Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; South Sudan Music ; ; Ugandan Music ; ; Djabouti Music ; ; ; ; Eriterian Music ; Kenyan Music ; ; ; Sudanes Music ; ; ; Soomaali Music ; ; Ethiopian Music;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
Fedyanam

· Total Members: 61,192
· Newest Member: Quadirkl

Welcome

HS:-

NewsHS:- Dalka Soomaaliya dib uguma laabaneyno darxumadii ay dadkiisu kala kulmeen dagaladii sokeeye iyo dhagartii faraha badneyd ee ay kala kulmeen dowlado dano fog iyo kuwo dhawba ka leh kuwaasi oo iskugu jira reer galbeed iyo kuwa dalka Soomaaliya deris la ah.

Soomaalidu been waa sheegtaa laakinse kuma maahmaahdo waxaana horey loo yiri Laxkasta meeshii ay is dhigto ayaa lagu gowracaa reer Xamarkana waxey dhahaan ishiisa laga arkaa ushiisa lagu tumaa laakinse geesi kasta oo Soomaaliya oo maanta nool rag iyo dumarba wey adagtahay sidii dhibta wadankeena ku habsatay looga saari lahaa laakinse waxaa jira qaab dhibta lagu fududeyn karo oo ay markasta madaxda xiligaasi joogta uga yareyn karaan bulshada taasi oo ah isla markii ay arkaan iney fashilmeen bulshada talada dib uguma soo celiyaan xaalada ayey sii murjiyaan.

Hadaba dowladii ugu danbeysay ee loogu doortay inuu madaxweyne ka noqdo Xasan Sheikh Maxamud, gudoomiyane loogu doortay Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari hadana uu ka yahay r/wasaare Cabdiweli Shiikh xageey wax u marayaan maxaadse ka ogtahay xaqiiqada uu wadankeenu maanta ku sugan yahay hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed oo wax fahma dadii aad doonto jire wadankii aad ku abtirsan jirtay ee Soomaaliya maxaad xaaladiisa kala socotaa?

Soomaalidu waxey tiraahdaa meyd yaa u danbeeyey midka hada la sii wado dowladii hore waxii ka halabay waxey uga halaabeen ma aheyn dowlado dhameystiran oo uu aduunyadu ictiraafsan tahay laakisne mida hada jirta waa laga yabaa in ay tiro yar oo Soomaalida ka tirsan wali niyada ku dhisanayaan dowlad ayaa idiin dhisan iyo wax la mid ah xaalku sidey dad badan moodaan iyo wax u dhaw maahan.

Dalkii Soomaaliya la dhihi jiray haduusan allaah subxaanahu watacaalaa usha dhexda qaban oo aan la helin tanaasul deg deg ah oo ka yimaada madaxda maanta joogta oo si niyad ah inta qol isku soo xira si deg deg ah bulshada ugu tanaasulin oo aysan shacabka runta u sheegin oon la dhihin xilkii waanu iska casilnay ee si guud aan mustaqbalka dalka uga wada hadalno min koofur ilaa waqooyi meesha hada laga sugayo doorasho oo bulshada rajobeen ah loo sheegay waxey isku bedeli doontaa murugo iyo in dib loogu laabto dhib ka baaxad weyn midkii ay shacabku soo mareen 22 kii sano ee ugu danbeysay.

Hadaba maxaan bulshada ugu soo jeedinay iney masuuliyiintaan si deg deg ah isku casilaan oo ay shacabka inta koori koor tahay talada ugu celiyaan si qatarta ku soo fool leh dalka loo yareeyo?

Fashilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha markii la doortay waxuu kasbaday taageerada malaayiin Soomaaliyeed oo ka kooban dhamaan qabaailka Soomaaliyeed kuwaasi oo iyagoo si iskood ah isku xilqaamaya aduunyada u muujiyey taageerada ay u hayaan dalkooda iyo dowladooda waxaasi oo dhan maanta waa hal bacaad lagu lisay waayo waxey taageero aysan ka fiirsan u fidiyeen shaqsi siyaasadiisu aysan dhaafsiisneyn dano urur diimeed la magac baxay Dam Jadiid ujeedadii ay siyaasada u galeena aheyd sidii ay hanti fara badan u heli lahaayeen mudadii ay wadanka la wareegeen ilaa maantadan aan joogno dhaqaalaha ay si shaqsi shaqsi ah wadanka uga dhaceen dalka oo dhan ayaa lagu nabadeyn karaa waana wada milyaneero dhamaantood sidey u dhan yahiin, taasi waxaa ka sii daran madaxweynahii ayaa ah magac u yaal taladii wadanka dhana waxey gacanta u gashay nin aan waliiis talin oo xisbiga ka tirsan oo la yiraahdo Faarax Cabdulqaadir dhalasho ahaana ka soo jeeda dalka Ethiopia hadii intaan shacabka Soomaaliyeed ugu simo waa ilaahey mahadii oo asyan bulshada mar kale ka soo dhex muuqan weyba adkaan doontaaye.

