Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:- Dowlada Ethiopia oo uusan siyaasadeeda Soomaaliya aysan waxbo iska bedelin tan iyo boqor Mililiq dhamaane ay Soomaalida ku nool geeska Africa u arkaan Dameer iyo labadiisa dhegood kaliyana kooxba mar la soo dhaweeyo inta markaas dano siyaasadeed laga leeyahay inta kuwaas lagu shaqeysanayane kuwo kale la sii abuuro ayaa hada waxaa soo baxaya in la gaaray waqtigii la bedeli lahaa madaxweynaha hada talada haya ee killinka 5aad ninka lagu magacaabo Cabdi Cumar laakinse Soomaalida Ethiopia ugu yeeraan Cabdi Iley.

Warar is qilaafsan laakinse dhamaantood iskugu soo biyo shubanaya in xilka laga qaadi doona ayaa naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa waxaana lagu soo waramayaa sababta xilka looga qaadayo iney ugu wacan tahay labo arimood.

1- Wararka qaar ayaa sheegaya inuu lunsaday dhaqaalo badan oo loogu talo galay in wax loogu qabto bulshada degaanadaas si loogu abuuro shaqooyin, ha yeeshee taasi bedelkeeda waxuu faraha la galay arimo siyaasadeed dowlada Ethiopia shaki ku abuuray kedib markii ay dacwad ka keeneen beelo kala duwan oo ku nool dhulka Ismaamulka Ethiopia kuwaasi oo sheegey inuu ku milmay siyaasada Soomaaliya arimaha bulshada deegaankaas wax ka qaban lahaa.

2- Warar kalena waxey sheegayaa in ay arintaan dowlada Ethiopia ugu talo gashay in ay degaankaas u dhiibto shaqsi ay soo barbaarisay sida midka ay hada xilka ka qaadeyso sidey horey ugu soo barbaarisay shaqsigaasi oo dhawaan gaari doona magaalada Jigjiga waxaana Cabdi Cumar xil ka qaadista ku sameynayo golaha degaanka Soomaalida Ethiopia sida wararka qaarkood sheegayaan.

Marka labada qodob ee aanu kor ku soo xusnay laga soo tago dhab ahaan looma oga mustaqbalkiisa siyaasadeed halka uu ku danbeyn doono walow ay dadka qaarkiis sheegayaan in uu wadamada qurbaha midood iska dhiibi doono maadaama uu mudadii uu joogay xafiiska uu cadaawad badan sameystay.

Cabdi Cumar oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen waxuu qeyb ka ahaa barnaamij Daaroodiism ah oo ay wadeen dhawaanahan Cabdiweli Gaas, Ahmed Madoobe, Cumar Cabdirashiid, Prof Gaandi iyo Maxamed Cabdi Afeey oo dhamaantood siyaasada Soomaaliya qaab qabiil ugu milmay dowlada Ethiopiyana waxaa gaaray baa la leeyahay dacwad ay keeyeen beelo kala duwan oo deegaankaas ku nool.

Sidoo kale waxey dib u eegid ku sameyneysaa dowlada dhexe ee Ethiopia qaabkii loo soo dhisay amaba bulshada ku nool dhulka Soomaali galbeed ee loo yaqaano Zone 5 looga soo xulay ciidamada loo yaqaano Liyuu Boolis oo ay shacabka degaanadaas shaki ka muujiyeen kedib markii ay soo baxeen warar sheegaya iney u badan yahiin halbeel amaba qabiilka uu ka soo jeedo shaqsiga la doonayo in xilka laga qaado mararka qaarkoodna loo isticmaalo dagaalo siyaasadeysan iyagoo fulinaya dano qabiil.

Siyaasada bariga Africa waa isku wada xiran tahay hadii adigoo masuuliyad sheeganaya ay shacabku ku arkaan siyaasadaada oo ku soo aruurta danta qabiilkaada iyaguna wey kaa tashanayaan amaba waxey raadis u galayaan shaqsi bulshada isku soo dhaweyn kara reerkii uu doono haka soo jeedee.

Isku soo duuboo Siyaasada dowlada Ethiopia wey wajiyo badan tahay hayeeshee arinta xil ka qaadista madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Cabdi Cumar ayaa ah mid isa soo tareysa walow ay dowlada Ethiopia mudo ku heysay dabagal si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed siiba arimaha Soomaaliya oo aysan dowlada Ethiopia dooneyn maadaama ay iyadu faraha kula jirto in ay faraha la soo galaan maamul iyada hoos taga qof hogaaminaya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster"hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.37 seconds
14,934,445 unique visits