Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; South Sudan Music ; ; Ugandan Music ; ; Djabouti Music ; ; ; ; Eriterian Music ; Kenyan Music ; ; ; Sudanes Music ; ; ; Soomaali Music ; ; Ethiopian Music;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 61,192
· Newest Member: Quadirkl

Welcome

HS:-

NewsHS:- Inkasta oo waayadii danbe la siyaasadeeyo dagaalada soo noqnoqda ee ka dhaca qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya siiba degaano ay ka mid yahiin koofurta, bartamaha iyo waliba gobolada waqooyi sida Sool iyo Sanaag hadane inta aanan dagaalada kale ka hadlin waxaan qormadeena maanta ku soo koobeynaa dagaalka Kabxanley iyo Deefow ka dhacay ee ugu danbeyn gudaha Ethiopia leysla galay.

Kabxanley iyo Deefoow ma ahan tuulooyin maanta dhashay dadka kunoolna cidey doonaan haka soo jeedaane ma ahan dad shaley iyo maanta meeshaas degey waxaase xaqiiqa ah dagaalada soo noqnoqday ugu danbeyna heerkii ugu danbeeyey maraya iney sabab u yahiin dulmi iyo been ay soo dhoodhoobeena ku dagaal gali jireen amaba ku dagaal galaan qoysas aad u tiro yar waligoodna war-yaad Soomaali ka tihiin la dhihin laguna tirin jiray iney yahiin dad culimo ah ayaa waxey qaateen fikir iyo go,aan aysan malaha qaarkood ka fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara iyagoo shaati ka weyn kii lagu yaqiinay bulshada degaankaas ku nool u soo gashaday Dir baanu nahay waa in reer hebel ka guuraan beerahan iyo degaankaan kedibna bilaabaan dilal qorsheysan, idaacado laga qeyliyo waa warey iyo wax la mid ah.

Waxaan soo xasuustay dagaalka ka dhacayo dalka Ukurain wadanka oo nabad ah ayaa waxaa durbaan been ah u garaacay reer gakbeedka uu horboodayo Mareykanka waxeyna bilaabeen shacabka wadankaas oo horey uga go'ay Ruushka iney dagaal abuuraan colaad iyo dagaalo looga soo horjeedo dowladii markaas jirtay iyagoon isweydiin cawaaqibka ka imaan kara markii ay ciidamadii Ruushka bilaabeen iney gudaha wadankaas galaan uuna cuuriyaamiyey ganacsigii kala dhaxeeyey oo uu ugu horeeyey Gaaska ay Ruushka siin jireen ayaa waxaa la wareystay markii ay dhibaatadii batatay dad waaya arag ah oo ka soo jeeda Ukurian waxaana la weydiiyey sideed u aragtaan qabsashada uu Ruushka idiin qabsaday?waxeyna ku jawaabeen nama qabsan ee waxaa na qalday Mareykanka markii uu sidaas yiri ayey yaabeen idaacadahii wareysanayey sabab ayaa la yiri?

Waxuu yiri Mareykan waxuu noojiraa kumanaan meyl laakinse Ruushku dhulkaan ayuu leeyahay wax isaga noodhaama oo jirana ma jirto waayo dhul iyo dad ayaa naga dhaxeeya waana ku qasbanahay in aan heshiis la galno ayuuna hadalkiisa ku soo koobay.

Hada waxaan ku keenay kuwii dagaalka iyo durbaanka beenta ah garaacayey sababna u ahaa dagaalada soo noqnoqday ee ay dhibtu ka soo gaartay shacabka waxey hada eedeynayaan Soomaaliland oo waxey leeyahiin markii ay dhibtii taabatay Nin Habaaran ayaa i hoojiyee ninkii i heyn jiroow i haay waayo in Feysal Cali Waraabe idaacad ka iclaamiyo dagaal wax dan ah inooguma jirin ayey leeyahiin bishan Ramadaana waxii ku dhintay dagaaladaas iyo waxii ku dhaawacmay amaba ku barakacay ilaah ka sokow isaga iyo ragii dhawaan dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ay dileen dagaalka maantana ka bilaawday ayaa aaqiro lagula xisaabtamayaa ayaana ka mid ahaa odoyaasha degaankaas qaarkood warkooda.

