Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
loriwe3

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:-Maamulka Soomaaliland oo ay dad badan u heysteen iney yahiin shacab godob ka tirsanaya Soomaaliweyn doonayana iney dalka intiisa kale ka qaataan xornimadooda ma noqon sidaas waxaana muuqaneysa calaamado ka duwan sida ay dad badan moodaan.

Maamulka Soomaaliland ee ka taliya gobolada waqooyi ee Soomaaliya ma jirto wax la yiraahdo madax banaani waxaana la ogaaday qaabka uu u shaqeeyo maamulkaasi iney tahay mid dhiiragelinaya argagixisada ku sugan bariga Africa sida ay xaqiijiyeen sirdoonka wadamo badan oo bariga Africa ku yaala.Warar xaqiiqada u dhawna waxey sheegayaan inuu jiro xiriir guud oo ka dhaxeeya hogaamiyaha Shabaab iyo siyaasiin badan oo ka soo jeeda deegaankaas amaba gaancsato maalgeliyaan ururka ka dagaalama bariga Africa saldhigyada ugu waaweyna ku leh koofurta Soomaaliya ee Shabaab.

Kedib waxii ka daneeyey dagaalo dhawr ah oo kooxda Shabaab looga qabsaday magalooyin badan oo ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya waxey si tartiib tartiib ah ugu soo qulqulayeen deegaanada Soomaaliland waxaana ugu danbeyn u suuro gashay kooxda in ay qaraxyo waaweyn ka geystaan dalka Jabouti oo ahaa wadanka ugu amaanka badnaa qaarada Africa.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Soomaalilane waxey sheegayaan in uu maamulkaas ka codsaday kooxo xag jir ah oo tababar ku qaata gudaha Soomaaliland iney dib ugu laabtaan koofurta Soomaaliya kedib markii ay ka war heleen madaxa Soomaaliland in waxii ka danbeeyey qaraxyadii ay ka geysteen dalka Jabouti aan sidii hore loogu kalsooneyn sidaasi daraadeed si uusan faraha uga bixin amaanka wadamada geeska Africa siiba kuwa iyada xadka la leh sida Jabouti iyo Ethiopia waxaa socda qorshe bilaaw ah oo laga yaabo in xadka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Jabouti la geeyo ciidamo ka socda wadamada leysku yiraahdo geeska Africa kuwaasi oo ay hada socdaan dhismahooda lana diyaarin doono dhamaadka sanadkaan meelaha la filayo in lagu bilaabona ay noqoto xadka Jabouti iyo Somaliland.

Maxey tahay danta Soomaaliland ugu jirta iney degaankeeda u ogolaato kooxaha argagixisada ah ee qaraxyada ka geystay hadana ku talo jira sidii ay dalka Jabouti ugu fulin lahaayeen kuwo kale.


Soomaaliland iney la shaqeystaan kooxaha Islamiyinta ah amaba Shabaab waxaa ugu jira faaidooyin badan kuwaasi oo ay ugu horeyso iney ka soo gasho dhaqaalo fara badan oo dhicakasta leh.

Tusaale:Kooxda Shabaab waxaa hogaamiyo Ahemd Godane oo ay xaaskiisa iyo caruurtiisa ku nool yahiin magalada Burco dhaqaalaha ugu badan ee Soomaaliland soo gala waxey ka yimaadaan Godane waayo Ahmed Godane waxuu ku guuleystay inuu barakiciyo shacabka Koofurta dhawr sano ka hor waxeyna badankooda u qaxeen gobolada waqooyi oo ay guryo ka kireysteen ganacsina ka sameysteen canshuur badana waxey siiyaan maamulka Soomaaliland.

Tan kale degaanada Soomaaliland waa sida gobolka Kashmiir oo kale ajaaniibta ka dagaalanta gudaha Soomaaliya waa meesha ay ka soo degaan kedibna waxaa loo gudbiyaa koofurta ugu danbeyna hada waxey ku soo aruureen gobolada waqooyi maadaama koofurta ay hada kooxda ku heystaan dagaalo kala duwan.

Maamulka Soomaaliland maxey tahay danta ugu jirta in ay carqaladeeyaan shacabka iyo dowlada Jabouti nabadgalyada ay ku caweeyaan?.

Maamulka uu hogaamiyo Ahmed Siilaanyo waxey dhib u aragtaa dowlada Jabouti caawinta ay Soomaaliweyn caawineyso iyo ciidamada ay gudaha Soomaaliya u direen sidaasi daraadeed maadaama aysan Soomaaliland dooneyn iney arkaan Soomaaliya oo hagaagta waxey fududeynayaan amaba ay u ogolaadeen kooxaha xagjirka ah iney gudaha Soomaaliland ka sameystaan xerooyin ciidamada lagu tababaro kedibna ay sidaas ugu gudbaan dalka Jabouti.

Warar kalena waxey sheegayaan in Ahmed Siilaanyo u arko madaxweynaha Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle nin dhalinyaro ah uuna isagu siyaasada kaka horeeyey sidaasi daraadeedna uu hadii uu doono nabad galyada Jabouti qalqal gelin karo hadalkaan oo ah midka ugu badan ee yaalo deegaanada Soomaaliland.laakinse xaqiiqadii madaxweynaha Jabouti marka laga soo tago riyada Soomaaliland iyo Siilaanyo ay ku hayaan gobolada waqooyi oo ay doonayaan iney ku qaldaan shacabka Soomaaliland madaxweynaha Jabouti miisaan culus ayuu ku leeyahay siyaasada qaarada Africa siiba mida bariga Africa Soomaalilana hadii uu kaliya ka xero xadka Jabouti gudaheeda dagaalo sokeeye ayaa ka dhacayo shaki la,aan.

Isku soo duuboo maamulka Soomaaliland hada meel ayey iska dhigeen hamigii ahaa iney doonayaan sidii ay u noqon lahaayeen dal ka madax banaan Soomaaliweyn waxey taasi bedelkeeda ka doorteen in ay saldhigyo ciidan oo lagu tababaro dhalinyaro aaminsan fikradaha xagjirka kuwaasi oo doonaya in ay isku furtaan Jabouti iyo Yemen.

Siyaasiyiin reer Soomaaliland ah ayaa laga soo xigtay iyagoo leh Ismaaciil Cumar Geelle hadii uu awoodo sidii Maxmed Siyaad Bare ayuu burburin lahaa Soomaaliland laakinse ma awoodo iyo wax la mid ah.

La soco qatarta ka soo muuqata maamulka Soomaaliland

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.65 seconds
14,905,773 unique visits