Sidoo kale marka Faarax Cabdulqaadir laga soo tago madaxweynaha qudhiisa isaga kama marna fashilka ku dhacay dowlada waxuuna mashaqo ku dhigay isagoo aan gaarin mudo sanad ah tan iyo markii la doortay ayuu qeybaha kala duwan ee bulshada u sameeyey balanqaadyo intooda badan u badan is dhaafi qofkaan dhamaana dadkii uu balanqaadyada uusan fulineyn u sameeyey waa kuwa dhinac ka fashiliyey dowlada aanu hada ka hadleyno burburkeeda.

Waxaa kale oo iyaduna layaab ah ma leh go,aan qaadasho sida lagu yaqaan hogaamiyaasha caalamka kuwooda rasmigaa marka loo baahdo taasina waxey dhashay in isagoo taagan maamul goboleedyo dowlada uu madaxweynaha ka yahay hoostaga ay qeybo dalka ka mid ah faraha ka bixiyaan oo ay shisheeye u gacan geliyaan walow ay iyaguna maalin aan maanta aheyn ka qoomameyn doonaan raga horboodaya maamuladaaas.

Fashilka gudoomiyaha baarlamaanka

Prof Jawaari sida xaqiiqada ah sida uu sharci yaqaan u yahay iyo sida uu dastuurkaan aan awalba leysku raacsaneyn ee ay bulshada Soomaaliyeed u soo dhoodhoobeen Mahiga iyo reer Puntland lana sameeyey xiligii uu ahaa wasiirka dastuurka isagii ayaan ku dhaqmeyn iskaba daa Soomaalidii aan goob jooga u aheyn meeshii lagu sameeyey waxuuna hada dalka Soomaaliya ka yahay gudoomiye magac u yaal ah waayo caalamku waa diiday inuu dhaqaalo danbe siiyo dowlada uu qeybta ka yahay.

Sidoo kale waxaa lagu tilaamaa inuu waaya arag yahay haduusan ka weyneyn waxey isku da yahiin amaba is aadan yahiin madaxweynaha Uganda Moseveni waxuu isagoo golaha shacabka gudoomiye u ah nabad ku la yahay inta u dhaxeysa xafiiskiisa iyo meesha uu seexdo iska daa dad Soomaaliyeed oo nidaam iyo kala danbeyn iyo dowlad wanaag la gaarsiiyo waxuu ilaa maanta isweydiin la yahay maxey dalkaada ka qabanayaan 22 ka kun ee Africanka ah ee aan xitaa isaga amaankiisa sugi karin waxa ay wadankiisa u joogaan. malaha siyaasiyiinta qaarkood waxey u heystaan dadku ineysan ku jirin dad waxa maanta dhacaya aruurinaya oo mustaqbalka soo bandhigi doona. kama hadleyno sida ay dalka Soomaaliya ku soo galeen ciidamada Kenya.

RW Cabdiweli iyo fashilkiisa siyaasadeed iyo sida uu wadanka uu u dhashay ee Soomaaliya shacabkooda u marin habaabinayo.

Waa ayaan daro in dadka bulshada Soomaaliyeed u gala siyaasada aan loo eegin kartidooda iyo wax ay wadanka ku soo kordhin karaan taasi bedelkeedana RW kasta waxii ka danbeeyey Farmaajo lagu keenayey qaab ay ka soo shaqeeyeen shaqsiyaad ku jira urur diimeedyada dalka ka jira oo uu ugu danbeyey Dam Jadiid.

