Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 2
tinayg16, milliejy2

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:- Inkasta oo sida leyskaka dabawareegayo ugu danbeyn ay daaqada si rasmi ah uga bixi doonaan xukumada hada jirta sidey u dhan yahiin marka aan xaqiiqada taalo golaha baarlamaanka iyo qorshaha miiska u saaran aan dib u jaleecno hadane warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya in maalmaha inagu soo aadan xil kaqaadis lagu sameynayo wasiirka arimaha gudaha kaligiis iyadoo bulshada Soomaaliyeed loo sheegi doono in xukumada lagu sameyn doono isku shaandheyn kooban ujeedaduna waa sidii xilka looga qaadi lahaa kaliya wasiirka arimaha gudaha.

Qorshaha wasiirka arimaha gudaha iyo arimaha federalka looga qaadayo xilka ayaa ah kuwo wajiyo badan kedib markii ay wax badan ku adkaadeen r/wasaare Cabdiweli kedib markii uu wasiirka arimaha gudaha ka soo horjeestay amaba sheegay in uu waqtigii kumeel gaarka ahaa ee maamulka Juba dhamaday walina u maamulkaas muran ka jiro.

Sidoo kale waxaa uu si bareer ah u diiday inuusan ogeyn meel lagu go'aamiyey maamulka 3da gobol ee koofur galbeed taasi oo ilaa hada meel mar noqon weysay xitaa hadii Madoobe Nuunoow oo ah madaxweynaha lixda gobol loo balan qaaday in uu maamulka 3da gobol madaxweyne u noqonayo si kumeel gaar ah arintaas oo la doonayey in Madoobe Nuunoow lagu soo xerageliyo beesha caalamkana loo sheego in qilaafkii maamulka koofur galbeed la xaliyey.

Diidmadii uu maamulka 3da gobol ka soo horjeestay wasiirka arimaha gudaha oo isagoo howshaan qaabilsanaa r/wasaare Cabdiweli iyo prof Jawaari oo sharciga garab maraya awood aan la ogeyn meesha ay dastuurka kaka qoran tahay iyagoo isticmaalaya maamulka 3da gobol ku dhawaaqay taas oo ka dhigan wasiirka arimaha gudaha oo isagu ah xildhibaan ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka oo gudoomiye Jawaari xilka gudoomiyenimada ku qabsada oo kale oo yiraahda anigoo xildhibaan ah iyo Jawaari isku awood ayaanu nahay.

Arinta kale ee wasiirka arimaha gudaha xilka looga qaadayo ayaa ah kedib markii aad loo dareemay inuu miisaan siyaasadeed la soo baxay kedib markii mudo laga fikirayey hadii xilka laga qaado qofkii lagu bedeli lahaa maadaama ay dowladu ku dhisan tahay 4.5 lana waayey qof ka soo jeeda beesha Xawaadle oo xilka wasiirka arimaha gudaha hunguriyeeya maadaama ay hada beeshu siweyn iskaka warqabto oo xitaa mararka qaarkood iyadoo la tijaabinayo siyaasada r/wasaare Cabdiweli heerka ay gaarsiisan tahay iyo inuu yahay shaqsi wadankaan inuu dejiyo doonayo iyo inuu fowdo u horseedayo waxaa la diraa shaqsiyaad beesha Xawaadle ka soo jeeda oo iskaka dhiga iney doonayaan xil wasiirnimo taasi oo sida xaqiiqada ah wax badan oo r/wasaaraha Soomaaliya ka guuxayo hada siweyn looga dheregsan yahay.

Wasiir Godax waxaa kale oo lagu heystaa inuu siyaasada dalka waji kale u yeelay uuna ka shaqeynayo sidii ay shacabka gobolada dhexe qoys qoys ugu heshiin lahaayeen arintaas oo aan waaayadan looga baran wasiiradii dalka soo maray 22 kii sano ee ugu danbeysay.

