Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:- Magaalada Jalalaqsi waxey ka mid tahay dhulweynaha Hiiraan waana magaalada ugu weyn Hiiraan marka laga soo tago Belet Weyne iyo Bulo Burde waxii ka danbeeyey maamulkii uu madaxda ka ahaa marxuun Xasan Cabdulle Khalaad waxaa gacan kuheynta magaalada la wareegay ciidamo kala duwen sida kooxo diimeedyo huwanaa magacyo qabiil ugu danbeyna waxaa mudo lix sano ah maamulayey kooxda Shabaab hayeeshee mudo sanad ah amaba waxii ka danbeeyey 2012 bartamahiisii magaalada Jalalaqsi waxey gacanta ugu jirtay ciidamo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe mushaarkoodana waxaa si toos ah looga bixiyaa halkaas.

Qaabka ay ciidanadan ku heystaan magaalada ujeedada laga leeyahay ayaa ah maadaama aan magaalada lagu qabsan karin ciidamo qabiil waxaa la isticmaalaa magaca Shabaab isku dayo badan oo la doonayey in ciidamadaas looga saaro magaalada oo gacanta maamulka Hiiraan la soo geliyana waxaa laga fashiliyey magalada Jowhar oo saldhig u ah ciidamada heysta degmada iyo shacabka ku nool.

Shacabka magaalada waa laga suuliyey maqalka magaca Hiiraan markii ugu danbeysay ee la doonayey in magaalada laga saaro ciidamada heysta ayaa waxaa dhinaca Mogdishu ka yimid ciidamo uu watay Col Xasan Cali Qeylooy ujeedaduna waxey aheyd in ciidamada Mogdishu ka yimid iyo kuwa Hiiraan ee ku sugnaa Bulo Burde ay magaalada qabtaan markii ay ciidamadii col Qeyloy ay soo gaareen Sh/dhexe ayaa waxaa dhamaan diideen iney dagaalka la galaan ciidamadii dowlada ee ku sugnaa Sh/dhexe iyagoona Amisom u sheegeen in aysan Jalalaqsi heysanin Shabaab ayna ku sugan yahiin ciidamo ay iyagu ku ogyahiin magaalada ugu danbeyna muran badan kedib ciidamadii dowlada wey kala jabeen col Qelooyna markii uu arkey in uusan meeshu oolin magac dowladeed beelaha Soomaaliyeedna qaarkood qarankii iyo dowladnimadii meel iska dhigeen waxuu horey u sii watay safarkiisii waxuuna ugu danbeyn gaaray isaga iyo ciidamadiisii oo dhawr dagaal ku galay wadada intii uusan gaarin Bulo Burde iyadoo telefono loo dirayey ciidamadii ku sugnaa Jalalaqsi oo dadka looga dhigayey iney yahiin Shabaab laakisne bil xaqiiqo magaca oo kaliya magaca Shabaab ka isticmaala laakisne ah kuwo laga soo aruuriyey degaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Ma ahan markii ugu horeysay oo iyadoo magac urur diimeed la sheeganayo lagu qabsado degaano ka mid ah gobolka Hiiraan waxaane mudo 1 sano ah horey loogu heystay magaalada Belet Weyne magaca urur diimeed horey loogu qabsaday kedib waxgaradka iyo cuqaasha lagu gumaado ilaa markii danbe hoobiye lagu garaaco shacabka si ay u barakacaan iyagoo qaarkood la bartilmaameedsanayo dano qabiilna aysan ka marneyn arimahii foosha xumaa ee halkaas ka dhacay.

Sikasta oo ay ahaataba magaalada Jalalaqsi kama taliyaan Shabaab mana heystaan waxaa la isticmaalayaa oo kaliya magacooda warbixin dhabta taabaneysa ayaane dhawaan bulshada u soo bandhigi doonaa tirada ciidamada,sida ay duleedka magaalada u kala degen yahiin, taliyaha wata qabiilka uu ka soo jeedo, sababta ay halkaas ujoogaan iyo wax la mid ah walow shacabku iska iloobeen amaba qarka u saaran yahiin iney hilmaamaan magaca Hiiraan.

Wax badan dhegaha shacabka Hiiraan wey maqleen maamul aan dhaafsiisneyn magaalada Belet Weyne sananadahii la soo dhaafay Hiiraanoo dhan Shabaab waanu ka saareynaa Shabaab Hiiraan ma heysto dhalinyaradii heysan jirtay ee Shabaab intoodii badaneyd kuwii Hiiraan joogay sidii magaalada Belet Weyne looga saaray badankood waxey dib ugu laabteen deegaanadii ay ka soo jeedeen Hiiraan kuwa ku sugan wajiyo badan ayaa loo isticmaalaa magaalada Jalajaqsina dhibaatada nolol xumo ee ka jirto waa mid loogu yalo galay hadii ay maanta gacanta ciidamada maamulka Hiiraan soo gashana siweyn ayaa looga nixi doonaa rumeyso ama ha rumeysan magacaan dowlniamda iyo urur diimeedka dalka ka jiro ninkii ogne waa ogyahay kaan ogeyna hada ha ogaado waa leysku barakicinayaa ma jirto wax la yiraahdo dowlad iyo wadaniyad iyo ururo diimeed Soomaali wey istaqaanaa meesha uu wanaagu ka jirona dadku waa ogyahiin laakinse marka xaalada Jalalaqsi laga hadlayo maanta Shabaab ma heysto siyaasad ayaa lagu heystaa degmadaas.

La soco wararkeena danbe iyo degmadii ugu danbeysay ee Hiiraan ka tirsan oo qaab la yaab leh loo heysto.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.53 seconds
14,934,341 unique visits