RW Cabdiweli waxuu hada wadanka ugu ciyaarayaa mustablka caruurta Soomaaliyeedna ugu tumanayaa inuu iska dhaaadhiciyey madaxweynaha xil kaama qaadi karo R Wasaarayaal idiga kaa horeyey ayey isku dhaceen waana taas siyaasada uu maanta dalka ku maamulo fashilkiisana waxaadba ka garan kartaa qaabka uu taliyaha Booliska xilka uga qaaday mid ina adeerkiisa oo ay Soomaalida badankeed xitaa qabiilka uu ka dhashay RW tilmaameen taariikhdiisa mugdigaa sida masuuliyad heerkaas gaarsiisan uu ugu dhiibay ayaa muujineysa in uusan dalka iyo dadka Soomaaliyeed dan ka laheyn waxeyna tani qeyb ka tahay rajo beelka dowladan ay ka muujiyeen shacabkii markii la doortay madaxweynaha u dabaal degayeen oo lahaa waanu ka baxnay kumeel gaar.

Hadaba xalku ma waxuu ku jiraa iney madaxdaan iyagu is gartaan mise inta ay beesha caalamku ka shaqeyneyso burburkooda muuqda?

Xalka waxuu ku jiraa inta ay goori goor tahay iney bulshada Soomaaliyeed shir jaraa'id u qabtaan si Soomaalinimo lehna ugu sheegaan in ay siyaasadii wadanka ku fashilmeen dalkiina aysan waxbo ka qaban karin 22 ka kun ee Africanka ah ee caasimada Soomaaliya la jooga dowlada ee malaayiinta dolar ku qaata Soomaaliya ayaan nabadeyneynaa iyo wax la mid ah lagu siiyo lacagta iney bulshada u sheeganiney la wareegeen dalkooda.

Sidoo kale beesha caalamka oo bur burka Soomaaliya qeyb ka ah waxey hada si toos ah u joojiyeen in aan gacanta loo gelin dowlada hada jirta dhaqaalahii dalka Belguim loogu yaboohay umada Soomaaliyeed si ay uga macaashaane waxey leeyahiin dowlada midaan ka danbeysa ayaanu siindoonaa midaasne lama siin doono qeyb lacagtaas ka mid ah ayaa lagu burburin doonaa iyadane.

Isku soo duuboo dowladan laga bilaabo bishan aynu ku jirno ee July ilaa bisheeda kale madaxweynaha, RW iyo Gudoonka baarlamaanka waxey waqtigooda ku dhameyn doonaan sidii dowladii Sheik Shariif oo sanadkii ugu danbeeyey ku waashay Tuulo hebel waa degmo. degmo hebelna waa gobol, iyo labo alife waa General ilaa doorashii laga gaaro maalinkasta wareegto ayuu soo saarayey sidaas ayuuna siyaasadii guud ee dalka uga maqan yahay ilaa maanta.

Waxaa kale oo sida madaxdaan u fashilmeen u fashilmay shaqsiyaadka horboodaya maamulada Soomaaliland iyo Puntland oo sidii waxey cadow ka cararayaan dowlada Soomaaliya iney la fadhiistaan dhib ku tahay laakinse shisheeyaha daba ordayo sidey doonayane ma helaan oo waataas Soomaaliland ictiraafkii ay raadineysay Soomaali ka hortaagan ma jirto mey noqdaan wadan madax banaan? Puntland iyadu waaba gobol Soomaaliya ka mid ah siyaasi ka socda deegaankaas iyaduna wey adkaan doontaa inuu Soomaaliweyn hogaamiyo sida Cabdiweli Gaas oo kale waayo dhaqanadiisa ayaaba hada muuqdo isagoo gudoomiye gobol aan waxbo dhaamin haduu dowladii dhexe inta tanaasulo la shaqeyn waayey waa ayo cida xil qaran ku aamisneysa?.

Guntii iyo gebo gebadii Soomaaliya dowlad dhexe kama jirto madaxdii lagu hanweynaane wey fashilmeen waxeyse su'aal ka taagan tahay fashilka meesha uu hada joogo mey ku adkeyn doonaan mise maalinba maalinta ka danbeysa kuwii Bada Soomaaliya hibeeyey ayey safiiro ku tixi doonaan amaba xilal aysan jirin meel ay ka shaqeeyaan ayeey wareegtadooda maalinkasta soo saari doonaan?.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.10 seconds
6,672,535 unique visits