Inkasta oo ay shacabka Hiiraan ka dheregsan yahiin in uu madaxweynaha Soomaaliya hada ku jiro xaalad u muuqata xabsi guri lagana joojiyey shirarkii caalamiga ahaa waxii la doonana hada laga sameeyo waxey siyaasadiisu ku soo aruurtay mid ku kooban siduu u difaacan lahaa kursiga madaxweynenimo arintaasne caad kama saarna bulshada Soomaaliyeed.

RW Cabdiweli hadii uu ahaan lahaa RW dalka iyo dadka u naxaya xili kasta oo uu xil ka qaado golahiisa wasiirada amaba u magacaabo dad badan dhib uma arki laheyn laakinse hada waxuu wasiirka arimaha gudaha ku heystaa maxaad u fashilisay maamulkii 3da gobol kii Jubana aduunyada ugu sheegtay in wali leysku heysto kedib markii Qaramada Midoobay oo RW Cabdiweli iyo Prof Jawaari ka
sugeysay in ay soo xulaan 10 qofood oo ay 5 ka socoto maamulka 3da gobol iyo 5 ka socota maamulka 6da gobol ay suuroobi weysay markii ay diideen arintaas Madoobe Nuunoow oo hada loo arko shaqsi taageero siyaasadeed ka heysta wasiirka arimaha gudaha taageeradaas oo ay ugu weyneyd mediyahii uu wasiirku ka yiri ma jiro maamul 3 gobol ah wasaarada aan madaxda ka aheyne shaqo kuma lahan.

Laakinse sida aan xog rasmi ah ku heyno hadii ay dhacdo in qaabkaan qaldan RW Cabdiweli wasiirka arimaha gudaha uga qaado xilka isagoo ku bartilmaameedsanayo arimaha Jubooyinka wararka aanu heleyno waxaa ugu weyn in maalinta lagu dhawaaqo in xilka laga qaaday 24 saac gudahood Hiiraan looga dhawaaqayo maamul goboleed kedibna cid Ku qasban iney sharciga dalka u hogaansanto iney reer Hiiraan kaliya yahiin iyo in kale isla isbuucaas ayaa la kala ogaanayaa waliba maamulo badan oo dalka ka jira ayaa maalin iyo habeen bulshada Hiiraan la soo xariira oo leh war maad maamul goboleed ku dhawaaqataan cid ay reer Hiiraan kala cararaan rabitaankooda ma jirto xiligey doonaan ayey maamul goboleed ku dhawaaqanayaan hadiise wadanka laga deyn waayo fowdada xalka meesha uu ka jiro kama labo labeynayaan ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah waxgaradka Hiiraan.

Hadii maanta si daacad ah looga hadlayo siyaasada guud ee dalka ka jirta tan iyo markii wasiirka 1aad loo magacaabay RW Cabdiweli xalka kuma jiro oo kaliya in wasiir amaba taliyo ciidan la bedelo dowlada dhan min madaxweyne ilaa bitooni ayaa ku fashlmay arimaha siyaasada dalka waxaadne ka garan kartaa wasiirka maaliyada waxuu Kismaayo u joogaa danaha qabiilkiisa wasiirka arimaha gudahane waxaa xilka looga qaadayaa sidee ayaad shacabka gobolada dhexe hashiiskooda hormuud ugu noqon kartaa iyo wax la mid ah yaan dad iyo dagaan laheyn maxaa ka qaldan madaxdaan dalka horboodeyso.

