Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:- Kooxda Shabaab ayaa markii ugu horeysay mudo 7 sano ah kedib dagaalo toos ah kala kulmeysa bulshada Soomaaliyeed amaba degaano badan oo ka tirsan koofurta Soomaaliya.

Inta badan dagaaladan oo ku bilaawda dhaqaalo nasiiya iyo idiin siin meyno ayaa waxey kooxdu kala kulmaan badanaa iska caabin iyo abaabul ay shacabku isku abaabulaan tuulo tuulo taasi oo inta badan kooxda Shabaab looga dilo ciidamo badan isla goobta lagu dagaalamo.

Kooxda Shabaab ayaa dhaqaalaha ugu badan ka heli jireen dadka reer miyiga ah oo ay weydiisan jireen xoolo ay ugu magac dareen sako tan iyo markii laga saaray inta badan magaalooyinka waaweyn ee koofurta Soomaaliya, hayeeshee taasi bedelkeeda waxaa is abaabulay shacabkii oo diidan in mar danbe la baado maadaama aysan meeshu oolin diin.

Hadaba dagaaladii ugu danbeeyey ee looga soo horjeedo kooxda ayaa waxey ka socdaan degaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool waxaana maanta shir jaraa'id ku qabtay caasimada maamulka Koofur Galbeed madaxweynaha maamulkaas Madoobe Nuunoow iyo salaadiinta amaba cuqaasha deegaaanka si loo soo qiimeeyo qasaaraha dhabta ah ee dagaalka iyo sidii dadka shacabka ah loogu garab siin lahaa dagaalka ugu danbeyna waxaa lagu wadaa in warbixin dhab ah laga keeno maalmaha inagu soo aadan walow siweyn ay dagaalka ugu gacan sareeyaan dadka deegaanka oo ay u muuqdaan dhalinyaradii Shabaabka iney godoon yahiin oo meelkasta laga jiro maadaama dadka degaanka ku dagaal galayaan waxkasta oo ay awoodaan halkii xoog looga qaadan lahaa xoolahooda oo waayadii hore si micno daro ah looga qalan jiray

Isku soo duuboo dagaaladii ugu danbeeyey ee kooxda Shabaab ku galeen qeybo badan oo dalka ka mid ah waa mid u dhaxeeya dadka degaanka iyo Shabaab dagaalada noocaan ah hadii ay wadanka ku soo bataane wey ku adkaan doontaa Shabaab iney sii joogaan amaba heystaan degaanada ay hada ku sugan yahiin oo meeshii ay galaan waxaa sheegayo shacabka.

La soco wararkeena danbe iyo xaalada bay iyo Bakool ka taagan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.80 seconds
14,934,148 unique visits