaa maanta ayey socotaa inkastoo shaqsiyaad u adeegayo dano ay wataan dad ka koreeya reer Hiiraan ay maamulka hagardaamo ku hayaan hadane intii badneyd wuu ka soo gudbay maamulka HS oo hada dadku waxey wadaan iney u tanaasulaan maamulka Hiiran State maadamaa aan indhaha laga qabsan karin dadaalada iyo dhaqaalaha lagu soo dhisay tiiyoo ay tahay fikir ka yimid reer Hiiraan.

Arinta ugu xiisaha badan ayaa ah madaxda hada hogaamineysa iney iyagu intoda badan ay doonayaan oo kaliya iney arkaan Hiiraan oo nabad ah oo aysan xukun ugu cadeyn iyadoo inta badna golaha wasiirada ay ka dhawaajiyeen iney diyaar u yahiin xitaa hadii la hayo dad ka mudan iney u baneynayaan uguna tanaasulayaan masuuliyada ay ka hayaan Hiiraan State waa hadii dad caafimaad qabo oo loo tanaasuli karo arkaan.

Ugu danbeyn Hiiraan State cidkasta wey soo dhaweyneysaa kii damac siyaasadeed ku jiro waa inuu iska sugo waqtigiisa kii aan sugi karina si sharaf leh ha u dhaho wax baan rabaa ee yuusan isku dayin inuu carqaladeeyo maamulka ay shacabku dhibta ka soo mareen walina aan ka howl galin dhulka Hiiraan.

Kii aan tanaasuli karin Hiiraan State ayaa tanaasul diyaar u ah ee la imaaw wax laguugu tanaasuli iyadoo la kasbanayo shacabka iyo indheergaradka Hiiraan.
Gunaad iyo gabo gabo xalaal maalin cad ayaa la quutaa, Hiiraan State hala soo raaco hana la taageero yaan shaqsi la taageerin ee System hala taageero.


Insh warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.55 seconds
14,612,149 unique visits