Malaha RW Cabdiweli waxaa wadanka ugu danbeysay iyadoo nin madaxweynahii dowladii Kacaanka Marxuum Maxamed Siyaad Bare nin la dhashay xaaskiisa Dharaar cad nin ka shaqeynayey maqaayada Hotel Guled Garguurte oo reer Hiiraan ahaa xabad ku dhuftay isagoo waxbo ka haleyn, kedibna isla qabiilkii ninkaas la dilay ka dhashay 24 saac gudahood ay iyaguna nin ku dilaan gobolka Gedo kaasi oo qaraabo la ahaa Siyaad Bare malaha dadka bulshada Soomaaliyeed u galaya siyaasada qaranimada qabyaalada ayaa ugu weyn yaase xil qaran hada kedib lagu qaldayaa oo looga faaideysanayaa hadii shaqsi kasta oo fursad siyaasadeed ay soo marto waxii la soo maray gocanayo?

Culeysyada madaxweynaha Soomaaliya ka heysta siyaasada guud ee dalka.

1- Sidii maalin kasta loo lahaa marka ay madaxweyne iyo RW is qabtaan R Wasaraha ha tago arintaas caalamku hada xiiso uma qabo sidaasi daraadeed waxuu ku soo aruuray difaaca kusigiisa iyo xalinta qilaaf hoosaad ka dhextaagan xisbigiisa dhexdooda oo iyagu inta badan shaqsiyaadka uu RW ka dhigo u keenaan halkii uu isagu Soomaalida ka soo xulan lahaa sidaasina hadba RW uusan fahmeyn siyaasadiisa dalka ugu magacaabo.

2- Dhinaca kale waxuu cadaadis iyo mucaarad muuqda ku haya beesha uu ka dhashey ee Abgaal oo aan iyadu siyaasad ahaan kaligood istaagi karin maalin iyo habeena shirar joogta ah ugu tago xarunta Villa Somaliya iyagoo leh Hiiraan waxaad hoosgeysaa Jowhar arintaas oo siweyn looga dheregsan yahay isagane hadii uu arintaas reer Hiiraan ula yimaado hada kedib waxey noqoneysaa in siyaasada Soomaaliya oo kuwa handadayo kaliya lagu ixtiraamo handadaadooda oo iyagoo aan haba yaraatee dowlada uu madaxweynaha ka yahay iyagoo aan taageersanayn safiiro abaal gud uga dhigaya cida reer Hiiraan kaliya ku qasbeysa amaradiisa u hogaansanto waa loo joogaa ayey tiri mid ka mid ah ururka haweenka Hiiraan maadaama aduunyadu ay hada horumartay oo uusan wadanku laheyn wax sir ah waxkasta oo 24 saac kasta ka dhaca Villadana si sahlan lagu helayo hadane waxaan warbixinadeena danbe ku soo qaadan doonaa hamigii loo hayey dowladan iyo meesheey hada ku socoto sida ay kaaf iyo kala dheeri u tahay reer Hiiraana la joogo waqtigii ay dhulkooda u tashan lahaayeen.

Meesha kaliya ee madaxweynaha Soomaaliya looga aqoonsan yahay waa Hiiraan Puntland waxey ugu yeeraan madaxweynaha Mogdishu waxeyna ceydaas ku muteysteen safiirka Mareykanka in loogu abaal gudo, isaga madaxweynahii ka horeyey Shiikh Shariif oo waxkasta siin jirayna jufada uu ka dhashay Abgaal oo la yiraahdo Harti Abgaal ilaa maanta waxey ugu yeeraan Rati Abgaal iyo wax la mid ah.

Adeer wadankaan siyaasadiisa bilaha soo socda iyadaanba leys dul saarnaaneyne dowladaane iyadaaba fashil lugaha kula jirtee yeysan reer Hiiraan ku mirmirsiyoone ficiladey la timaado ha lagula dhaqmo ayuu yiri shaqsi ka mid ah siyaasiyiintii hore ee reer Hiiraan uga midka ahaa dowladii Kacaanka oo naga codsaday in aanan magaciisa xusin.

Hadaba la soco wararkeenaq danbe iyo siyaasada Soomaaliya sida ay maalinba maalinta ka danbeysa u sii xumaaneyso.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiiraan state.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.80 seconds
14,905,840 unique visits