Xalka iyo dagaaladan meesha ay kudanbeyn doonaan?

Xalku waa in ay qoysaskaas waligood degenaa degaanka ay ka baxaan ruwaayadaha ay iska dhaadhiciyeen ee beenta ah ayna joojiyaan dagaalada ay markasta huriyaan oo ay sababta u yahiin ilaahey caadil waaye dulmigana ma fiicna iyadoo ay waan waan socoto ayey markasta jabiyaan waanwaanta kedibna dagaalkasta wey ku jabaan ilaahne baqdin iyo walwal ayuu ku abuuraa qofka dulmiloowka ah mana guuleysto.

Dagaalkii Kabxanley iyo Deefow qaanka ay ugu jabeen.

Dagaalkii Kabxanley iyo midkii Deefow ee maanta intaba waxaa jabkiisa ugu wacnaa dadka dagaalka galayey oo intooda badan aan degaanka aqoon kana kala yimid degaano fog fog sida Xeeraale oo kale,

Tusaale dagaalkii Kabxanley markii ay ciidamdii kala firxadeen waxaa dhawr maalmood kedib tuulada Beergadiid soo gaaray rag ku hubeysan qoryaha BKM-ka loo yaqaano oo ay haraad iyo gaajo ka muuqato waxeyna codsadeen in qoryahane laga iibsado gaarina loo saaro Galgaduud ugu danebyna qaarkood waxey qoryahii iskaka iibiyeen 100 dolar lacag u dhiganta iyagoo leh mardanbe imaanmeyno waa nala soo qalday nimanka aanu u nimidna nimcada ay ku jiraan hadii aanu dhulkaas degaanan laheyn dagaal maba ku dhiiradeen iyo wax la mid ah ayeyna ku cataabeen.

Dagaalkii Maanta Deefow iyo qaabkii uu ku bilaawday.

Iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan ayey maalin dhaweyto dad xoolo dhaqato ah ku dileen degaanka ugu danbeyna dagaalka maanta dhacay waxuu bilaawday aroortii hore wax ka yar 20 daqiiqo kedibna waxaa leysla galay gudaha Tuulada Deefoow waxaana sida caadada ah meel uu dagaal ka dhacay lagu yaqaan amaba laga dhaxlaa dhimasho, dhaawac iyo bur bur hanti ugu danbeyna hada maba jirto ciidamo is horfadhiya waxey mareysaa sidee qasaaraha amaba dhibta intaan loogu egeeyaa ciidamadii Deefow weerarka ku qaadayna waxey ku sugan yahiin soohdinta Soomaaliya iyo Ethiopia.

Soomaaliyey waligaa dulmi ka fogaaw intuu doonaba hala ekaadee Allaah subxaanahu watacaalaa caadil waaye kuwa wax dulmiyana ma jecla beelkasta oo Soomaaliyeedna waxuu dhibta ka soo gaaraa fidno ay abuureen tiro yar oo magacooda ku qaraabaneysa waxeyna ugu danbeyn dhibaatada badankeed iskugu biyo shubataa dadka danyarta ah siiba caruurta iyo haweenka oo aan awoodi karin maalin iney guryahooda ka maqnaadaan marka la eego nolosha ka jirta qeybo dalka ka mid ah oo aad u adag awadeed.

Isku soo duuboo dagaalada hada ka socda Deefoow iyo Kabxanley waa kuwo la siyaasadeeyey qaabkii loo siyaasadeeyeyne waxaan ku soo qaadan doonaa warbixinadeena danbe hadiise meesha ay maanta howshu mareyso laga amba qaado waxaa siweyn ugu gardaran qoysaska uu Ina Cali Waraabe lahaa haloo gurmado iyo wax la mid ah waan ognahay Soomaalidu runta ma jecla xaqiiqaduse waa midaas waxaan xog ogaal u nahay dhacdooyin badan oo aan mediyaha ku habooneyn oo ay Hiiraan ka sameeyeen sanadahii ugu danbeeyey.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan









Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.04 seconds
6,672,542 unique visits